Gudoomiyaha golaha guurtidu waxa si gaara uga hadlay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhici doona dalka,dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xarshin ee kilalka Shanaad ee dalka Ethiopia iyo dawlada cusub ee somaliya.
Ugu horayn gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu ka hadlay doorashada golaha deegaanka isaga oo xildhibaanada golaha guurtida u soo jeediyey inay ka qayb qaataan sidii ay doorashadaasi ugu dhici lahayd si nabad galyo ah , isaga oo sheegay in golaha guurtidu uu marxalado badan kala soo dabaashay dalka isla markaana loo baahan yahay inay haatan dedaal badan galiyaan sidii ay doorashadaasi si nabad galyo ah dalka uga dhici lahayd.
Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland waxaa uu ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xarshin oo ka tirsan kilalka shanaad ee dalka Ethiopia, isaga oo xusay inay ilaahay ka baryayaan in deegaankaas ay ka dhalato nabad waarta, waxaanu u soo jeediyey dadka ay dagaaladu dhex mareen inay qaataan nabad galyada.
Sidoo kale Gudoomiyaha golaha guurtidu waxa uu soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya, isaga oo tilmaamay in Somaliland mar kastaba jeceshayay in dalka Somaliya ay ka dhalato nabad galyo. TVSLE