tvsle.com
Monday, 5 November 2012
Sheeko Kale Keen: Mar Labaad Ku Celi Prof. Cabdisalam Yaasiin
Nin dalmar ah oo dhul badan maray ayaa dalkiisii ku noqday ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa. Magaaladii uu ku noolaa ayaa aad loogu soo dhoweeyay. Soo dhoweyntiina aad buu ugu riyaaqay.

Waxaanuu bilaabay inuu dadkii magaalada uga sheekeeyo wuxuu soo arkay iyo waayihii soo maray.

Nimaan dhul marini dhaayo la, ayuu sheekadiisii ku bilaabay Dalmar isagoo tookh ku jiro codkiisa, lixda qaaradood ee aduunkaba waan isaga gooshay.: Afrika, Urub, Aasia, Ameerikada Waqooyi, Ameerikada

Koonfureed, Ustreelia. Jabaan iyo cadeed ka soo baxa ayaan ka wareegay; Hawaayi iyo halkay ka dhacdona waan tegay. Dad mooc walba waan soo arkay: madow, maariin, casaan, cawl, caddaan, gaagaab, dhaadheer, indhweyn, indhayar. Yuug iyo Yamanyuug ma maqasheen? Ayuu weydiiyay dhegaysteyaashii. Waxay ugu jawaabeen,

Haa. Waanu maqalay. Yuug iyo Yamaanuugna waan arkay, ayuu ku yidhi.

I been to Antwap and Radhadham. I dok on Marsay and Mumbay; Shikago and Shanghai. I sail round the Kayb and kanada. Ibeen all obar the wald, yang man! Ayuu yidhi Dalmar inta uu is ilaaway oo af Ingriisi ku hadal. Waa maxay waxaad af Ingriisiga ku sheegtay? Ayay dadkii dhegaysanayay weydiiyeen. Ilayn nin badweyn ku raagaan ahay, raali ahaada waan yara muquurtee, ayuu yidhi.
Goormay kuugu darayd socdaalada; sideese uga baxday? Ayaa nin weydiiyay. Aaaah! Ayuu isla markiiba yidhi, Maalintaas ma maalin baa la mid ahayd. Maalintaas oo kale hore iima soo marin. Intuu in yar aamusay ayuu raaciyay, Waxanu galay dhulka Yuugga iyo

Yaamnuugga. Goor barqo ah ayaanu magaaladii u dhaadhacnay. Waxanu ku beeganay fagaari weyn oo tartan ciyaareed ka socdo. Fagaarihii ayaanu ku baydhnay. Markaanu dadkii dhexgalay ayaa la yidhi ka soo qaybgala tartanka. Waa la ordayaa; waa la boodayaa; waa legdamayaa; waa feedhtamyaa, waran baa la turayaa, dhaqgax culus baa la tuurayaa, culays baa la qaadayaa . Ha sheegin wax mesha ciyaar ka socota! Lama tirin karayn.

Ma ka qayb gashay tartankii? Ayaa la weydiiyay. Horta markii hore waan yara hakaday; ilayn nin tartamo ciyaareed loo carbiyay maan ahayne. Ciyaaraha inaan guudkaas ka daawado mooyaane, hore uga ma qayb qaadan. Talaa igu cadaatay. Markaan se cabaar isla shawray, waan calool adaygay, oo waan ka qayb galay.

Kuwii ayaad qayb gashay? Ayaa la weydiiyay. Dee ilayn waan calool adaygee, mid aanan ka qayb gelini ma jirto, ayuu si dhakhso ah u yidhi waxan ka qayb galay orodkii, boodadii, legdintii, feedhkii, tuuryadii; iyo dhamaan kuwii kaleba.

Maxaad guulo ka soo hoysay? Ayaa nin ku yidhi. Mid aanan guul ka soo hoynin ma jirin, ayuu ku jawaabay. Ma dhamaantoodba? Ayaa loo celiyay. Haa, dhamaantoodba, ayuu si degdeg ah u yidhi,isaga oo aan dareensanayn inuu faanyo wuxu sheegayaana suurtogal ahayn weliba mid walba waxan ku guulaystay boqolkiiba shan iyo todobaatan in ka badan!!!

Nin dadkii dhegaysanayay ahaa ayaa ku yidhi, Bal guulahaa mar labaad maad noogu celin si anana aanu uga mabsuudno? Wuxu ugu jaawbay, Libin waqti iy waayo ka soo wareegay, laguma celin karo, ee sheekada ku raaxaysta!!!
Prof. Cabdisalaan Yaasiin Gabayxaddi
published on Monday, 5 November 2012
Headlines


Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube