news
all videos
Contact us
tvsle.com
Friday, 5 February 2010
Khudbadi Axmed Silanyo Oo Lasaluugey Khilafna Ka Dhex Abuurtey Kulmiye
Hargeysa (TVSLE)-Khudbadii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo doraad ka jeediyay Hotelka Maansoor ayay Saluugeen qaar badan oo ka mid ah Dadweynihii ka qayb galay oo sheegay inay ka filayeen inuu ku soo bandhigo hadalo iyo waxqabad ka culus intii hore Warbaahinta looga maqlay wakhtigii uu ku maqnaa Safarkii Maraykanka

Waxaanay xuseen inay la kulmeen wax ka duwan wixii ay filayeen tusaale ahaan iany dhagahoodu maqlaan inuu u sheego Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Maraykanka oo uu la kulmay marka laga reebo senetaradda Maraykanka ah oo iyaga warkooda hore loo hayay kuwaasoo iyaga laftoodu aan wali wax faahfaahin ah ka bixin waxa ay ka wadahadleen

Sidoo kale waxyaabaha ay ku dhaliileen waxa ka mid ahaa isagoo sheegay inuu halkaa kala kulmay uun in la dhagaysto ee aanay jirin wax toos ah oo uu cid kala hadlay wax ka qaban karta baahida Siyaasadeed ee dhinaca Ictiraaf raadinta iyo koobnaanshaha khudbadiisii oo loo dheg taagayay inay qaadato Saacado badan, waxaana is yeelan waayay buun-buunintii Xisbiga iyo wixii uu ka hadlay.

Taasina waxay muujisay isu soo bixi lagu soo dhaweeyay Siilaanyo inay ka fogayd taageero ee uu ahaa mid ka dhashay eedaymihii Xukuumadda ee Socdaalkii uu ku tagay Maraykanka iyo hadalkii Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee la xidhiidhay waraysigii C/lahi Yuusuf kaga hadlay wixii ay is yidhaahdeen Siilaanyo markii ay Itoobiya ku kulmeen oo noqday dacaayad ay Xisbiga UDUB Siyaasadeeyeen isla markaana kaga dhawaajiyeen inaanu Siilaanyo aaminsanayn Somaliland Dalkana aanu ku soo noqon Karin

Dhinaca kale waxa ay khudbadii Siilaanyo ka dhex abuurtay Xisbiga hogaankiisa sare kala shaki iyo cadho, ka hor intaanu soo gaadhin Hoolkii uu ka khudbadaynayay, iyadoo la sheegay sida aanu wararka ku helayno inuu Muuse Biixi Cabdi ka cadhooday mar ay Siilaanyo iyo Saylici wada faqeen oo ay gacmaha isa soo qabsadeen si shirka u tagaan taasoo ay muuse kaga soo dhaqaaqeen halkii ay fadhiyeen isla markiibana ay ku dhalisay inuu ka cadhoodo arrintaas

Waxaana dhacdadan markiiba ka ergeeyay qaar ka mida Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye kuwaasoo Muuse ku khasbay inuu khudbada dhagaysto iyagoo isku dayayay inaanu hadalku ka bixin. Dhacdadan ayaa la sheegay inay ku lug leedahay khilaaf hore oo hogaanka u dhaxeeyay oo aan xal laga gaadhin oo ku saabsanaa jagooyin ka banaanaaday Xisbiga oo la magacaabay maalmuhuu Siilaanyo Maraykanka u baxayay kaasoo la sheegay inuu Saylici oo ka mida Hogaanka Xisbigu isla markaana ah Musharaxa jagada Madaxweyne ku xigeenku ka cadhooday isaga iyo beeshiisuba markii jagooyinkaasi la magacaabayay oo mid ka mid ah ay Beeshiisu lahayd

Sidoo kale waxa ay warar u dhuun daloola Xisbiga Kulmiye sheegayaan inuu jiro khilaaf kale oo sii dhashay intii uu Siilaanyo ku maqnaa Maraykanka oo la xidhiidha guddiyo la sii magacaabay kuwaasoo ka dhex dhaliyay Xisbiga muran la xidhiidha kala riixasho dhinaca awooda ah iyo kooxaysi si loo kala bursado dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa Ololaha Doorashada. Taasoo haddii aan xal dhakhso ah loo helin sii wiiqaysa kalsoonida Xisbiga dhextaal


published on Friday, 5 February 2010
Source: waheen
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM





Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira, by Bashir Goth


MAQAAL Gol-dalooloyinka Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Birgitte Olsson Oo Caadeysatey Ka Beensheegida Siyaasada Sweden EE SL


Meedey Dumuqraadiyadii Xusbiga Kulmiye, Xilka Gudoomiye Ma Khasbashaa?


Shakiga Ethiopia, Xagu Ka Dashay Iyo Wax Ka Qabashadeeda.


Inauguration Of Somaliland President



Muqal Tv Mudaharaad ka dhacay Boorama Oo Kadhan Ah Xukumda Siilanyo



Muqaal Tv Kulankii Madaxda Africa Oo Lagag Doodayo Al-Shabab



Muuqal Tv Wareysi Madaxweyne Axmed Silaanyo Wakhtigii Ololaha.


MAQAAL-Taariikhda Yaan Laga Been Sheegin by Axmed Cali


Maqaal-"Haani Gun Bay Ka Tolantaa”"Cabdalla Xaaji Cusmaan.


Al-JaziraOo Soo Bandhigtey Jabhada SSC Oo Dagaal Kula Jirta Cidanka SL