tvsle.com
Tuesday, 18 September 2012
Is Rasaaseyn Xoogan Oo Muqdisho Ku Dhexmartey Ciidanka Dawlada Somaliy
Muqdisho: (TVSLE) — Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda waxa ay ku dhexmartay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday 3-kalena dhaawac ayaa soo gaaray kuwaasi oo ahaa Arday kaddib markii maanta Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay isku rasaaseeyeen Nawaaxiga Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Israsaaseynta ayaa ka dambeysay kaddib markii askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Qaadka kasoo dhacay mid ka mid ah ganacsatada qaadka ku iibiya halkaasi ay kasoo daba baxeen Ciidamo kale, rasaas ay is weedaarsadeenna ay sababtay dhimasho iyo dhaawac. Soo gaary dad rayid ah.

Isu socodka gaadiidka ayaa muddo daqiiqado ah hakad galay, waxaana Ciidamada Dowladda la sheegay inay ku raad joogaan Askarigii ka dambeeyay falkasi dhaca ah.

Inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca iska horimaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda dhexdood ah, taasi oo sababta qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara dadka rayidka ah.
published on Tuesday, 18 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube