Jaamac Shabeel Ceebay Ka Raacday KULMIYE Iyo Nabsigii iyo Tacadiyadii
Hargysa(TVSLE)-Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye,ahna xubin ka tirsan golaha degaanka ee Hargeysa Jaamac Shabeel ayaa todobaadkan la kulmay wejigabax iyo mid ka mid ah fashilaadihii ugu adkaa ee soo mara noloshiisa ka dib markii uu isu caleemo-saarey Musharax u taagan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose ee la filaayo inay dalka ka dhacaan 28ka Novenbar 2012.
Jaamac Shabeel wuxuu soo sameystay Istiikaro,boodhadh iyo Sawiro waaweyn oo uu ku dhedhejiyey Gidaarada,Meheradaha ama goobaha ganacsiga,Suuqa Hargeysa iyo Baabuurtaba. Sidoo kale wuxuu samaystay Boodhadh qoraalo iyo sawiradiisu ku xardhan yihiin oo uu ugu talo galay xaflada soo bandhigida musharaxnimadiisa hase yeeshee markii uu waxaas oo kharash iyo hawla galay ayuu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi la socodsiiyey musharaxnimadiisa si loogu qabto xaflad balse Muuse Biixi arintaas wuu ku gacan saydhay.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo si weyn uga biyo diiday musharaxnimada Jaamac Shabeel ayaa xogahaanu helay sheegeen inuu ku sababeeyay Jaamac Shabeel oo muddo 10 sanadooda ka tirsanaa golaha degaanka Hargeysa balse wax lagu xasuusto, wax lagu qiimeeyo iyo wax lagu taageero midna ka tegin,sabab kalena wuxuu ku sheegay Ardaaga Bahdaylo ee uu Jaamac Shabeel ka soo jeedo kun ninba gaadhin, codkooda inuu ku soo baxana laga filayn, berigii horena uu liis ku soo baxay, liiskana isagu ku daray maantase tiro iyo faro lagu soo baxaayo,tiina muuqan .
Xogaha aanu ka soo ururinay qadiyadan waxay intaas ku dareen in markii Jaamac Shabeel Muuse Biixi u diiday musharaxnimada golaha degaanka Hargeysa ee xisbiga Kulmiye inuu buuftaamey, kuna goodiyey inuu UCID ku biiri doono oo iska soo sharaxi doono balse Jaamac Shabeel hanjabadaas kuma joogine wuxuu isku shubay oo dacwo iyo cabasho arintaas ku saabsan ula tegay Wasiirka madaxtooyada iyo madaxweyne Siilaanyo ,Yeelkeede wuxuu M.siilanyo u sheegay inaanu arintaas musharaxnimada ee isaga iyo Muuse Biixi ka dhaxaysa waxba ka qaban Karin oo aanu ka mid ahayn hogaanka xisbiga Kulmiye balse iska sii joogo golaha degaanka labada bilood ee waqtigooda ka hadhay,wixii danbena iska arki doonaan,shirweynaha xisbigana xil cusub loo magacaabi doono,inkastoo aanu sheegin nooca xilka.
Isku soo wada duuboo waxay dadka xogogaalka ah ee odorosa arimaha siyaasada iyo axsaabta Somaliland sheegeen in Jaamac Shabeel durduurtay ama danbarsadey Nabsigii iyo Tacadiyadii uu ku lug lahaa ee hogaanka xisbiga Kulmiye kula kaceen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo si foolxun xisbiga looga eryay iyadoo dhaawacyo loo gaystay. Xikmad baa ah “Wan weyn ilaa la gawrcao indhahiisu cirka ma arkaane” wuxuu Jaamac Shabeel maanta dhabaqsadey danbarkii tacadiyadii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagula kacay ee uu horseedka ka ahaa kuwo la mid ah,wuxuuna maalmahanba cabasho iyo tawaawac la dhex wareegayaa albaabada hore ee Qasriga Madaxtooyada balse cidi kama hoos qaadin.