tvsle.com
Sunday, 9 September 2012
Gabooso Oo sheegey In hantidada Berbera Kasoo Baxda Silaanyo Qato
“Berbera Hantida Way Dhashaa, Laakiin Lama Galiyo Ee Waxay U Tagtaa Madaxtooyadda Iyo Nacablayaasha”Dr Gaboose

Hargeysa (TVSLE) Sept 9,2012 - Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka hadlay dib u dhaca Magaalo Madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxaanu sheegay in hantida ka soo baxda la geeyo aqalka Madaxtooyadda Somaliland.

Dr Gaboose, waxa uu sheegay in hantida Berbera taala ee ay ka mid yihiin kaluunka Badda ku jira, haamaha shidaalka, buuraha Sibidhka iyo Madaarka diyaaradaha Berbera marka ay dadku arkaan ay ku qiimayn karaan reer Berbera inay yihiin kuwo ugu hodansan shacabka Somaliland, balse marka Magaaladda la dhex maro uu ka muuqanayo dib u dhac baaxad leh.

Guddoomiyaha UMADDA oo ka hadlayay xaflad ururkiisu ku soo bandhigayey 18 Musharax ayaa sheegay in hantida Berbera ka soo baxda la geeyo aqalka Madaxtooyadda isla-markaana ay cunaan kuwa uu ugu yeeshay beenaalayaal.

Dr Gaboose oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Qofka wax qiimeeyaa marka uu eego Berbera, hantida taala sida badda, xeebta iyo nimcada kale ee Kaluunku ugu soo horeeyo, buuraha sibdihka, dekeda, haamaha, madaarka, waxa uu is odhanayaa reer Berbera waa kuwo ugu hodansan umadda Somaliland, haddana markaad dhex marto Magaaladda, dib u dhaca ka muuqdaa waa mid baaxad weyn, waxaad dareemaysaa in nasiib daro baaxad lihi meesha taallo.

Dr Gaboose waxa kale oo uu soo qaaday “Berbera way dhashaa hantida, laakiin lama galiyo ee waa la dhaafiyaa, xagay tagtaa, Madaxtooyadda ayay tagtaa, waxay hantidiinu u tagtaa inta u nacablaysa (Madaxwaynaha), beenaalayaasha ayay u tagtaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Hantidu Berbera way dhaaftaa iyadda oo dadwaynuhu eegayaan”



published on Sunday, 9 September 2012
Source: ramaas
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube