Qormooyinkan aan sannaddo ka hor baahiyay intii ay socdeen, waxaan qaybta Cilmiga ah ee Suugaanta iyo gudbinta Gaarriye ka sheekaysannay Maxamed Saleebaan Cumar oo markaa ku jiray Jaamacadda Hargeysa.
Islamarkaana, lana socday taxanahan. Durba waxaa uu ii soo qaddimay maqaal iska dhan oo uu si hufan oo heer sare ah u soo dhigay, kaas oo uu kaga turjumayay aqoonta ay ka kasbadeen macallin Gaarriye iyo dabcan suugaanyannada kale ee dugsiyada aas-aasiga ah oo qudhoodu dedaal badan muujiyay. Wuxuu ku bilaabay Maxamed, sida tan:
“Afmaladaha Maansada, mararka qaarna loogu yeedho ‘Hummaageyn’; waa qalab-suugaaneed af weliba leeyahay, loona adeegsado fududeynta gudbinta farriimaha, sahlidda is-fahamka iyo kasbashada laabo kaa sii jeeda. Waxay fududeeyaan xidhiidhka (Communication) aadamaha u dhaxeeya, nooc uu yahayba. Waxay iidaamaan, koosaaraan, far-shaxannimo iyo bilicna ku gaasheeyaan hadalka/hawraarta. Marar bandanna, waxay badhi-taaraan hab-dhigaalka asluubeed ee tiraabta/tixaha. Xabbaadheennan, waxaynu si dul-ka-xaadis ah ugu miliilici doonnaa, hal iyo halal ka mid ah, mucda iyo muceedyada af-sandahaneha Maansada.
1. Ekeysiin (Smile):
1.1: Qeex: Ekeysiinta waa qalab la adeegsado marka la doonayo in xidhiidh laga dhexaysiiyo laba shay. Looma jeedo in ashyaa’daas laysku ekeysiinayaa si kasta isugu dhigmaan, waa se inay wax uun wadaagaan. Haddii isku-ekeysiintu u dhaxayso laba shay oo aan la aqoonnin isku-ekeysiini ma dhicin; sida se shardiga u ah, waa inay ka dhaxaysaa laba shay oo midna la yaqaanno, ka kalena aan la aqoon, haddii aanay ka dhexayn labo macruuf ah. Isu ekeysiintu waxay leedahay afar tiir: U Eke,[1] Loo Eke,[2] Qalab[3] iyo Qaab[4]. U Eke & Loo Eke; waa muhiim inay mar walba jiraan, Qalabka iyo Qaabka se, shardi maaha joogitaankoodu. Ekeysiinta ay afarta tiirba u dhan yihiin waxa loo yaqaannaa Ekeysiin buuxda. Si taas hore ka duwan, Ekeysiinta la’ mid ka mid ah labada ay bannaan tahay maqnaanshahoodu (Qalab iyo Qaab) waxa la odhanayaa, Ekeysiin kala dhiman.
Tusaale: Badda midabkeedu waa sida cirka. Innaga oo tusaalahaas ku dabbaqayna tiirarka aynu kore ku xusnay;
U Eke: Badda – Qaabka: Midabkeedu waa – Qalabka: Sida – Loo Eke: Cirka.
Haddii aynu inyar kala saafno tusmeeyahaas: Baddu waa U Eke oo waa ka loo eg’ yahay midabkeeda, Midabku waa Qaab; wejiga ay iska shabbahaan badda iyo cirku, Ereyga ‘Sida’ ee la adeegsaday waa Qalabka suurto-geliyay isku-ekaanshahan, halka Cirku ka yahay Loo Eke ha midabkiisa baddu u eg’tahay.
1.2. Quruxda Ekeysiinta:
Dhawr marin oo kala geddisan ayaa la raacaa si loo helo Ekeysiin qurxoon. Qaar ka mid ah jidadkaas, bal aynu hoos ku halaanbaynno:
1.2.1. Faahfaahinta Loo Ekaha:
Si loo ficillo-geliyo helitaanka Loo Eke faahfaahsan, waxa la tarmiyaa Loo Ekeha, iyada oo U Ekahana lagu cabbirayo tuducyo aad u kooban. Tusaale: Mar uu Abwaan C/laahi Suldaan Tima-Cadde, si uu u muujiyo murugo haysatay, adeegsanayay kaalintan, waxa uu U Ekaha ku cabbiray tuduc madiyaysan, halka uu Loo Ekehana ku muujiyay meerisyo badan. C/laahi Suldaan Maxamed waxa uu gabaygaas ku yidhi:
F.G: Meerisyada ku qoran farta jiifta (Italic), waa U Eke, halka inta badan ee kalena ka tahay Loo Eke.
Sida inan mabsuudoo rug wacan, Maalik ku abuuray,
Oo oday masaa’iibi dhaloo, laga mildhaabaayay,
Oo inan ku meeraysan jirey, meel fog ka ilaaqday,
Oo habar-malcuunaw diroo, moqoddinkaw saartay,
Oo aan ka maanicin wuxuu, uga muraad yeeshay,
Oo farakh makaankeed galoo, madax wareeraysa,
Madoobaadayeey xalay miyey, murugtay laabtaydu!
Abwaanada kale ee sida wanaagsan u adeegsaday tarminta loo ekaha, waxa ka mid ah Abwaan Maxamed Jaamac oo loo yaqaano “Macallin Gaaxnuug”, abwaan Gaaxnuug waxa uu tiriyay gabay uu magaciisu yahay Gantaal, isaga oo shabahaya ciil hayay kuna shabahaya geesi la jabiyay oo cadho la madoobaaday, iyo gabadh markaas uun curatay oo ninkeedi geeriyooday, abwaan Gaaxnuug waxa uu yidhi:
Sidii geesi hiil dirirayoo, guluf u heenseeyay,
Oo gaas digtoonaa col iyo, guuto qabadsiiyay,
Oo goob dagaal laysku helay, laga gol roonaaday,
Oo gacanta lagu soo dhigoo, gibil madoobaaday,
Ama curad ninkeedii go’oo, galabta loo sheegay,
Oo gocashadiisii qalbiga, meeli gubanayso,
Oo inay nin kale guursatiyo, godob ka yaabaysa,
Xalay gelin dhexaadkii hurdada, goohi maan ledine,
1.2.2. Tarminta Loo Ekeha:
Raage Ugaas isaga oo doonaya in uu cabbiro taah ka baxay habeen ay dhimatay gabadhiisii Faadumo, oo uu Libaax cunay, waxa uu taahiisa ka dhigay u-eke, uu ku cabbiray hal tuduc, loo-ekahana waxa uu ka dhigay shanqadho badan, oo uu ku cabbiray tuducyo badan, Raage Ugaas waxa uu yidhi:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah,
Ama beelo kaynaan ah oo, kor u hayaamaaya,
Ama ceel karkaarada jabshiyo, wabi karaar dhaafay
Ama geel ka reeboo nirgaha, laga kaxaynaayo
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhu e.
1.2.3. Faahfaahinta Loo Ekeha & U Ekeha:
Waa iyada oo loo ekaha iyo u-ekahaba lagu cabbiro tuducyo badan, bal u fiirso gabyaaga tixdiisu hoos ku sheegan tahay iyo sida uu isaga oo U Ekeha ah iyo Loo Ekeha uu u adeegsanayo meel-marinta ujeeddadiisu ay labaduba u faahfaahsan yihiin:
Hal godlani gujada Yuusufoow, way ka gubataaye,
Way gaagaxdaa – lagama helo, gobo’da caanood’e,
Gorof-legedka iyo lawyaday, kugu garaacdaaye,
Aniguna siddeeddaa Gambaan, gaadhka ku hayaaye,
Guhaad iyo afxumo waxan ku qabo, waanad garanayne,
Haddii Eebbe igu kaa galladay, hayska kay gudhine,
F.G. saddexda meeris ee hore waa Loo Ekeyaal Faahfaahsan, halka saddexda ku qoran farta jiiftaana (Italic) ka yihiin U Ekeyaal.
1.2.4. Tarminta Loo Ekeha & U Ekeha:
(b): Loo Ekeyaal Isku Dhinac ah & U Ekeyaal Isku Dhinac ah;
Cabdulle Xasan inankuu dhaliyo, Caarshe iyo Laaran,
Colaaddii dhex tiil oo kalaa, teennu ka cuslaan’e,
Halkan, dhinac waxa wada maray Loo Ekeyaal, dhinaca kalena U Ekeyaal. Cabdulle Xasan inankuu dhalay, waxa looga jeedaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Caarshe iyo Laaran waa laba ka mid ah madaxdii Gumeystaha u qaabilsanayd carradan. Sidaas daraaddeed, si Gabyaagu u muujiyo inuu colaad adag la gelayo qofka uu la hadlayo ayuu ugu ekeysiinayaa tii ka dhaxaysay Gumeystaha iyo Daraawiish.
Daraawiish + Gumeyste = Annaga + Idinka
(t): Isku Lammaanaynta Loo Ekeyaasha iyo U Ekeyaasha Is leh:
Dibnaheeda – culayga ah,
Cirridkeeda – dhuxusha ah,
Sanqaroorka – caynab ah,
Camankeeda – xaadda ah,
Sunayaasha – cawsha ah,
Dhexda – caara-dhuubta ah,
Naasaha – canbuusha ah,
2. Ekeysiinta Kala Dhiman: Isu ekaynta kala dhimani, waa iyada oo uu maqan yahay mid ka mid ah afarta qaybood ee ay isu ekaysiintu
2.1. Marka Qaabku Maqan Yahay: Ekeysiinta noocan ah, ma cadda wejiga ay labada shay ee laysku ladhayaa iska shabbahaan, waa se laga yaabaa inay siyaalo kale qurux u samayso. Bal si feegijan u dheeho, iskuna day inaad wax ka guntato:
Cabdi Gahayr oo gabadh six eel-dheeri leh u ammaanaya, waxa laga hayay:
Lagu mood dhirtii maacaleesh, midhihii saarnaa!
Tuducan markaynu fiirinno, ma cadda qaabka ay isaga eeg yihiin qofka lala hadlayo, iyo midhaha saaran dhirta maacaleeshku. Haddii se aynu kala yara qaad-qaadno, Lagu Mood waa Qalabkii, Dhirtii maacaleesh midhihii saarnaa, waa Loo Eke, halka U Ekehuna ka yahay qofkan lala hadlayo. Ogobeey, in ereygii ahaa “Adigu” la xadfay oo uu ku hoos lammaan yahay “Lagu Mood.”
Turki baa la moodaa ninkaan, taaban naagaha!
Ma cadda qaabka ay isaga eegyihiin Turkiga iyo ninka la sheegay ee aan naagaha taabani. Turkigu halkan waxa uu ugu jiraa Loo Eke, La Moodaa waxay ugu jirtaa Qalab, Ninkaan Taaban Naaguhuna waa U Eke.
Sidii cir ku hooray meel cosob loo,
Cadceedi u soo baxdaad tahay!
Si la mid ah misaalladaas aynu kore ku soo sheegnay, ma cadda qaabka ay iskaga egyihiin deegaanka la sifaynayo, iyo qofka lala hadlayaa.
2.2. Marka Qalabku Maqan Yahay:
Waa marka aan qalabka Ekeysiintu ahayn mid muuqda, laakiin ay isu-Ekeysiini dhacday. Sida, gedda, Lagu mood, i.w.m.
Nin sabool ah iyo awrba way, sibiq-dhaqaaqaan’e,
Labaduba haddaan seeto celin, socod ma daayaan;
Afku wuxuu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara,
Nimcooy adigiyo nalkaa Mijirkoos,
Noolaada’e magaalada waydin nuurteen;
Nin reer u weyn iyo naag naag ka umulisay midna sida uu wax u og yahay uma sheego,
Awr awr wado iyo nin naagi waddo, midna kaama beydho,
Hilib mindi leh iyo hadal marag leh, midna laguma mergedo;
2.3. Marka Qalabka iyo Qaabkuba Maqan Yihiin
Ekeysiin aanay jirin Qalabkii iyo Qaabkii ay wadaagayeen, misana suurto-gal ah, far-shaxannimona dhaliso; bal u fiirso:
Cali waa libaax
Waa dhabarka seedaha ku yaal, sidigta dhaameele,
Aduun waa hadh labadiisa gelin, waana la hubaaye,
Hir markii lagaadhaba mid baad, ku hindisootaaye,
Hal galgalatey waxaa looga dhigay, yaanay midnaw hadhin,
Inkastuu dhabcaal daran yahuu, dharabo kuu diido,
Isagoo dharaar maqan mar uu, dumar wax kuu dhiibo,
Dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga, waad dhadhamisaaye,
Waa dhaawac kugu yaal xidigtada, dhaqasho diidaaye,
2.4. Ekayaasha Dahsoon
Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe,
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaal’e,
Dirxiilaha madheedh waa cas yahay, daawashada guude,
Dawliilka baas waxaad ku hodi, duul aan ku aqoon’e,
3. Ekeysiinta Hummaagyo Kala Fog:
(a): Hummaagyada La Taaban Karo (Concrete images)
Higlooy timahaaga hawdka ah,
Wixii ku hallaaba lama helo,
Sidii geed ku yaal bankii Geriyaad,
Goonidu waa mid laygu talo galay,
Afku wuxuu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e,
Xaashe’e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaab’e,
Dhudiyeey nin dhalasho huwani,
Dhexda wuxuu ku xidho mooyee,
Dharka muxuu ku falayaa,
(b): Hummaagyo Male-awaal ah oo Kala Fog:
Indhoolaha ay agtiisa martaa, Siduu arkayuu u eegaa!
Derajooyinka Ekeysiinta: Cali geesinimada waa sida libaaxa, Grade C,
Cali waa sida libaaxa, Grade B,
Cali waa libaax, Grade A,
Fool-Xumada Ekeysiinta: Ekeysiintu waxay fool-xumaataa marka laysku ekeysiiyo laba shay oo isku eg; Biyuhu waa sida biyaha,
Qurux badani kuma jirto inaan isku shabbaho laba shay oo isku mid ah.
Waxa kale oo isku ekeysiintu fool-xumaataa marka laysku Ekeysiiyo laba shay oo aan la aqoon. Taasi waxay keenaysaa in aan faham immanin.
Magaalada geed ku yaal muxibbooy, Ayaad midabkiisa leedahay;
Marka laysku ekeysiiyo laba hummaag oo aan is lahayn, ama isku habboonayn; Iyo ubaxa dhaadheer,
Inanta aad rabto inaad quruxdeeda sheegto, waad ku geftay markaad ubax sal-sallooqan ku sheegtay.
Ma xalay ubax dhegaha fidiyoo, Ka dherqaday xareeddoo, Dharabkii ku yaalbaa!
Ubaxa dhegaha fidiyay ee wax dherqanayaa waxa uu eg yahay Ey! Inanta maad ammaanin’e, waad cayday!
Marka laysku isku ekeysiinayo hummaagyo aan is lahayn: Saynabeey jacaylkaagu waa sida sunta abeesada oo kale.
La soco qaybo kale oo aad u xiise badan.................................
Mustafe Sheekh Cumar Geeddi
Email: cinwaankamustafa@gmail.com
|