Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarun Lagu Daryeelayo Carruur
Hargeysa (TVSLE) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay xarun lagu dar yeeli doono carruurta agoomaha, xaruntaasi oo la sheegay inay ku bixi doonto lacag lagu qadaray 3 Milyan oo doolarka Maraykanka.
Xaruntan oo qaadi doonto carruur dhan 750, ayaa waxa maalgalinaysa Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, waxaana maanta Munaasibadii lagu dhagax dhigayey ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, wasiirro badan iyo dad kale oo ay ka mid yahay Marwada koowaad ee Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii uu dhagax dhigay hadal kooban ka jeediyya ayaa aad ugu mahad-naqay dalka Kuweyt kaalmadan ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan carruurta agoomaha oo xaruntani muhiim u tahay sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka dhalaanta danyarta ah ee Somaliland.
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu sheegay in mashruucani aanu ahayn kii ugu horeeyay ee dawlada Kuwayt ku caawiso Somaliland, balse ay jiraan kuwo kale oo badan ooh ore loo qabtay ama la qaban doono.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay in Mashruucani shaqooyin u abuuri doono dad badan oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo ka faa’ideysan doono dhismaha xaruntan iyo waliba shaqooyinka hadhow soo bixi doona.
Dr khaalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii reer Kuweyt ee ka soo qayb galay munaasabadda dhagax dhiga ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso kuwaasoo lagu taageerayo Dawlada Somaliland. TVSLE