tvsle.com
Wednesday, 5 September 2012
Sheeko Kale Keen: Tarantanka Anaa Ka Siidhiwale Ah Prof. Cabdisalaam Y
Xafiis ciyaaraha maamula ayaa tartan orod ah abaabulay. Tartamayaashii ka qaybgelayay tartanka ayaa goobtii yimi. Ka dib markii ay is diiwaangeliyeen, ayay isu diyaariyeen bilowgii tartanka.

Waxay goobtii tartanka ka waayeen nidaamkii loo geli jiray tartanka.
Goobti lagu tartamayay qiyaas ma laha, claamado ma laha, bilow ma laha, dhamaad ma laha. Qaar ka mida tartmayaashii oo yaaban ayaa la xidhiidhay madaxii maamulka tartamayaasha.

Waxay weydiyeen, “Sidee ay tartanka u geliyaan tartamayaashu loona kala saarayo ciddii gulaysatay iyo cidda aan gulaysan haddii nidaamkii tartanka meesha ka maqan yahay.” Waxay raaciyeen, “Ta kale, jidka lagu tartamayaa sida u socodo ayuu saddex jid u kala baxayaa;

hadana lix jid u kala baxayaa; hadana sagaal jid noqonayaa; hadana saddex jid noqonyaa; hadana laba jid noqonayaa; hadana jid qudha noqonayaa iyada oo aan tartankii nidaami lahayn!!!”

Madaxii maaulka tartanka wuxu ku jawaabay, “Idinku safkan gala oo diilintaa aan xariiqay istaaga. Tartanka aan ka siidhwale ahi, markaan siidhiga ku dhufto, big ka siiya! Waa dhuguc iyo dhagac iyo laysuma joogaane!”

“Oo waxan oo jidida aha ayaa jira; calaamadona ma laha; wana isku hor iyo dabo noqonayaan; ee sidaanu ku garanaynaa jidka aan ordayno iyo halka uu ku dhamaanayo.” Ayaa tartamayaashii qaar weydiiyeen madax maamullka tartanka.

“Waar waa hadal badan tihiine safka gala! Kuwiinaa imika yimina ka baxa safka idinku tartanka gelimaysaane! Anaa idiin sheegaya xariiqda uu tartanku ku dhamaanayo! Diyaar, weydinkaa! Waa duguc iyo dhagac iyo laysuma joogaane, ka bul dheha!!!” Ayuu ku jawaabay maamulihii tartanka. Talaw, maxaa ka soo bixi tartankaasi!

Prof. Cabdisalaam Yaasiin
published on Wednesday, 5 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube