tvsle.com
Saturday, 15 September 2012
Maayarka Ceerigaabo Oo Hadal Muuse Biixi Ka Soo Yeedhay Kaga Jawaabay
Ceerigaabo (TVSLE) – Maayarka Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag Ismaaciil Xaaji Nuur oo doraad ku biiray urur siyaasadeedka Wadani oo uu Musharax golaha deegaanka ah ka yahay, ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in xildhibaanada golayaasha kala duwan ee qaranka ee ka soo jeeda Ceerigaabo aanu mid kali ahi dadkii soo doortay waxba u qaban.

Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur, waxa uu mid mid ula hadlay afar xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada, kuwaasi oo xisbiga Kulmiye hawlo uu leeyahay u jooga Ceerigaabo, waxaanu mid walba warbaahinta u mariyey su’aal la xidhiidha waxa ay u qabteen shacabka reer Ceerigaabo ee soo doortay.

Sidoo kale, Ismaaciil Xaaji Nuur, waxa uu ka jawaabay hadal si kaftan ah uga soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ahaa in reer Hargeysa iyo reer Borama ka waxbarasho badan yihiin reer Ceerigaabo, waxaanu Ismaaciil Xaaji Nuur layaab ka muujiyey sida uu codka uga doonayo reer Ceerigaabo iyo sida hadalkaasi uga soo yeedhay.

Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur oo ugu horeyn ka hadlaya xildhibaanada reer Ceerigaabo ayaa yidhi “Maalin dhoweyd wefti xildhibaanno iyo wasiirro oo halkan inoogu yimid waxay yidhaahdeen waxna waa la qabtay waxna waa dhiman yihiin, waa run anagaa qirayna in waxna la qabtay wax badanina dhiman yihiin, afartii xildhibaan ee Ceerigaabo laga doortay ma jiro nin halkan ka sheegay wixii ay u qabteen Ceerigaabo shacbigaana iiga marag ah, Waxa ugu horreeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyaanle oo aan hadalkiisii ka xasuusa nahay Madaxweynuhu idinma illaawin wadadiina waa ku hawlan yahay waa runtii, laakiin isagu (xildhibaan Talyaanle) muxuu ku hawlan yahay..Xildhibaan Jiir wuxuu yidhi Kulmiye dadku dooni maayee anagaa ku qasbayna, taas anigu ka jawaabi mayo laakiin isagu (Jiir) xagguu ku maqan yahay, muxuuse sheegtay inuu Ceerigaabo u soo qabtay..Xildhibaan Reyte wuxu yidhi waa idin sagootiyaynaa, saaxiibkay waxaan leeyahay maxaad nagu sagootiyaysaa, maxaadse adiga Ceerigaabo kaaga soo horreeya…Xildhibaan Askar wuxu yidhi golaha deegaanku khibrad baanu lahayn wakhtigiisiina wuu dhammaaday. Maalintii maalintaas ka horaysey ee uu inoo yimid Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xildhibaankaasi yidhi maamulkani waa mirdhay haddii kildhi biyo lagu shubo oo uu mirdhona waa la beddelaa, Madaxweynaha iyo wasiirradii ayaa ishaaro I siiyey in aanan u jawaabin laakiin maanta waxaan leeyahay adigaa mutacalim reer Ceerigaabona ku doorteene maxaad keentay”.

Maayarku waxa kale oo uu soo qaaday “Xildhibaannada golayaasha qaranka ee la doortay waxaan codsanayaa cid kastaaba wixii ay qabatay inay soo bandhigto dadweynuhuna xaakin ka noqdaan ciddii wax u qabatay iyo cidda kale iyadoo aan loo kala eexan lana kala jeclaysan, haddii nimankaas saaxiibaday ee xildhibaannada ahi mid qudhi Irbad Ceerigaabo u sheegto anigaa denbiile ah” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya hadalkii Muuse Biixi Cabdi Borama ka sheegay “Anigu xukuumadda mucaarad kuma ahi laakiin shakhsiga guddoomiyaha ka ah Xisbiga Kulmiye (Muuse Biixi) dhowaan mar uu ka hadlayey Boorama wuxuu yidhi Reer Sanaag xoolahay kala dhacaan qof qudhina sannaadahan iskuul ugama soo bixin oo maskaxdooduna ma shaqaynayso”.

Saaxiibkay Muuse miyuu jarayaa oo dhigayaa, waayo foodna waan rabaa reer Sanaagna waan caayayaa isku socon mayso, reer Sanaagna waa dad badan iyo deegaanno/degmooyin badan, markaa waxannu leenahay Aflagaaddadu col iyo nabad toona ma aha, laakiin ciddii la timaadda in loo jawaabo waa lagama maarmaan iskuulladana kumaan kun baa nooga soo baxay waana inoo meydaanka haddaad ka taariikh badato waa nasiibkaa”.

Reer Boorama Waxaan leeyahay Caydayada Fadlan Muuse Biixi cod haku siinnina, arrintaasi waa farriin aan Reer Boorama u dirayo”.
TVSLE
published on Saturday, 15 September 2012
Headlines


Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube