Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka SL.Oo U Jawaabay Hogaamiyha Muqdisho
Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka SL.Oo U Jawaabay madaxweynaha Somaliya dhaliilayna Xukumada Siilaanyo Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Xukuumada Siilaanyo Eedo Uga Soo Jeediyey Hadalada Ka Soo Yeedhay Hogaamiyaha Muqdisho
Madaxweynaha Somalia Ee Midnimada Ka Hadlay Waxaan Rumaysanahay Hadalada Ka Soo Yeedhay Ninkaasi Waxaa Kalifay Wada Hadaladii Xukuumadu La Gashay Iyo Dhabadii Ay U Martay Xeerkii Xakamaynayay Ka Qaybgalka Shirarka Somalia" Bukhaari
Hargeysa,(tvsle)-Xubno ka tirsan xildhibaanada golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa go'aanka ay golaha wasiirada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku ansixiyeen in Baasaaboorka Somalia lagu dhoofo ku tilmaamay arrin qayrul sharciya, isla markaana gaf ku ah qaranimada Somaliland iyo Basaaboorka dalku leeyahay, waxaanay cadeeyeen in go'aankaasi marka loo soo gudbiyo ay laali doonaan.
Waxa kale oo xildhibaanadaasi ay cambaareeyeen hadaladii doraad ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahnaa Midnimo Somali weyn. Xildhibaan Xasan Cawaale oo ugu horayn arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Hogaamiyaha cusub ee Somalia waxa uu ku hadlay arrin baalmarsan Distoorka qaranka Somaliland oo dhigaya in madaxbanaanida Somaliland ay lama taabtaan tahay, waxaan leeyahay Madaxweynaha Somalia Mabaad dhalane dhawrtaysan ogidaa, adigoon laba maalmoodba xilka haynin ayaad durba soo faragalisay qaranimada Somaliland, oo la ogaa xasuuqii ka soo gaadhay midnimadii 1960-kii ay la gashay Somalia, iyadoo ay dhacday in 88-kii diyaaradihii Madaarka Hargeysa ka kacayay ay dib u duqaynayeen Hargeysa, sidaa darteed maadaama adigoo laba cisho xilkaasi hayay aad caadaystay midnimo Somaliland iyo Somalia dhexmarta, wada hadal iyo gorgortan laga galayaa qaranimada Somaliland ma dhacayso".
Md Xasan Cawaale isaga oo ka hadlaya Basaaboorka Somalia ee dhawaan golaha wasiiradu ansixiyay in shacbiga Somaliland ay ku dhoofaan oo socdaalka laga fiiseeyo, waxa uu yidhi "Wali namuu soo gaadhin go'aanka Baasaaboorka Somalia, laakiinse anagu ma ogolin in Baasaaboorka Somalia dalkan gudihiisa lagu qaato, maxaa yeelay Somaliland waxay leedahay Baasaaboor u gaar ah waana xaaraan in halkan lagu qaato Basaaboorka Somalia".
Xildhibaan Saleebaan Cawad (Bukhaari) oo isaguna ka hadlaya arrimahaasi ayaa waxa uu yidhi "Fikirkaasi waan la qabaa Xasan Cawaale ee faragalinta Madaxweynaha Somalia ee midnimada, waxaan rumaysanahay hadalada maanta ka soo yeedhay ninkaasi waxaa kalifay wada hadaladii xukuumadan iyo dhabadii ay u martay xeerkii xakamaynayay ka qaybgalka shirarka Somalia ee marxuum Cigaal ka tagay ayuu Siilaanyo isla markiiba dabarka ka furay, taasina sharcbiga Somaliland dareen bay galisay, dabeetana markii la furay xeerkaasi dabrayey ka qaybgalka maamulada Somalia waxaa dhacday in masuuliyiintii xukuumada, Madaxdhaqmeedyada reer Somaliland ay Muqdisho u yaacaan, waxaanan qabaa in xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumada Xamar ka dhisani aanay kala qoqobnayni ay isku warhayaan, waa la ogaa shirarkii London iyo Imaaraadka lagu qabtay, Baasaaboorkii Cabdillaahi Yuusuf ee Somalia-na in lagaga dhoofo Somaliland waa kaa golihii wasiiradu ansixiyeen, Xamar xukuumadeena badhkeed ayaa hawshaa midnimada ka wada, waxaa la yidhi "Gudin yahay imaad goyseen hadaan badhkay kugu jirin" haday xukuumada Siilaanyo daacad ka tahay qaranimada Somaliland xeerkii mabnuucayay ka qaybgalka maamulada Somalia ha soo celiso, go'aankaa Baasaaboorka Somalia ay ku fasaxday ha ka noqoto. Waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo wuu ogaa xasuuqii dalkan ka soo maray Somalia maanta lagama filayn inuu Xamar u diro inamadii xukuumadiisa kala shaqaynayay, isagana ceeb iyo aakhiro seeg bay ku tahay, Baasaaboorka Somalia ee golaheenii wasiiradu ansixiyeena waxaan u arkaa wax qaranimadeena iyo karaamadeena wax weyn u dhimaya, waxaanan qabaa in xukuumadan Maxkamad lagu soo taago, haddii golahayaga loo soo gudbiyana waanu deedifayn doonaa"
Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo isaguna ka hadlaya arrinkaasi waxa uu yidhi "Go'aankaa golaha wasiiradu ku ansixiyeen in la qaato Baasaaboorka Somalia macnihiisu waxa weeyi qaranimadii gooni isku taaga Somaliland oo laga noqday, waana qorshe lagu fashilinayo qaranimada" Sidoo kale xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu yidhi "Waxaan u arkaa nasiib darro dalkeena ku dhacday, ummad qaranimadeedu inay madaxbanaantahay waxaa lagu gartaa Calan gaara, dal u gaara, Baasaaboor u gaar ah iyo lacag u gaar ah, inagoo ahayn 22 sano dal madaxbanaan in golaheenii wasiirada lagu soo hadal qaado Baasaaboorka Somalia waxaan u arkaa marin habaabin weyn oo loo gaystay qaranimadeenii iyo fashil lagula kacay".