tvsle.com
Monday, 5 November 2012
Waddaniyadeey magacaa be!! Qalinkii: Saddam Xusseen
Mar kaliya inta uu hurdadii ka baraarugay ayuu si kadis ah u eegay goorsheegtii moobilkiisa. Waaba waqtigii uu kici jiray, habsan buu isku tirinayey oo waa kii mar kaliya hurdada ka soo booday. Xaqiiqsay haddase in aanu habsan ahayn. Hawlaha adduunyada iyo shaqada badan ee u taalay oo kar badan ku hayay awgeed ayuu uga cararayay in ay hurdadu la tagto.
Guriga haddii uu ka soo dhaqaajiyeyna wali kama madhna fikirkii iyo faaqidaadda waayahii uu saakaba la soo toosay. Intii uu jidka ku soo jiray wuu isla hadrayey waanu isla hugmayey. Naftiisuu la sheekaysanayey iyana way shiddaynaysay oo waydiimaabay u soo dareerisay. Wax se warcelin ah uma hayn umana heli doono malahayga.
Intii aanu gaadhin goobtii uu u socday ayaa waxa la hadashay gabadh halkeer qotonta oo boodhka iyo habaaska saaran korkeeda aanad malaynayn. Waa gashaanti cimri deg-degtay oo duq lixdan jiranna ka arag xun. Intay hagaastay ayey hoogtay qayrkeed iyo qoomkeedna ay ka hadhay. Way qaadhay oo way qombobtay qawlaladuna way caddaadeen. Wajigeeda waxa ka muuqda darxumo iyo daranyo aan yarayn. Waxay hagoogantahay shalmad dacal walba ka fagantay iyo diric hun ah oo asturaya uun cawradeeda. Kabaha ay maydhaxda ku xidh-xidhay iyo safanta cagaheeda dil-dilaaciyay markaad isku aragto ayaad damqanaysaa jidhkuna ku dubaaxinayaa. Tolow tan yaa u cida iyo caynkan maxaa ka yeelaybaad is waydiinaysaa. Inta aanad jawaab u helin suaashaa ayey haddana kugu soo dhacaysaa haddaad daryeesho armay kaaba hadhi waydaa? haddaad ka dhaqaajisona ? mooyi
Markii uu jalleecay xaggeedii isaga oo naxdin gariiraya dhanna ka yara xishoonaya oo isle armaa lagula yaabaa ninkaagan labisan ee gabadha caynkana la taagan. Mise waxay bilawday cabasho iyo canaan aanu filanayn. Hadalkeediina waxay ku bilawday: Ima danaysid imana daryeeshid. Iima dabacdid anna kaama durko. Waan kugu ag dulmanahay waanad iska kay indho tirtaa. Cid aan aniga ahayn baad u darbantahay una doobyaysaa. Waad I caydhisaa waanad I canaaddaa. Iima roonid ee waan kugu ag rafaadsanahay waanan kugu ag rafanayaa iyadoo rubaddu idhaaftaana iiga roonayd nolosha aan ku noolahay. Haa waan kugu ag dullaysanahay. Araggaana adaa ii yeelay oori kalaanad daba oroddaa iyada oon dan kaa lahayn dumaashaadana aan rabin xataa haddii laga dhinto
Halkeer buu qotomaa oo uu afkiisuna juuqda gabay! Xaggay kaala qaaday iyo xaggeed ku taqaanay? Ileen annagaa wax aragnayduu hayaa hawlina kuma yara.
Garaaca wadnihiisu wuxuu inyar u jiraa inuu dabar iyo hogaanba goosto gebiyadana dilaacsho. Maxaad hurdadaadii ugaba soo kacday miyaad arki lahayd inkaartan heeryada ku dul dhigatay buu is leeyahay iyo awalba maad arki jirine miyaa lagugu soo biimeeyay tolow?! Intaas oo waydiimood baa mar kaliya maankiisa buuxinaya waana ilbidhiqsiyo kooban.
Saacadduu hoos u eegayaa mise waxay gaadhay waqtigii uu ballanta lahaa. Ma dhaqaaqi karo oo inay hadalka kor usii qaad qaado ama kuba qayliduu ka baqayaa. Suaaleheeeddana kama jawaabi karo. Laba daran mid dooro. Marna iyaduu eegayaa marna hareerihiisuu eegayaa. Hadalkiibay waddaaa iyana Waad iga dalan dooshay waanad iga dal-doorsatay ogow se aniguumbaad I hurrantahay aakhirana la I kaa waydiiyaa. Qayrkay adaa iga reebay qoomamadana I baday. Adaan I qadarin ina qiimayn. Quruxdaydii aaway miyaanad ka qooqin oonad ka qashaafin.

Waxba ha daymoon hareerahaaga, hortaadana ha fiir-fiirin e, waddaniyaddi waa iyada, warlaawaha heerayna waa innaga lafteenna. Oo kaalay miyaad igu qabsan haddaan walle iyo bille kuugu maro in sida ay ruuxan dumarka ahi u tafantoofay si ka badan uu dareenka waddani nimo dhexdeena ugu tarmid daayey? Mise ma dhaadanid shayga aan ka hadlayo micnihiisaba.

Waa dareen kalgacal oo aad u qaaddo dalkaaga, dadkaagaiyo inta aad la deegaanka tahay. Waa ereyadda ugu kooban ee lagu qeexay waddaniyada! Iska daa in aynu dalka kalgacal u qaadnoe wuxuu inooga nabad la yahay hantidiisii. Markaasaa illinta iyo oohinta ka hibitiqle dhaayihiisu iyaga oo sida dhibicda roob u hooraya gaadheen ciiddiisa cawlan. Codka laddifan ee xabeebtu ku lammaantahayna dirqi uu kaga soo baxayaa sidii oo cunaha la hayo, markaasuu ku dhawaaqayaa tanna way ii dambaysay! Hubaal dhulkaagu wuu ku faraxsanaa maalintaad ku dhalatay, waad se noqon wayday sidii ay ahayd inaad noqotaa waana kan oo ku muusanoobaya ayaan darriyaa oo inkaarta igu dhacday waynaa.
Wali muu dhimman waa se dhaawac addag. Haddii aynaan u hawl gelin dib u nolayntiisana wuu hawan doona inana cidlaynu joogsan.

Ilaahay Xaqqa ha inna garansiiyo!
Qalinkii: Saddam Xusseen Carab
Waddaniyadeey magacaa be!
published on Monday, 5 November 2012
Headlines


Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube