Xaflad lagu taageeraayo Murashaxnimada Shekh shiriif iyo G.Baarlamaka
waxaa Magaalada Katarinaholm Ee Cariga Sweden lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay Oo lagu taageeraayo Murashaxnimada Madaxwaynaha wakhtigiisu dhaamaday Mudane Sheekh Shiriif Sheekh Axmed,iyo Hambalyan Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Federaalka Somaliyeed Pro.maxamed Sh.Cismaan(Jawaahiri) Xafladan Oo ay ka soo qayb galeen dhamaan
Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ka kala socday Magaaloyin aad ubadan Oo isla wadankan Sweden ah ayaa waxa Khadka telefoneka kaga qayb qaatay mudane Sheekh Shiriif Sheekh Axmed,iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub Ee Somalia Pro Maxamed sh.Cimaan Jawaahiri.
Sidoo kale waxaa iyaguna khadka telefoneeka kaga qayb qaatay xildhibaano ay ka mid tahay Khadiijo Axmed diiriye Oo ku hadlaysay afka haweenka
Somaliyeed,Xafladan waxa ka soo qayb galay Oo lagu soo casuumay niman dhalinyaro ah oo ka socday Jaaliyadaha Somaliland Ee dalkan Sweden