tvsle.com
Monday, 5 November 2012
Way Qalin Jabisay, Se Ma Qoomamo Laa !!! Qalinkii: Cabdifatah Sh.nouh
Qiyas ahaan ahaan waxay madaxa la galaysaa gugii 22-aad, waxay ku labisantahay dharkii qalin jabinta, waxoogaa murugo aan badnayn ayaa wajigeeda ma muuqda, hadaadse u sii fiirsato waad dareemaysaa inay u tahay maalin farxadeed, waxay wax dhigasho soo waday 16 sano,maantase waa maalintay qalinjabinaysay,waxay dhex- lugaynaysaa garoonka xawaadle ,waxayna saacadu ku sii siqaysaa abaaro 1:20 daqiiqo,waxaan aad ula yaabay gabadhan ku labisan dirayska ardaydii qalin jabinaysay ee hadana lugaynaysa xiligan cadceedu badhtanka taagan tahay ee shimbirhii godkooda galeen,boodhka dharkii madoobaa ee ay xidhnayd ka muuqday waad ka naxaysay,oo mararka qaarkood adaaba is odhanaya inanta ma miigii fogaa ayay ka soo gashay.

nasiibku uma saamixin inay hesho wehel walaalo ah oo u gargaara, waxay ku madiyawday dagaaladii wadankan ka dhacay, hal wiil ayaa la dhashay kiina dagaaladii ayuu ku dhintay, hooyo ma laha oo hooyadeed aduunyada way ka carawday,aabaheedna nasiiba umay helin inay dunida guudkeeda ku aragto, waa qaadaa ma dharagto, waxay la noolayd ayeeydeed oo soo korsaday, balse hada talax gabtay oo dadu ka soo if- baxday sariir yaalna ka dhigtay,nolosha waxay ku waday feedh iyo laag,waxay u lugayn jirtay jaamacada , waligeed lama arag iyadoo bas sii raacaysa, waligeedna lama arag iyadoo intay mac macaanle gashay xabad tufaaxa iyo koob sharaaba midna cunaysa ama cabaysa,dadka yaqaanaa waxay ku sheegaan inay tahay gabadh af -gaaban oo u dhalatay xishood,duruufaha dhaqaale ee wadankuna adhaxda ka jabiyeen, waxay sanadahaa waxbarashada ku soo waday calool adayg, may helin hal maalin qof dhiiri galiya oo garab istaaga,ardaydu markay qalin jabinayaan waxaa maalintaa garab istaaga qaraabadooda iyo dadka ehelka u ah,nasiib daro ehelka ay la dhalatay waxay u badan yihiin danyar iyagu toodii la ildaran, intii ardayda loo sudhayay ubaxyadam kaadooyadana la gudoonsiinayay iyadu gooni ayay u taagnayn,hal sawira oo xusuus u gala may helin ,waxaa hoosta kaga socday oo laabteda gubayay holac aanay xal u hayn inay damiso,walbahaarka iyo isku buuqa nafsiga ah ee ku furan muu ahayn mid ay qarin karto,qofnaba caad kama saarna caloolyawga ay ka cabanayso, cindigeedu se wuxuu soo saari laayahay Mucjisadani halkay kaga habsatay,sualahaa ayaa sida hilaaca maskaxdeeda uga holcanaya,taas oo ay u laadahay wax jawaaba,se geesinimada gabadhan ka muuqatay waxay gayaysiisay inay qariso shakhsiyadeeda dhabta ah,waxa ay dadkoo dhan ka qarisaa dareenkeeda dhabta ah,dadka waxay tustaa dareen raaxo leh iyo jano gaaban oo qabow inay ku dhex jirto oo gabi ahaanba ka fog cadaabta iyo holaca laabteeda sida dabka uga holcaya, isku soo wada duuboo maalintii qabin jabinteeda waxay sii raacday basaska magaalada,waxaanay ka habsaantay daqiiqadihii hore ee xaflada,nasiibkuna uma saamixin inay hesho cid saacida oo markii danbena soo qaada ( Lift ),waxaase ilaahay wax loogu mahadnaqo ah in waxa ugu wayn ee ay maanta ku fikiraysaa tahay siday nafteeda maruun uga saari lahayd duruufan faqriga iyo silica ah ee sida hadhkeeda ama hugeeda in badan daba socday , waxaanay maanta hiigsanaysaa waxay waaligeed ku fikiraysay oo ah maalqabeenimo iyo nolol barwaaqoo ah oo ay dhex mushaaxdo inta nolosheeda u hadhsan,waana hubaal In dadka sidaasi masiirkooda danbe uu ku waaro nolol ayaatiin leh, taasina waa mid ka mid ah ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha dalka,gadaal fiiri, laga yaaba inay ku dabo taagantahay,hadaad u fiirsatana hadal kama taagna inaad garanayso.fadlan u duceeya danyarteena dadaalaysa inuu ilaahay garab galo taban taabiyana.

Qalinkii: Cabdifatah Sh.nouh jaamac (suldaanka)
Email: Samriye99@hotmail.com
published on Monday, 5 November 2012
Headlines


Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube