tvsle.com
Saturday, 29 September 2012
Odaynabadee Warrancade Oo ina Ciyaale iyo qolo ciil siyaasadeed hayo
Anigoo Jawaabaya qoraal uu soo gaadhsiiyay
taageerayaashii baaxada waynee Ee xisbigee umadaha
bohoobay Udub min Laasgoray ilaa lawyo caddo,kaas Oo
uu noo soo gudbiyay murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga
Udub mud Cali Maxamed Warancade,
qoraalkaas Oo ku taariikhsaynaa 27 sep.2012 ku soo
baxay warsidaha (Qarannews)
Oo ahaa in xibigii Udub lagu gefay si badheedhana loo
reebay Oo dad aan nabada u naxahayna tacabna ka galin
ay xisbigii iyo karaamadiisii ku gefayn,
waxaanu leenahay Mudane Cali Warancade Oo ah nin ku
suntan nabad jecayl iyo wax qabad fiican,hadii ay ku
heleen dad aan rag iyo rabbi toona aqoon Oo ah (Yes
man ) miidhan Oo hore Xisbigiinu siyaasad ahaan ugu
ciilay hayska aarsadeene haw bixin adigoo CV gaagii
wanaagsanaa eegaaya in aanay kaa wasakhaynin waxaanu
kuleenahay tixdan gabayga ah( Haddaan nabadda loo
wada qastiyin wayska qiil jabane.)markaa Caliyow
Siyaasadu way albaabo badantahay albaab khayr leh
garaac anaguna waan kugu hambalyayn khayr aad soo
kordhiso.Aduunkuna waligii meel ma taagnaado Ee
Tixdan Gabayga ah bal nala Eeg Warancadoow.
Aduun waa week ba cayn dharaaruhu waa war side.
wacdina iyagaa ku filan.
Allaha waynbaa rogroga wacnaantiyo dhiiladoo.
Mid uun kuma waaro ruux.
Wedkiyo noloshaa is xiga welaacbaa farax bedela.
Hayn iyo faro madhnaan is waydaartaa jiree.
Nin waalani saw shalay nin waafiya muu ahayn.
Ninkii laga waaban jiray miyaan lagu wiirsan karin.
Miyaan wadar caydh ahayd weelkeeda la soo martiyin.
Tixdaas Saaxiibkay Abwaan Weedhsame waxaan ka uga
socdaa wakhti marna meel ma taagnaado waa ogaydeenoo
Dr Gaboose shalay Sahan baa laga reeebay hadana Udub
buu galay way is fahmi waayeen,urur siyaasadeedkii
Qaran buu samaystay waa loo diiday Oo jeel 6 bilood
ah buu galay,ka dib waxa uu maanta iyadoo wakhti ka
soo wareegay wakhtigu dhaxal siiyay in uu markale
himiladiisa tijaabiyo Oo uu samaysto ururkan Ummada
markaa wakhtigu marnaba meel ma joogo.

W.B.TAWFIIQ.

BY XiDIG CABDI YARRE!

NORRK諴ING SWEDEN.
published on Saturday, 29 September 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube