Kenya Iyo Puntland Oo Sheekh Shariif kuu Eedeeyey Qaraxii Hotelka Jazi
Nairobi (TVSLE)- Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya Sam Ongeri ayaa maanta Shir jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa uu kahadlay arimo badan oo ay kamid tahay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho kaas o qor shihiisa ugu weyne uu ahaa sidii lagu qaarixin lahaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in qaraxyadaas ismiidaaminta ahaa uu kadanbeeyeen Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Mudane Shariif Sheikh Axmed kaas oo uu kutilmaamay in uu ku doonaayay in uu ka qaarijiyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.
搃ntii uu socday ololaha Musharixiinta oo aan la gaarin Xiligii Doorashada ayaa waxaa ila soo xiriiray Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa uu ila hadlayay Mudo 1.30 halsaac iyo bar ah waxaa uu igala hadlayay sidii ay Dowlada Kenya ugu Taageeri lahayd in uu mar kale Xilka ku soo laabto laakiin aniga waxaan u sheegay in aysan Kenya Taageero siineyn Musharax gaar ah ka intaas dibna ma usan wanaagsaneyn Xiriirka Madaxweyne Shariif iyo Madaxda kenya waxaanse la yaabay Maalintii Qaraxu dhacay Markii aan arkay Shariif Axmed oo taagan Hotelka uu qaraxu ka dhacay isagoo aan naxsaneyn oo aanba uhaysan in ay Wax dhaceen sidaas darted waxaan dhihi karaa Shariif ayaa ku lug lahaa Qaraxyadaasi攁yuu yiri wasiirka arimaha Dibada Kenya Sam Ongeri.
Dhinaca Kale Madaxweynah Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa si cad ugu eedeyey Sheekh Shariif.
C/raxmaan Faroole waxa uu kaloo sheegay in xiliga shirka uu socday uu aad uga careysnaa Shariif Sheikh Axmed arintaasina ay tahay mid dhabar jab ku ah Xukuumaddii hore
Faroole ayaa intaa kusii daray in muhiimada qaraxaasi uu ahaa in marqurah la qaarijiyo mudanayaashi uu socday Hambalyada madaxweynaha Cusub ee Somalia hayeeshe arinkaasi uu kusoo gaba-gaboobay qarax fashilmay sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka faroole ayaa kusoo beegmaya xili wasiirka Kenya uu magaalada Muqdisho u tagay inuu Madaxweyne Xassan Sheikh kala hadlo in Raisul wasaaraha dalka lagu soo celiyo C/weli gaas balse Shariif sheikh axmed uu aad uga careysnaa arrintaasi
Faroole ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Madaxweynihii hore Shariif sheikh axmed uu qaraxaasi u adeegsaday inuu fuliyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir Tarsan iyo Agaasimaha Hay抋dda Nabadsugida Qaranka sida uu sheegay Faroole balse ay intuba ku guuldaresten inay qaraxaasi hirgaliyaa
waxa uu kaloo sheegay in xiliga shirka uu socday uu aad uga careysnaa Shariif Sheikh Axmed arintaasina ay tahay mid dhabar jab ku ah Xukuumaddii hore
Faroole ayaa intaa kusii daray in muhiimada qaraxaasi uu ahaa in marqurah la qaarijiyo mudanayaashi uu socday Hambalyada madaxweynaha Cusub ee Somalia hayeeshe arinkaasi uu kusoo gaba-gaboobay qarax fashilmay sida uu hadalka u dhigay
Faroole ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Madaxweynihii hore Shariif sheikh axmed uu qaraxaasi u adeegsaday inuu fuliyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir Tarsan iyo Agaasimaha Hay抋dda Nabadsugida Qaranka sida uu sheegay Faroole balse ay intuba ku guuldaresten inay qaraxaasi hirgaliyaa
Sam Ongeri ayaa waxaa uu Maalinta uu qaraxu dhacayay ku sugnaa Hotelka Jasiira ee ay qaraxyada ismiidaaminta ahi ka dhaceen isagoo kulan kula jiray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Prof Xasan Shiikh Maxamuud.
Hadalkaan ayaa kasoobaxay maanta Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya sam ongeri iyo faroole ayaa dadbadan layaabay halka dadkalana ay kutilmameen in ay tahat mid macquul ah. TVSLE