Prof. C/salaan Yaasiin Oo Xukuumada Silaanyo Dhaliilay
Hargeysa (TVSLE)- Prof.Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii SNM, wakhtigana ka mid jiray ururadii gudida diiwangalintu ay ku dhawaaqeen inay hadheen ayaa ku baaqay in laga shaqaysiiyo dhalinyarada wakhtigan jaamacadaha ka soo qalinjabinaysa, oo uu kul tilmaamay inay yahiin kuwo taamrtoodu ay tahay mid kaydsan oo burbur keenaysa hadaan qaranka Somaliland ka faa’idaysan, xukuumaduna ay shaqooyin u abuurto.
Prof.Cabdisalaan waxa uu sheegay in aanay ku qancin go’aankii maxkamadu ay dhawaan soo saaray ururadii hadhay, ee ay marayeen nidaamka kala sareeya ee dalka, waxaanu sheegay in ay ku biiri doonaan dhawaan awoodaha siyaasadeed ii jira uun kaa qaar kamid ah, sida oo kale waxa uu Prof.Cabdisalaan xukuumada haatan ku tilmaamay mid habqan ah,oo qaar kamid ah golaheeda wasiiradeedu ay tartamayaan.
Waxa uu sidan ku sheegay Cabdisalaan Yaasiin xog-waran uu siiyey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa uu u dhacay sidan.
Ugu horayn Pro.Cabdisalaan sidee aad u aragtaan burburka ku yimi xisbigii taladan dalka mudada dheer soo hayay, maxaad se burburkaas u sabab ah ayaad filaysaa?
"Xisbiga Udub waanu ka xunahay in uu ka baxo olalhii siyaasada iyo saaxadiiba, hadii aad iwaydiiseen waxyaabaha loo aanaynaayo burburkiisana, intaynaan gaadhin xukuumada inay faro galisay iyo inkaleba qaybta ay iyagu ka qaateen burburka laftigeeda ayaa ka weyn, taasina waxay ku timi xisbigii oo dhisan oo mudo 11 sanadood ah jiray, oo ahaa xisbigii dawlada intaas hayay, inuu si daas hawshayar uu u burburo waa mid ayaan daro ah, inkasta oo uu jiray khilaaf mudo soo jiitamayay, xisbigaasuna isagaa burburka isugu wacan.
Laga bilaabo gudoomiyaha xisbigaas madaxweynii hore Daahir Riyaale, ilaa qolyaha kale, xisbiguna eeda waa uu ku kala badan yahaye lakiin eeda waa ay wada-qabaan burburkaas xisbiga Udub. Dhawaan maxkamada sare waxay xukuntay dacwadii aad ka gudbiseen gudida diiwangalinta, waxaanay ku raacday go’aankii diiwangalinta, hadaba go’aankaas sideed u aragtaan, se ma jirtaa meel aad u aroorindoontaan geedigiinii siyaasadeed"
Prof: waxa uu intaas ku daray “Waxay ahayd inuu garsoorku madaxbanaanaado, iyagiibaaba imika muran ka taagan yahay, xukuumadii horena waan ogayn oo garsoorku muu madaxbanaanayn,imikana waa lamid, waxaanay ahayd in Garsoorka,xeerdajinta iyo fulintu ay kala madaxbanaanaadaan oo ay is ilaaliyaan, markaas inagu nidaamkan fulintaynu qaadanay oo fulintiibaa meelwalba faraha kula jirta, in la helo garsoor madaxbanaana way ahayd.
Markaas waxii ay gooyeen anagu uma qabano sidaas, oo intii aanu diiwangalinta kaga cabanaynay ayay iyaguna xukumeen, markii horena dad badan ayaa yidhi maxaad ka filaysaan, lakiin waxaan rabanay inaan marno oo dhamays tirno nidaamka aynu dhiganay, maanan-qabin inay wax wanaagsan keeni karaan. Imika iyo haatan arintii waa ay dhacday nagu waxaan qabanaa in wali uu na saaran yahay xil weyn oo awlaba na saarnaa, kolkaas ka hadhi mayno, siyaasaduna waa talo taladana u dayn maysid nimaad is leedahay ka adka, aduu ka adag-yahayna waad ku taageeraysaa, markaas nagu imika awoodii siyaasiga ahayd ee aanu lahayn meesha ay ku haboontahay ayaan ula guuraynaa.”
Mar la weydiiyey Prof: Cabdisalaan Su'aal ahayd Waxa jirtay in dhawaan tiraba sadex Wasiir iyo Madaxweynuu ay isku mar u direen hanbalyo madaxweynaa cusub ee Somaliya, iyada oo aanu kala miir-dilaacin mawqifka uu ka taagan yahay Somaliland, arintaas oo lagu tilmaamay sal fudayd, adiga siday kuula muuqataa?
waxa uu kaga jawaabay "Arintaasu waxay iila muuqataa arin habqan muujinaya, horana waa loo sheegay xukuumadan maanta in habqan uu ku jiro, marka horebana waxaa jira habdhaqan xukuumadahu ay ku dhaqmaan, waxaanay ahayd in madaxweyne madaxweyne hanbalyeeyo, waanu hanbalyeeyay, marba hadii uu madaxweynii oo xukuumada madaxeedii ah uu hanbalyeeyay cidii ka hoosaysa xukuumadaas inay diba ugu noqdaan may ahayn, markaas hanbalyadaas ay kadaba direen waxay ku tusaysaa, in arintaasu ay habqantahay, waanay ka dhacdaa had iyo gooraale xukuumadan imika joogta oo wasiiradeedu inay galaan tartan noocaas ah"
Su'aal kale oo aanu weydiinay Prof: Cabdisalaan Yaasiin Sanadkan waxa la tibaaxayaa in jaamacadaha dalaka ay ka soo qalin jabiyeen kudhawaad 2500 oo arday ah, suuqyadana waxa sii buuxdhaafiyay dadka shaqo la’aanta ah, culays caynkee ah ayaa soo wajahaaya ardaydan oo imika shaqo doon ah? waxa uu ku jawaabay “Horta waa ayaan daro intaas ay inugu dhacdo, dalkeenii waynu joognaa naf iyo maalba waynu u hurnay nabadgalyana waynu ku haysanaa maanta oo waynu ku dhaqanahay, hase ahaatee dalkii maanta ma shaqaynaayo, meesha kaliyaata ee shaqaynaysaa waa meelahii gaarka loo lahaa, sida ganacsigii oo kale. Lakiin dawlada waaxyaheedii oo dhan waa ay ka hooseeyaan xataa boqolkiiba toban, waxaana run ah in dad aad u tiro yar ay u shaqeeyaan dawlada, waxaad tidhi 2500 ayaa sanadkan baxay, sanadka danbana waa 4000, dawladaha horumaray waxay eegaan oo ay markiiba taabtaan dhaqaalaha oo la kobciyo iyo shaqada, shaqada hadii ay boqolkiiba toban shaqo la’yahiin waxay yidhaahdaan waa masiibo, oo waliba tobankaas lacagta cashuurta ah lagu masruufayo. Marykanka maanta waxa laga qaylinayaa boqolkiiba sideed, inagana dhalinayro iyo dad waawaynba waxa shaqaynaya wax ku dhaw boqolkiiba sodan, boqolkiiba lixdan wax kabadana waa bilaa shaqo. Dhalinyaradaas dalka ee imika soo baxdayna waa xoogii dalka oo waxa loo baahan yahay in laga shaqaysiiyo, hadii aynaan shaqo waa tamar bila’aadam oo ururtay oo meel ay ka baxday wayday, hadaan loo helin tamartaas in si wanaagsan loo adeegsado oo waliba aynu dalka ku dhisno. Hadii kale waxay ku kacayaan Waxyaabo kale oo ay tahriibka la galaayaa kmaid yahay, hadii meel kale oo ay qabtaan ay waayaana dee intii wax haysatay ayay ku soo jeesanayaan.” TVSLE