news
all videos
Contact us
tvsle.com
Friday, 5 February 2010
Wasiirka Arimaha Guddaha S-land Oo Ka Hadley Qarixii Lascanood.
Wasiirka Arimaha Guddaha ee S-land Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qarax Fashilmay Oo Xalay Ka Dhacay Laascaanood

Hargeysa (TVSLE)- Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro], ayaa tilmaamay in qarax la doonayey in lagu qaado xalay masuuliyiinta dawlada ee Gobolka Sool uu fashilmay, isla markaana uu ku dhintay is-qarxiyihii.

Wasiir Cirro, wuxuu sidan ka sheegay mar uu maanta war-baahinta ku hadlayey magaalada Laascaanood oo uu baryahan-ba ku sugnaa, isaga iyo wefti culus oo uu hogaaminayo.

Md Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro, isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaanu goosanay annaga oo daba taagan oo ka faa’idaysanayna waayo aragnimadii qaraxyadii hore, inaanaan loo dhowaan meesha uu qaraxu ka dhacay maadaama oo ay habeen tahay, waxaana aanu ku gadaanay meeshii [wareejinay] ciidan, markii uu waagu baryey waxa meesha laga helay maydkii ninkii miinada qarxinayey, oo qaarka sare oo dhana googo’ay oo xitaa wajigii lagu garan lahaa ayaa baaba’ay. Hase yeeshee waxaa meeshii laga helay qalabkii uu adeegsanayey sida telefoon dhinaca rumuud ka ah, telefoon kale oo jajabay balse aanu kaadhkiisii hayno”

Waxaanu wasiirku intaa raaciyey oo uu yidhi “Qaraxaa isaga ah baadhitaan-baa ku socda oo raad-raac ayaanu samaynaynaa, waxaana laga yaabaa macluumaadkaa aanu ka helnay inuu wax ka kashifi doono oo wax fur-furmi doonno”

Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro], waxaa uu balan qaaday in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo bandhigi doonaan bulshada, natiijooyinka ka soo baxa baadhitaanka lagu hayo qaraxyadii kala duwanaa ee lagu qaaday masuuliyiinta dawlada Somaliland.

Ugu dambayntii waxaa uu sheegay Wasiir Cirro, in xidhiidhka ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo bulshada Gobolka Sool ku dhaqan, gaar ahaan magaalada Laascaanood uu aad u fiican yahay, isla markaana ay sugida amaanta Gobolka ay gacan ku siiyaan ciidanka amaanka.

WARKA 2AAD

Xukuumada Sucuudiga Oo Si Adag U Difaacday Maxjarka Berbera Iyo Go’aankii Ay Ku Fasaxday Xoolaha Somaliland Iyo Shahaadada.

Riyad (TVSE)- Wasiirka Beeraha ee dalka Sucuudiga Dr. Fahad Bilqanii, ayaa si adag u difaacay go’aankii ay wasaaraddiisu xayiraadda kaga qaadday xoolaha dalkiisa uga yimaadda dekedda Berbera ee Somaliland iyo weliba dekedda maamul goboleedka Puntland ee Boosaaso.

Wasiirka oo u jawaabayey kooxo ganacsato ah oo isla jariiradda Alriyaad ku qoray maqaal ay ku naqdinayaan qaabka Sucuudigu xayiraadda uga qaaday xoolaha Somaliland, isla markaana ku tilmaamayaan in uu aqbalay shahaadooyin caafimaad oo uu soo saaray maamul aan la aqoonsanayn oo gooni goosad ah ayaa qiray in xoolaha Berbera iyo Boosaaso ay fureen iyaga oo sidii caadada u ahaan jirtay aan u soo dirin khubaro xaqiijisa caafimaadkooda, laakiin waxa uu ku nuux nuuxsaday in shahaadooyinka caafimaad ee dekedda Berbera raaciso xoolaha ka dhoofaya oo ay ku qoran tahay Somaliland iyo shahaadada dekedda Boosaaso ay u aqoonsan yihiin in ay ka soo baxeen ilo rasmiya oo sida ay kooxdaas ku tilmaamtay aanay ahayn kuwo been abuur ah, ama ilo aan la aqoonsanayn ka soo baxay.

Dr. Bilqaniim waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ku qanacday, khubaro ay dirtana kaga kaaftoontay warbixin caafimaad oo ay hay’adda caafimaadka xoolaha ee caalamiga ah oo khubaro soo qiimaysa dhismaha, qalabaynta iyo habka Shaqo ee maxjarrada Berbera iyo Boosaaso ka soo saartay xoolaha ka soo dhoofaya maxjarka Berbera Somaliland iyo Boosaso maamul goboleedka Puntland. Sida ay jariiradda Alriyaad ku qortay cadadkeedii soo baxay arbacadii shalay, Wasiirka oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu arrintan darteed u qabtay ayaa sababeeyey waxa ku kallifay in ay koox khubaro ah u diri waayaan labadan maxjar ka hor intii aanay xayiraadda ka qaadin xoolaha soomara, maadaama oo dhammaan dalalka kale ee xoolahooda xayriaadda uu Sucuudigu ka qaado inta aan xayiraadda la qaadin khubaro loo diro, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Maanu arkayn waxa daruuri ka dhigaya in aanu koox khubaro farsamo ah u dirno arrintan, waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu ka faa’ideysanno warbixin togan oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka xoolaha”. Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray, “Qiimayntan togan ee ka soo baxday ururkan Caalamiga ah ee shaqadiisu tahay caafimaadka xoolaha ayaa wasaaraddayda siiyey kalsooni keentay in ay ku qancaan in aan loo baahnayn in maxjarradan loo diro khubaro farsamo oo soo hubiya natiijada ay hay’addu gaadhay ee ah in lagu kalsoonaan karo labadaa Maxjar”.

Dhanka kalana waxa uu wasiirku sheegay in wasaaraddiisu koox khubaro farsamo ah u dirtay mid ka mid ah dalalka Khaliijka ee deriska la ah Sucuudiga oo aanu magacaabin, balse uu sheegay in uu xoolo badan ka soo dhoofsado dhulka Soomaalida. Sida uu wasiirku sheegay khubarada ay dalkaas u direen baadhitaan ay ku soo sameeyey xoolaha uga yimaadda Soomaaliya ayaa ay ku soo xaqiijiyeen in ay yihiin xoolo tayo fiican, kana caafimaad qaba cudurrada xoolaha ku dhaca isla markaana buuxiyey shuruudihii caafimaadka xoolaha.

Dhanka kale waxa uu wasiirka beeraha iyo khayraadka xoolaha ee dalka Sucuudigu qiray in uu run yahay warka ay kooxda naqdiday qortay ee ah in wasiirka xoolaha ee Somalia uu hore ugu soo qoray warqad uu ku dalbanayo in aanu Sucuudigu xoolaha ka qaadan Maxjarka Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso, isaga oo ku andacooday in labadaa maxjar aanay hoos iman maamulkiisa, laakiin wasiirka Sucuudigu waxa uu sheegay in isla wasiirkani muddo kadib warqad labaad oo burinaysa tiisa hore oo uu ku ogolaanayo in Sucuudigu xoolaha ka qaadan karo Berbera iyo Boosaaso uu soo gaadhsiiyey wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga.

Wasiirka beeraha ee Sucuudigu waxa uu iftiimiyey in xidhiidh ay la sameeyeen shirkadda ka shaqaysiisa maxjarradan oo ah shirkad Khaliiji ah oo ka shaqaysa maamulka maxjarrada, iyo in sidoo kale ay xidhiidh la sameeyeen Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland, ayna ku ogaadeen in shirkaddan Khaliijiga ahi tahay mid sharciyad buuxda ka haysata maamullada ay ka hoos shaqaynayso.

Dr. Bilqaniim waxa uu qiray in aanu waxba ka qabin heshiis ku saabsan dhoofka xoolaha oo lala galo maamul kasta oo hore uga mid ahaan jiray dalkii la isku odhan jiray Somalia, maadaama oo ay xoolahani soo marayaan labadan Maxjar ee ay masuuliyaddooda shaqo leedahay shirkaddan khaliijiga ah oo uu sheegay in xattaa dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia aqoonsan tahay sida ku cad qoraalka dambe ee wasiirkeeda xoolaha.

WARKA 3AAD

G. Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Casuumad Sharafeed U Sameeyey Mudanayaasha Guurtida

Hargeysa (TVSLE)- Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Aqalka Odeyaasha Somaliland Md Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa maanta markii ugu horeysay casuumad qado sharafeed ah ugu sameeyey 82-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Guurtida Somaliland.

Casuumadan uu ku qaabiley Md Furre, mudanayaasha Guurtida ayey u jeedadu ahayd in ay isku saamaxaan Xildhibaanadu, ka dib markii in mudo ah-ba uu khilaafka dhex aloosnaa mudanayaasha Guurtida.

Xafladan qaddo sharafta ah oo ay xildhibaanadii ka soo qaybgalay wajiyadooda ka muuqatay farxad aad u balaadhan, waxaana ugu horeyn hadal ka soo jeediyey Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux wuxuuna yidhi “Maanta waxaan Golaha iskugu yeedhay, dadku waa kuwii innagu sheekaysanayey bal inay hada yidhaahdaan nimankii waxbay wadda cunayaan (Xubnaha Golaha Guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”

Sheekh Furre waxaa uu tilmaamay wixii lagu so oaf-jarayo khilaafka in ay kaga wada hadli doonaan Golahooda “Wixii wax isku sheeg ahna Golaheenii ayey-nu la tagi haddii Alle yidhaahdo. Barigii aynu xerta ahaan jirnay, waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku Gole ahi-ba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre

Md Saleebaan Maxamuud Aadan Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isna xaflada hadalo mahadnaq iyo guubaabo iskugu jirta ka soo jeediyey waxaana uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”

Sida oo kale waxaa iyaguna ka hadlay casuumada, Xaaji Cabdi Xuseen [Xaaji Cabdi-Waraabe] iyo Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md Cabdilaahi Ibrahim xirsi (Dhugad), Waxaana ay labadoodu-ba uga mahad-celiyeen casuumada Gudoomiye ku xigeen ka kowaad Md Furre, iyaga halkaas-na ka cadeeyey in maanta laga bilaabo la soo af-jaray khilaafkii Golaha, isla markaana ay midaysan yihiin xildhibaanadu, kuna wadda shaqayn doonaan sidaas.

WARKA 4AAD

Ciidanka Badda Somaliland Oo Badbaadiyay Markab Ay Ka Koox Budhcad Badeed Ahi Af-duubtay

Hargeisa(TVSLE)- Ciidanka Ilaallada Xeebaha Somaliland, ayaa salaadii hore ee saaka ka bad-baadiyey markab weyn koox budhcad badeed ah oo weerar ku soo qaaday.

Markab oo ahaa nooca xamuulka qaada, isla markaana lagu magacaabo MV Layla-S, ayaa marayey marka ay budh-cad badeedu weerartay gacanka Cadmeed. Waxaana weerarka ay ku soo qaadeen kooxdani iyaga oo adeegsanaya laba doonyood oo u dhamaystiran yahay hubkoodu. Isla markaana waxaa ay af-duub ku haysteen mudo laba saacadood ah.

Warkan oo ay faafisay wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post, waxaa la sheegay in ay markabka saarnaayeen 16 qof oo ka mid ah shaqaalihiisa, waxaa kale oo ay wakaaladu intaas ku dartay in markii markabka la af-duubay uu qaylo dhaan u soo dirtay ciidanka ilaallada xeebaha Somaliland, kuwaas oo isla markiiba soo gaadhay goobta af-duubka loogu haystay markabka, iyaga oo wata laba doonyoon oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran dooriga u dhaca. Waxaana ay ooda kaga qaadeen budhcadii rasaas.

Waxaana u suurto gashay ciidanka in ay la wareegaan amaanka markabka, waxaana ay u soo galbiyeen dekeda magaalada Berbera, oo uu hada ku xidhan yahay.
published on Friday, 5 February 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM





Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira, by Bashir Goth


MAQAAL Gol-dalooloyinka Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Birgitte Olsson Oo Caadeysatey Ka Beensheegida Siyaasada Sweden EE SL


Meedey Dumuqraadiyadii Xusbiga Kulmiye, Xilka Gudoomiye Ma Khasbashaa?


Shakiga Ethiopia, Xagu Ka Dashay Iyo Wax Ka Qabashadeeda.


Inauguration Of Somaliland President



Muqal Tv Mudaharaad ka dhacay Boorama Oo Kadhan Ah Xukumda Siilanyo



Muqaal Tv Kulankii Madaxda Africa Oo Lagag Doodayo Al-Shabab



Muuqal Tv Wareysi Madaxweyne Axmed Silaanyo Wakhtigii Ololaha.


MAQAAL-Taariikhda Yaan Laga Been Sheegin by Axmed Cali


Maqaal-"Haani Gun Bay Ka Tolantaa”"Cabdalla Xaaji Cusmaan.


Al-JaziraOo Soo Bandhigtey Jabhada SSC Oo Dagaal Kula Jirta Cidanka SL