tvsle.com
Sunday, 30 September 2012
Open letter to the Ali Warancade Jawab Celin taladi Aad na soo waydisa
Waxan ka jawaavaya codsi ka yimid geesiga wadaniga
wax qabadka iyo nabada maanta lagu naaloonaayo.

Mudane Cali Warancade wuxu ka codsaday taageerayaasha
xisbiga Udub in ay kala soo taliyaan maraxalada
maanta lagu juro.

Waxa ku dhacay xisbigi Udub maaha wax cid ka qarsoon
wana colaad gaamurtay oo kulmiye iyo Siilaanyo ka
danbeeyo kagana aar gudanaayo xisbiga udub.
Hadaba waxa maanta muuqata cidna ka dahsooneen
dhibaatada qabyaalada, eexda ,cadaalad xumada uu
maanta kulmiye iyo maamulka siilaanyo ku soo
kordhiyey ummada somaliland iyo nitaaqada ay ku
keeneen geedi socodki dimuquraadiyada iyo nabada.

Nin wal oo aqoon lihi wuxu maanta arkaya halka
wadanki maraayo iyo jaha wareerka la dhex dhigay
dadki dhan u wada jeeday waxana u sabab ah siyaasada
siilaanyo iyo kulmiye ee ka duusha aargoosiga iyo
qabyaalada caanteenka ah.

Mudane Cali Warancadow waxan kugula talinaya wax
kaasta oo aad tirsanayso in aad ka tanaasisho kana
hadho adiga oo eegaaya danta dalka, dadka iyo tacabki
aad ka soo gashay kana soo qaadatay nabadaynti dalka.
Kuwa maanta ka taliya Somaliland waa kuwi ka qayb
qaadanaayey dagaalda sokeeye oo la wada garanaayo.

Caliyow dalkan Somaliland maanta waxa dhibaato
balaadhan ka wada waa kulmiye iyo kooxda la wada
garanaayo marka hala qaybsan xumaanta iyo fidnada ay
ka wadan dalka kana fogow oo yey sumcada ka wisikhayn
magacaaga sharafta huwan.

Hadi aad talo na soo waydiisay waxan kugula talinaya
in aad ka tanaasisho kana hadho wax kasta oo aad
tabanaysi.

Cabdillahi dhegacase
degta.ahmed@gmail.com
Kuwait.
published on Sunday, 30 September 2012
Headlines


Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube