Madaxweynaha Kililka shanaad ee Somalida Itoobiya oo balanqaaday bixin
Jigjiga(TVSLE) wararkii u danbeeyay ee ka soo baxay kulan amagaaladda Jigjiga ku dhex maray Odayaasha Shicibka Reer Xarshimeed iyo Maamuaalka Kililka shanaad ayaa la sheegay in Madaxweynaha Muumulka Somalialad Itoobiya Cabdi Cumar Ilay ku qirtay Masuuliyadda mashaqadii dadka Xoolo dhaqatada ah lagu laayay, isagoo damaanad qaaday khasaarihii goobtaas ka dhacay oo dhan inuu qaatay oo uu bixinayo.
Balanqaadka Madaxweynaha Kililka shanaad ee khasaarihii ka dhacay Deegaanka xarshin ayaa ka timi kadib markii ay ku cadaatay si badheedh ah in uu Ciidamadaasi u soos adeegsaday, iyadoo ujeedada uu ka leeyahay ahayd fulinta shir uu dhawaan ugu qabtay Tuulada Dhurwaale Beesha Absame oo kala ah Ogaadeen, Bartire, Abas-guul iyo Yabaree, kuwaasoo uu ku gubaabiyay Beesha Isaaq ee Degta Itoobiya inay ka saaraan oo ay gaadhsiiyaan Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweyne Ilay markii uu danbigaasi qirtay kadib waxa uu magacaabay Guddi farsamo oo Hordhac u noqota Booqasho uu ku imanayo Harta-sheekh iyo Xarshin si uu dadka deegaanka ah uga raali galiyo wixii dhacay isla markaana uu balanqaaday dhibaato danbe in aanay Ciidamdiisu geysan.
Sidoo kale waxa uu balanqaaday in uu xabsiga ka sii dayn doono Guddoomiyihii Harta-sheekh oo muddo sadex sano ah ugu xidhnaa xabsiyadda Jigjiga, kaasoo ay Odayaashu ku eedeeyeen inuu sifo sharci darro ah u haysto.
warkan waxa Waaheen u xaqiijiyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloolay shirka ay labada dhinac yeesheen oo ka dhacay Magaaladda Jigjiga isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen saraakaiil ka tirsan Dawladda Dhexe ee Federalka.
Si kasta ha ahaatee Weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Ciidamadiisu ku qaadeen dadka daeaegaanka Xarshimeed ayaa waxa fulinayay Madaxweyne ku-xigeenkiisa oo ah Talaiayaha Ciidamadda Amniga, isagoo fulinayay. TVSLE