tvsle.com
Sunday, 16 September 2012
Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun dil iyo xadhig ah ku riday laba
Hargeysa (TVSLE)- Maxkamada sare ee Ciidamada qaranka ayaa maanta dil toogasho ah iyo xadhig ku kala xukuntay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland.

Qoraal oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Xasan Aadan Sugule, ayaa lagu shaaciyay laba askari ee la xukumay, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

Maxkamada sare ee ciidanka qaranku waxay dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle askari boolis Maxamed Xuseen Dirir,kaas oo ku dilay magaalada Burco Marxuun la odhan jiray Khadar Abshir Axmed,taariikhdu markay ahayd 11.05.2012 ,waxay Maxkamadu u cuskatay Xukunkeeda Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo qodobada la xidhiidha sida 195.

Sidoo kale waxay Maxkamadu Sadex Sanno oo xadhig ah ku riday Askari boolis Axmed Warsame Xirsi iyadoo maxkamadu u cuskatay xukunkeeda qodobka 102, ee xeerka ciqaabta ee ciidamada wakhtiga nabada.”
TVSLE
published on Sunday, 16 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube