tvsle.com
Tuesday, 18 September 2012
Xiisado Siyaasadeed Oo Ka Soo Cusboonaaday Deegaanadda Saylac Iyo Lugh
Hargeysa (TVSLE)- Wararka ka imanaya degaanada xeebaha Galbeedka ayaa sheegaya in Xiisado siyaasadeed iyo kuwa beeleed mar kale ka soo cusboonaadeen deegaanada hoos yimaadda degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

halkaasoo beryahanba la isku maandhaafsanaa geeddi socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhici doona dabayaaqada sannadkan.

Sida uu ku soo warmay Wariyaha Wargeyka Saxafi ee Goboladda Awdal iyo Selel oo aanu warkan ka soo xiganay Maxamed Cumar Sheekh, waxa xiisaddan mar kale sii huriyey, ka dib markii mid ka mid ah ururadda siyaasadda ee Somaliland uu 17 xubnood oo isku beel ah ka soo sharraxay deganka Saylac, halka 13 xubnood oo isku hayb ahna uu ka soo sharraxay degaanka Lughaya, taasoo sidda la wariyay ka cadhaysiisay qaybo ka tirsan dadka ku wada dhaqan degaanadaasi.
Sida warku sheegayo xiisaddan ayaa sii kordhay markii wafdi ka tirsan xukuumadda Somaliland oo u horkacayay wasiirka daakhiligu Maxamed Nuur Caraale Duur uu aagaas socdaal arrimahan la xidhiidha ku tagay, waxayna halkaasi ku kulmeen badhsaabka Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci oo isna booqasho ku joogay degmada Lughaya, basle lama oga inay wasiirka iyo badhsaabka gobolku ka wada hadleen arrimaha taagan iyo in kalle.

Siddoo kalle, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wafdiga wasiirka, hase yeeshee dad ku sugan degaanka Lughaya ayaa sheegay in socddaalka wasiirku la xidhiidhay oo uu ku talo jiro sidii uu dib ugu furi lahaa goob doorashooyin ku yaallay degaanka Lughaya oo la xidhay doorashooyinkii hore markii ay xaalad amaan darro ahi ka dhaceen, iyagoo dadkaasi sheegay in dib u furista goobahaasi u egtahay mid sanaadiiq loogu xidhayo beelo ka tirsan degmada Saylac iyo Lughaya oo laga soo sharaxay murashaxiin. kuwaasoo uu ku saabsanyahay muranka siyaasadeed ee haatan ka taagan dhulkaasi.

Badhasaabka Awdal oo habeen hore dib ugu soo laabtay Boorama, islamarkaana wariyaha Saxafi ee Gobolkaasi isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrimahaasi ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.
Wararka la xidhiidha musharraxiinta urur siyaasadeedkani Golayaasha deegaanka ugu xidhay mid ka mid ah beelaha degmooyinka Saylac iyo Lughaya ayaa la sheegayaa inay qaybo ka mid ah dadka deegaankaasi ku wada nooli ka dideen, iyaggoo aaminsan in la kalla faquuqay oo meesha laga saarayo murashaxiinta beelaha qaarkood.


Si kastaba ha ahaatee guuxa siyasadeed iyo kuwa beeleed ee hadheeyay deegaanada xeebaha Gobolka Awdal ayaa u muuqda kuwa carqalad ku noqon kara amniga iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay degaanadaasi ka dhacaan, iyadoo xiisadaha haatan soo cusboonaaday ay ka horreeyeen kuwa bilihii aynu soo haafnay ka dhacay isla degmooyin hoos yimaadda degmada Saylac,kuwasoo dhaliyey dhaawacyo soo kala gaadha dadka deegaankaasi. Ka dib markii la isku maandhaafay gargaar cunto oo dhulkaas la geeyey iyo shirkado macdan ka shaqaysta oo laga soo eryey.

wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xiisadahani ay ku soo kordheen kuwa shalay mar kale ka soo cusboonaaday deegaanka Habaas oo u dhaw magaalada Cabdiqaadir ee soohdinta Itoobiya iyo Somaliland u dhaxaysa, halkaas oo sida la sheegeyo laba beelood oo beeraley ahi iskaga hor yimaaddeen. hase yeeshee, waxaa la sheegay in aan arrintu gaadhin weli gacan ka haddal.
TVSLE
published on Tuesday, 18 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube