tvsle.com
Sunday, 16 September 2012
Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Kormeer Kusoo Gaala Bixiyay Deeganada
Ceerigaabo (TVSLE) - Wefti uu hugaaminayo gudoomiyaha gobolka sanaag Aadan Diiriye Cigaal ayaa kormeer hal maalin qaatay waxay ku soo mareen deegaamada hoos yimaada tuulada kulmiye oo dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada ceerigaabo

Kormeerkan oo gudoomiyaha ay ku weheliyeen taliyaha qaybta boliska ee gobolka sanaag gudoomiyaha maxkamada racfaanka boqor maxamed nuux iyo masuuliyiin kale ayaa waxa uu salka ku hayey xogogaal unoqoshada xaalada dadka iyo duunyada ee deegaamadaasi iyo duruufaha ka jira

axaana wetiga gudoomiyuhu markii ay gaadheen tuulada kulmiye halkaasi kala kulmeen soo dhoweyn balaadhan oo ay ku qaabileen dadka deegaankaasi iyagoo wefiguna dhinacooda si mug leh ugu kuur galay dhamaanba baahiyaha deegaankaasi ka jira waxaana weftigu kormeerkooda ka bilaabeen mashruuc bohola xidhka ah ee hayada hoonrileef deegaankaas fulisay iyagoo ku soo wareegeyna meelaha hayadu bololaha wax ka qabatay
Intaa ka dibna waxaa gudoomiyaha gobolka sanaag iyo weftigiisu ay meel fagaare kala hadleen dadka tuulada kulmiye oo halkaasi si weyn isugu soo baxay iyagoo ugu horaynba wagaradka iyo waayeelka deegaanka kulmiye weftiga halkaasi ku siiyeen warbixino iyo cabshooyin ku wajahan wax ka qabasha baahiyaha iyo tabashooyinka deegaankaasi ka jira ee dhinacyada maamulka nabadgelyada caafimaadka waxbarashad iyo deegaanka iyagoo mushkilada ugu darana ee wax kaqabashada u baahana ku tilmaamay xaalufinta deegaanka iyo gubista dhirta.
Boqor Maxamed nuux aadan oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa isaguna dhankiisa cadeeyey in degaankoodu ay guddoonsadeen in dagaal aan naxariis lahayn lagalaan dadka faraha kula jira xaalufinta deegaankooda wuxuu kaloo xusay in cidii ku dhimata ama ku dhaawacanta aan cidna loo raacidoonin wuxuuna boqorkau maamulka gobolka ka codsaday in t laabo adag laga qaado cidii lagu qabto gubista dhirta iyo xaalufinta deegaanka.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka sanaag Kornayl Xasan Ismaciil Gacmayare ayaa isna shacbiga deegaankaas ka dalabaday inay ciidankooda ay gacan ku siiyaan arimaha amaanka waxaanu balan qaaday in cidkasta oo isku dayda inay khalkhal geliyaa xasiloonada deegaankan ay booliskoodu gacan bira ku qabandoonaan sidoo kale wuxuu taliyuhu balan qaaday inay ciidan boolis oo ka hawgala deegaanka ay dhakhso u keenidoonaan.
Gudoomiyaha maxkamada racfaan gobolka Xuseen Awdiiriye Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha sharcigu ka qabo fal danbiyeedyada kufsiga iyo dilalka wuxuuna halkaa ka cadeeyey inaan haayadaha sharcigu u naxariisandoonin cid kasta oo kasta oo ku kacda falalka noocaas ah wuxuuna bulshada deegaankaas ku booriyey inay ka fogaadaan faldanbiyeedyada dhaqanka iyo diintaba ku xun
Gudoomiyaha gobolka sanaag Aadan Diiriye Cigaal oo geba gebaddii munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyey sidii diirnayd ee deegaankan loogu soo dhoweeyey isagoo hoostana ka xariiqay inay maamulkooda xooga saaridoonaan wax ka qabashada Arimaha nabadgelayda hormarka iyo ilaalinta deegaanka wuxuuna shacbiga deegaankaas ku booriyey isku duubni iyo midnimo ay ku wajahaa ka qaybqaadashada horumarinta deegaankooda kagana hortagaan wax kasta oo wax u dhimaya bay,addooda intaa ka dib waxa gudoomiyaha iyo taliyhuba halkaas ku dhagax dhigeen saldhig boolis oo laga yagleeli doono tuulada kulmiye.
TVSLE
published on Sunday, 16 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube