tvsle.com
Tuesday, 18 September 2012
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Tababar U Furay 23 Ka Mid Ah Xeer i
Hargeysa (TVSLE)– Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aaden, ayaa shalay Magaaladda Hargeysa tabobar saddex maalmood soconaya uga furmay 23 ka mid ah ku xigeenada xeer ilaaliyaha iyo shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta.

Tabobabarkan oo la xidhiidha hanaanka dambi oogista iyo hab-dhaqanka xeer ilaaliyayaasha, ayaa waxa Munaasibadii lagu furay ka qayb-galay saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP oo Maalgalisay tabobarkan iyo marti sharaf kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aaden, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tabobarkani dabada ku hayo qaab dhismeedka xafiiska xeer ilaalinta guud oo hore wax ka bedal loogu sameeyay.

Xeer ilaaliye Xasan Axmed Aaden, waxa uu sheegay inay doonayaan in xafiiska xeer ilaalintu ka shaqeysiiyo xafiisyadiisa gobolada iyo degmooyinka dalka, si taasi loo hirgaliyana hawl-wadeenada xeer ilaalinta la gaadhsiiyay ilaa 23, waxaanu sheegay in maadaama oo ay gobolka Marood-jeex kiu tabobarteen loo kala bedali doono gobolada iyo degmooyinka dalka.

Xeer ilaaliyaha guud oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Tabobarkani waxa uu dabada ku hayaa qaab dhismeedka xafiiska xeer ilaalinta guud oo aynu hore u samaynay, sanadkii hore dhammaadkiisii waxa la soo gabogabeeyay qaab dhismeedka xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka, waxaana kharashkaasi bixisay hay’adda UNDP, markii horena waxa la sameeyay kormeer, iyadda oo laga duulayo waajibaadka iyo xilka Xafiiska xeer ilaalinta guud, waxaana la maray gobolada dalka oo dhan, waxaana la arkay in xafiiska xeer ilaalinta guud ku kooban yahay oo 10 nin oo kaliya ayaa ku xigeena ka ahaa xafiiska xeer ilaalinta oo dacwoodayaal ka ahaa, maantana waxay marayaan 23”

Xasan Axmed Aaden, waxa kale oo uu soo qaaday “Sanadkii hore ku xigeeno xeer ilaaliyaha guud 10 nin-baa loo qaatay, 2 nina waayo-aragnimo ayaa lagu qaatay, imikana 10 jaamacadaha ka soo baxay oo gabdho iyo wiilal ah ayaa la qaatay , waxaana la yidhi gobolada iyo degmooyinka aynu dabooli karayno, laakiin xafiiska xeer ilaaliyaha guud waxa laga doonayaa inuu dhammaan dalka ku fido”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa la doonayaa in nidaamka xafiiska xeer ilaalinta guud, kiisku halka uu ka soo bilaabmo, ilaa gobol iyo ilaa rafcaanka ilaa marka Maxkamada sare la galayo dacwadaha in la helo nidaam isku xidhan, nidaamkaasina noqdo mid shaqeynaya.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, waxa uu tilmaamay inay wax ka bedaleen haananka Kiiska loo oogo “Barigii hore waa la arkayay faylka kiisku siduu ahaa iyo galdaloolooyinkiisa, imika waxaanu ka dhignay Fayl magaca Xeer ilaalintu ku qoran yahay, saldhiga boolisku Faylkiisa uu la hadho, hawshana hawl fudud maaha, dhaqaale iyo shaqaale badanba way doonaysaa, markaa hawshaasi ayaanu ugu tallo-galnay inay si fiican u fahmaan”ayuu yidhi.

Dhanka kale, Cabdixakiin Maxamed Cabdi oo ka mid ah Hawl wadeenada Hay’adda UNDP ee la shaqeysa xafiiska xeer ilaalinta guud, ayaa sheegay in tabobarkan looga gol-leeyahay in kor loogu qaado hawlaha uu qaranka u hayo xafiiska xeer ilaalinta guud, si loo garan karo in tayeynta lagu samaynayo xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka.
TVSLE
published on Tuesday, 18 September 2012
Headlines


Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube