Xildhibaano Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Xoriyadooda U Soo Celiso
Borama (TVSLE) – Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle iyo xildhibaan Muuse Maxamed Ismaaciil oo ka wada tirsan Mudanayaasha golaha wakiilada Smaliland, ayaa cambaareeyay xadhig lagula kacay Laba Wariye oo ka hawl-galla Magaaladda Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay si deg-deg ah xoriyadooda ugu soo celiyaan.
Xildhibaan Ayaanle iyo Muuse Maxamed Ismaaciil, waxa ay sheegeen in xadhiga Wariyayaashani meel ka dhac ku yahay xoriyatul-qowlka, iyagga oo tilmaamay inay nasiib daro tahay in Madaxwayne Siilaanyo oo ay u haysteen inuu fahmi karo natiijada ka dhalan karta cabudhinta dadka ay xukuumadda uu hogaamiyaha ka yahay ku kacdo falal noocan ah.
Xildhibaanadan oo xalay u waramay warbaahinta, waxa ay kale oo ay eedaymo u jeediyeen maamulka gobolka Awdal oo ay xuseen inay u sheegeen inay wariyayaashan ku xidheen amar kaga yimid Hargeysa.
Xildhibaan Ayaanle oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Xadhiga Wariyayaasha waanu cambaaraynaynaa, waxaanuna leenahay waa sharci daro, waa qayrul dastuuri xoriyatul qowlka lagu cabudhinayo, aadbaanu uga xunahay, wariyuhu ma xukumo qofku wuxuu ku hadlayo, wariyuhuna wixii dhacaba wuu ka waramayaa, markaa Wariye shaqadiisii ku jira in ciidamadu iska xidhaan waanu cambaaraynaynaa”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa kale oo uu soo qaaday “Madaxwayne Siilaanyo waxaanu u haysanay nin khibrad dheer u leh in dadka la cabudhiyo natiijada ka dhalan karta, laakiin waa nasiib daro dhacday, laakiin waxaanu xukuumadda ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah xoriyadoodii u soo celiso Wariyayaasha”ayuu yidhi.
Xildhibaanka oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa in Wariyayaasha la xidhay dadka waydiiyeen su’aalo ka baxsan dalkooda iyo qadiyada ay aaminsan yihiin, ayaa yidhi “Madaxwaynaheenu hambalyo ayuu u diray Madaxwaynaha Somaliya loo doortay, Wasiirradeenu hambalyo ayay u direen, markaa in qofka la waydiiyo sideed u aragtaa Madaxwaynaha loo doortay dalka aynu jaarka nahay, wax ay qadiyadeena u dhimayso iima muuqato, qadiyada Somaliland waxa wax u dhimaya wasiirradeena tallaabooyinka xun qaadaya ee gooni isku taageena dilaya, laakiin qof rayigiisa cabiray qadiayadeena wax uma dhimi karo, xoriyatul qowlkuna waa tiir ka mid ah dimuqraadiyada Somaliland ku dhaqmayso, haddii qofka loo diido inuu rayigiisa cabiro..gacantiisa ayuu ku cabirayaa”
Xildhibaan Ayaanle waxa uu si toos ah xadhiga wariyayaashan ugu cambaareeyay Masuuliyiinta gobolka Awdal “Waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa masuuliyiinta gobolka Awdal oo markii aanu la xidhiidhnay noo sheegay in amarka wariyayaasha lagu xidhay Hargeysa laga siiyay, masuuliyiinta xilka looguma dhiibin inay Hargeysa amar ka qaataan, ee waxa weeyaan inay dadka gobolka ay masuulka ka yihiin dambiga ay galaan tallaabo ku haboon ka qaadaan, in qof dambi uu galay aanay ogeyn telefoon Hargeysa kaga yimaado ay ku xidhaan waxaanu u aragnaa masuuliyad daro ka muuqata masuuliyiinta gobolka Awdal, aad ayaanuna u cambaaraynaya”ayuu yidhi.
Xildhibaan Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed), ayaa isaguna Cambaareeyay xadhiga wariyayaashan, xukuumaddana ugu baaqay in si shuruud la’aan ah xoriyadooda loogu soo celiyo.
Wariyayaashan oo kala Haashim Sheekh Cumar Good oo ka tirsan Telefiishanka Somali-sat iyo Wariye Mursal oo ka tirsan telefiishanka Maxaliga ah ee Bulsho ayaa ciidamada booliska Borama doraad u xidheen inay shacabka reer Borama waydiiyeen aragtidooda la xidhiidha Madaxwaynaha cusub ee Somaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud. TVSLE