tvsle.com
Wednesday, 5 September 2012
Hargeysa: Magaalo 100% Ka Aradan Adeegyada Lagu Qiimeeyo Caasimadaha D
Markasta oo aad naftaada la faqdo ama aad is tidhaahdid qiimee meelaha dalkan yar ee Curdinka ah ee Cadawga badan leh 21-kii sano ee uu jiray uu Horumarka ka sameeyey, waxa markaaba ay Maskaxdaadu ku soo dhacaya in dalkan Somaliland uu leeyahay Shacbi u Heelan inay wax noqdaan oo Ilaahay ku Saliday Xukuumado u kala danbeeyey oo Fadhiid ah oo mid waliba Danta gaarka ah kaga mashquusho Danta Caamka ah.
Hadii aynu u soo noqono Dulucda Qoraalkeenan oo ku taxaluqa Wadooyinka Caasimadda oo ah meelaha laga dheehdo Horumarka ay bulsho meel degani ku talaabsatay, kuwaas hadba sida ay Jidadkooda iyo Wadooyinkooda u Dayactirtaan lagu qiimeeyo. Hadaba hadii aynu Sarno Arimahaas Kaalinta ay Somaliland kaga jirto, Xaqiiqadu waxay tahay in bulshadda Somaliland ee Ilaahay ku uumay dhulkani ay 100% ka soo baxeen doorkoodii Horumarinta iyo dib u dhiska dalka, kuwaas oo iyagu dhinacooda qaaday Talaabooyin lagu hirto oo wax ku ool ah, haday noqon lahayd Guryo Qur-qurux badan oo ay dalkan oo burbur badan loo gaystay ay ka dhistaan iyo haday noqon lahayd Ganacsiyo kala duwan oo Wadankooda ka hirgaliyaan.
Hadii aynu dhinaca kale Arimahaas iska taagno oo aynu u laabano doorka dawladu ku leedahay si ay u wada Jaanqaadaan Shacbigeeda waxaan odhan karnaa taasi waa qadiyad aanay wali isku dayin Maamul soo maray Somaliland Xiliguu doono ha yimaadee, waxaana Tusaale inoogu filan Xukuumadda Maanta talada dalka haysa ee uu Hogaaminayo Axmed Siilaanyo oo wakhtigii ay Mucaaridka ahayd dawladii ka horaysay ee Daahir Rayaale meelaha ay sida wayn ugu dhaliili jirtay ay ka mid ahaayeen Wado la抋antu, ayna bulshada u soo bandhigi jireen in Wadooyinkii yaryaraa ee uu uga tagay Afwayne ay dayacmeen.
Waxa aad moodaa inaanay bulshadani ka Bislaanin Maalinba Nin ama Koox been u sheegta oo markay dantooda gaadhaana la waayo meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen, waxaana muuqata in xukuumada Kulmiye la Xisaabtankii Dawladaha Hoose ee Dalka ay kaga Mashquushay dano gaar ah oo ay fushato iyo isbedelo loogu abaal gudayo kuwo Kulmiye u soo Halgamay. Hadii dhacdooyinka dalkan ka dhacayaa ay sidaa yihiin waxa su抋asha meesha soo galaysaa ay noqonaysaa, Madaxwayne Siilaanyo Ma dadkii Kulmiye taageeray ee Codka siiyey ayuu Madaxwayne u yahay mise reer Somaliland oo dhan ayuu Hogaamiye wada Matala u yahay???.
Sidoo kale hadii ay sidan ku sii socdaan Arimaha Siyaasadeed ee dalkani waxa Quusi doonta oo la waayi doonaa Miisaanka Horumarinta dalka ay ku leeyihiin Bulshada rayidka ah oo iyagu Quus ku dhaw hadii aanay wax is badalin ama la waayo dawlad la Xisaabtanta Maayarada dalka oo tidhaahda maxaad soo kordhisay iyo waa maxay Wadadan Burburtay u dhisi wayday??.
Isku soo wada Duuboo waxa aad moodaa inaanay dadkani Helin Hogaan Daacad ka ah wixii ay u doorteen, isla markaana ku Sifooba Astaamaha Hogaanada Taariikhda dunidu Xustay oo mid walba inta aduunka lagu nool yahay aanay wuxuu qabtay Duugoobayn.
Dhinaca kale Guud ahaan Dunida horumartay waxay ka siman yihiin oo reer Somaliland Laayihiin oo Madaxda iyo Hogaamiyayaasha Aduunka ugu saamaynta badani ay Dhaqan u lahaayeen inaanay dhaqaale korodhso u qabsan Talada dalalkooda ee ay ugu dagaalamaan Hogaaminta Qaranadooda si ay u dhaxlaan Taariikh, isla markaana Bulshooyinka ay Madaxda u yihiin ay uga helaan Qadarin badan, una noqdaan Shakhsiyaad Taariikhdoodu Xusto oo Hogaamiye kastaa helo wixii uu Kasbaday wixii ay dalalkooda u soo qabteen.
Mustaqbalka ummadan hore u soo maray Cadaadiska iyo Toojarka ee dagaalka la soo galay mid ka mid ah dawladihii ugu awooda badnaa Qaarada Afrika oo uu hogaaminayey Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre (Afweyne) ayaa waxa aad moodaa in xukuumadba ta danbaysaa ay Rajadoodii god kaga ridayso. Xaaladaha dhabta ah ee ka taagan Somaliland iyo Maangaabnimada Hogaamiyayaashoodu waxay ku xasuusinayaan Maansadii Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganey) ee uu lahaa isaga oo ka hadlaya qofku waxa uu ka tago sida aanay waligeed u duugoobin ee loogu xasuusto wakhti dheer, ee uu lahaa Abwaanku: Waqtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noole'e
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sarakaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyey.

Faallo: Nasir Adam Mohamed (Nawaa)
published on Wednesday, 5 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube