tvsle.com
Sunday, 16 September 2012
Dufcaddii Ugu Badnayd Oo Ka Qalin-jebisay Machadka Xallinta Khilaafaad
Hargeysa (TVSLE)- Dufcaddii ugu badnayd ayaa ka qalinjebisay machadka xallinta khilaafaadka iyo nabadda ee Jaamacadda Hargeysa oo sannadkii 2008-dii laga asaasay gudaha jaamacadda.

Dufcaddan oo ka kooban 34 arday ayaa waxay dhammaysteen Post graduate xallinta khilaafaadka iyo nabadaynt ah, iyaga oo muddo hal sano ah barayay culuumta la xidhiidha xallinta khilaafaadka iyo siyaabaha nabadda loo abuuro.

Ardaydan qalinjebisay ayay ku jireen rag xilal sare ka soo qabqtay Somaliland oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax-madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, Cali Maxamed Warancadde-wasiirkii hore ee duulsita iyo hawada, Axmed Xaashi Oday-wasiirkii hore ee boostaha iyo isgaadhsiinta iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo qayb ka ah masuuliyiin sidooda oo kale ah oo hore uga qalinjebiyey machadkan.

Waxa kale oo machadka ka qalinjebiyey Cabishakuur Xaaji Muxumed Muuse oo ka mid ah bahda shabakadda caalamiga ah ee Oodweynenews.com, isla markaana noqonaya suxufiga keliya ee ka qalinjebiyey machadka xallinta khilaafaadka iyo nabadda ee Jaamacadda Hargeysa.
Cabdishakuur Heersare oo ka hadlay waxyaabihii ay ka barteen machadkaas ayaa yidhi; “Runtii farxad ayay ii tahay inaan machadka xallinta khilaafaakda iyo nabadda ee jaamacadda Hargeysa inaan ka qalinjebiyo. Waxa kale oo farxad ii ah inaan mar labaad ka qalinjebiyo jaamaacadda Hargeysa oo aan hore uga qalinjebiyey sannadkii 2008-dii, xilligaas oo aan bartay ganacsiga iyo maararaynta. Muddadii sannadka ahayd ee aanu ku jirnay machadka waxa aanu baray culuum kala duwan oo la xidhiidha xallinta khilaafaadka iyo nabadda.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi; “Waxyaabihii aanu baranay waxa ugu muhiimsanaa waxa uu khilaafku yahay, sida uu ku abuurmo, sida loo baadho, waxyaabaha caawiya abuuritaanka khilaafka, sida loo lafa guro khilaafka. Waxa kale oo aanu barannay doorka deegaanka iyo khayraadku ka qaataan abuurista khilaafaadka. Sida oo kale waxa aanu barannay kaalinta warbaahinku ku leedahay kicinta khilaafaadka iyo hurinta dagaallada, dhexdhexaadinta iyo wada-xaajoodka iyo waxyaabo kale.”
TVSLE
published on Sunday, 16 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube