tvsle.com
Saturday, 8 September 2012
Xukumada Ingiriska Oo cadeysey inay xafiis cusub ka Furatey Somaliland

Hargeysa (tvsle)- Xukuumada Ingiriiska ayaa cadeeysey inay toddobaadkan xafiis cusub ka furatay Somaliland, sidoo kalena u fidiyeen deeq sanduuqa horumarka Somaliland.



Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska ayaa 4 September waxa ay su’aalo weydiiyeen qaar ka mid ah wasiirada dawladda Ingiriiska oo Baarlamaanka hortagay.

Xildhibaan Alun Micheal, oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ayaa weydiiyey, wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo wadamada barwaaqo sooranka Mr. Henry Bellingham, talaabooyinka u qorshaysan dhiirigelinta xafiiska horumarka Somaliland inuu soo jiito maalgashiga ganacsatada gaarka iyo kuwa dawliga ee dhaqaalaha Somaliland, sidii shirkii London lagu gaadhay.

Henry Bellingham ayaa ku jawaabay, “Soo jiidashada maalgashi hoose waxay u keenaysaa horumar iyo xasilooni ka dhacda Somaliland. Xafiiska horumarka

Somalilandhawlgalkiisa ayaa lagu gaadhayaa taas. Codsigii xafiiskaa horumarka Somaliland ka dib, wasiirka gargaarka caalamigu waxuu go’aansaday inuu u fidiyo deeq caawinaysa hawlahooda.”

Xildhibaan Christopher Pincher, ayaa isna xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska wax ka weydiiyay dalalka Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Mr. William Hague cadeeyay inuu Ingiriisku si rasmi ah xafiis uga furtay dalka Somaliland, “Wixii ka danbeeyey shirkii London, waxa jira calaamado dhiirigelin u ah horumarka soomaaliya, oo saamayn weyn ku leh xasiloonida Ingiriiska iyo aduunka. Xafiis cusub ayuu Ingiriisku ka furtay Somaliland shalay [Isniintii].”, waxaanu xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriisku intaas raaciyay inay sidoo kale dhawaan safaarad ka furan doonaan magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.





published on Saturday, 8 September 2012
Source: geeska
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube