tvsle.com
Sunday, 16 September 2012
Wasiiro U Hogaansami Waayey Wareegtadii Madaxweynuhu Ka Soo Saaray
Hargeysa (TVSLE) - Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmihii u dambeeyey olole xoog leh ugu jiray sidii xisbiga Kulmiye ugu soo bixi lahaa tartanka doorashada deegaanada ee dalka ka dhici doonta Bisha November ee sanadkan, kuwaas oo loo kala diray gobolada ay ka soo kala jeedeen, isla markaana ololahooda u isticmaalay gaadiidka dawladda ee ay wataan, taas oo ka dhan ah in hantida ummada ka dhaxaysa loogu ololeeyo xisbi gaar ah.

Wasiir ku xigeenada Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirka dib u dajinta ayaa ka mid ah Masuuliyiinta iyagu dhagaha ka furaystay wareegtadii dhawaan uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ee ku wajahnayd in aan hantida ummada loo isticmaali Karin ololeyaasha axsaabta siyaasada ayaa gabi ahaanba u hogaan samin nuxurka wareegtada Madaxweynaha.

Sida ilo xogogaal ahi ay sheegeen in Labadaa masuul iyo xubno kale lagu arkayey iyaga oo magaalada Boorama xisbiga Kulmiye ugu ololaynaya gaadiidkii dawlada oo ay ku xardhan tahay Lr GT-da, kuwaas oo sidoo kalena saamayn ku yeeshay hawlihii dawlada hoose ay u haysay ummada oo kadib markii Masuuliyiintii Dawlada hoose ee Boorama ay u duufsadeen inay ula ololeeyaan xisbiga Kulmiye. Wareegtada uu Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray inaan ololaha loo adeegsan Hantida dawlada, ayaa waxa lagu xusay sidan:-
Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa;

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

2) In dhammaan Mas抲uliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida

Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.

Dhinaca kale warar xogogaal ah ayaa sheegay in todobaadkan guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin isaga oo wata mid ka mid ah gaadiidka dawlada oo ay ku taalo Taarikada dawlada ee GT-tiiga inuu Caasimada gudaheeda kaga hawlgalay arrimo ku taxaluqa xisbigiisa.
TVSLE
published on Sunday, 16 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube