Hargeysa (TVSLE)- Xisbiga talladda haya ee KULMIYE, Urur siyaasadeedyada XAQSOOR iyo RAYS ayaa sheegay in ay ku qancayaan natiijada ka soo baxda doorashada deegaanka ee dalka ka qabsoomaysa 28-ka bisha November ee fooda inagu soo haysa. halka uu guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe sheegay in aanay xisbigoodu ballan-qaadaynin aanay ku qancayn natiijada ka soo baxda doorashada golayaasha deegaanka. Masuuliyiinta labadaasi xisbi iyo labadaasi Urur waxay sidaasi ku sheegeen dood TV-ga qaranku u qabtay habeen hore, taasi oo lagu faaqidayay doorashada deegaanka. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac oo ugu horayn isagu ka hadlay natiijada doorashada goleyaasha deegaanada ee dhawaan la filayo in ay dalka ka qabsoonto 28/11/2012 iyo sida ay urur ahaan ugu qancayaan natiijada doorashada waxa uu yidhi “Sida la qorsheeyay doorashada soo socota anigu waxaan aaminsan nahay inay qasab ku tahay cid kasta iyo urur kasta.” “Annaga oo keliya ma’ahee waa mid ay waajib tahay cid waliba inay ayiddaa oo ay ogolaataa sharci tahay, wixii khalad ah ee soo baxana bani’aadan baynu nahay oo waynu khaldami karnaa ee wixii soo baxa ama cabasho ah waa mid la sheegi karo lana sixi karo iyada oo lagu raadinayo nabadgelyo, waana tii la saxeexay xeer anshaxeed. Komishankana waanu ku kalsoonahay wixii qaddarku qoro raalli ayaanu ka nahay, rajo fiicanna waanu qabnaa, waana u diyaargarownay, waana ku guulaysan doonaa,”ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac. Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo la su’aalay in ay ku qancayaan xisbi ahaan natiijada doorashada goleyaasha deegaanka, ayaa waxa uu yidhi “Annagu ma ballan-qaadayno doorashadaasi hadday musuqmaasuq noqoto, hadday sidii tii hore noqoto ee la isku dul-qaadanayay maanta xisbiga ma saarna, laakiin waxay saaran tahay tusaale ahaan 225 qof ee ka sharaxan Hargeysa oo kale ee 25-ku soo baxayaan, haday musharixintaasi cowdaan oo yidhaahdaan waa la musuqmaasuqay odhan mayno sidii nabadgelyada ilaaliya.” “Waxa weeye doorashada ha la baabiyo oo ha lagu celiyo ayaan odhanaynaa. Mar danbe oo aanu odhanayno danta dalka ayaa la horaysiiyay wakhtigii way dhaaftay aanu dul qaadanaynay. dawladaa KULMIYE siday u dhaqanto ayaan ula dhaqmaynaa.” Sidoo kale, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo isagana la weydiiyay inay ku qancayaan natiijada ka soo baxda doorashada deegaanka ayaa waxa uu yidhi “Waajib ayaa ina wada saaran kuligeenba in aynu wada ilaalino cadaalada, danta nabadgelyada iyo qarankeena ayaa ku jiraa.” “Anagu waxaanu balan-qaadaynaa haddii la nagala helo Alle kama dhigee anagoo ah xisbi xaakimkii, waanu balan-qaadaynaa inaanu u hoggaansano Natiijada doorashada,” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka RAYS Md. Xasan Gafaadhi oo isaguna ka jawaabayay isla su’aashaasi wuxuu yidhi “Saddex uun baa meesha ka soo baxaya qof waliba wuxuu jecel yahay in uu saddexdaa ka mid noqdo, laakiin xaqiiqadu waxa weeye Komishanka doorashooyinka waa khasab in lagu kalsoonaado oo la shaqeeyo, waxaana meesha ka baxaynin in khaladaad dhici karaan, waana in la saxaa.” TVSLE