tvsle.com
Tuesday, 20 November 2012
SIYAASADEEY KU NACAY ? QALINKII : CABDIFATAAH SH.NUUX JAAMAC ( SULDAAN
Maan ahayn diblumaasi, manaan ahayn siyaasi caana, hadana kamaan maqnayn madasha iyo goobaha siyaasada lagu falanqeeyo,waxaan isaga dhex jiri jiray bahwaynta saxaafada, oo aan ehel u ahaa,hamiga iyo hankaygana kamay maqnayn inaan siyaasi maalin maalmaha ka mid ah noqdo, waxaa jirrtay inay siyaasada somaliland ay socod barad ahayd oo ay maalinba jaran jaro soo maraysay oo ay soo dhaafaysay, waxay ahayd yididiilo iyo rajo fiican oo qof kastaa ku uursamaa, ku hanwaynaa,ku farahsanaa, kuna niyad samaa, dadka reer somaliland intooda badan waxaa lagu xantaa inay yihiin siyaasiyiin, haa waa wada siyaasiyiin waayo waxay qabtaan ama ku mashquulaan ma hayaan,sababtaasina waa ta keentay inay badankoodu ku xidhmaan saxaafada kala duwan oo badanka falanqaysa arimaha siyaasada,sidoo kale camal la醓nta baahsan ee wadanka ka jirta ayaa iyaduna sii libin laabtay siyaasada oo dhamaan intii ehelka u ahayd camal la醓nta ka dhigtay siyaasiyiin go醓nkooda bilaa VETO power ( go醓mo ma dhalays ah ) yahay.


dhakhtarada, goobaha maqaaxiyaha,basaska dhexdooda, saylada xoolaha, jaamacadaha, iskuulada , xabaalaha iyo goobaha ugu mudan ee la iskugu yimaado waxaa lagu qaadaa dhigaa waa siyaasada,waxaa lagu hufaa waa siyaasiyiinta,waxaa lagu xantaa inta ehelka u ah siyaasada,goobaha ugu badan ee go醓madaa ma dhalayska ah se mararka qaarkood saamaynta togan lihi ka soo baxaan waa goobaha qayilaada MARFASHYADA,iyagu waxay kaga duwan yihiin goobaha kale waa goobo ay soo fadhiistan inta badan raga lagu tuhmo inay mansabyo ka hayaan dawladaha, ama ka soo qabteen dawladahii kala horeeyay,si kastaba ha ahaatee anoo baryahaa ka dhex baxay falanqaynta iyo qiimaynta siyaasada,sina uga niyad jabsanaa qaabka wax loo wado,iyo dadka fagaaraha is keenay oo aan ahayn dadkaan is lahaa way imanayaan,sidoo kale qabyaaladii aan is lahaa waa la aasay ayaan arkay iyadoo saq dhexe gudaysa oo intay subeeciyad qurxoon xidhantahay siday u talaabsanayso badhtama suuqa aad yaabayso, malahayga mar waxaan is idhi malaha waa walaasheed oo lugaynaysa, se hadhkii cadaa ayaaban suuqa badhtankeeda ku arkay, waaba iyadoo ila saaran baska oo la hadal hayo ,waa oday duq ah oo leh hadii doorkan reer hebel la dooran waayo talayadu waa dagaal, yaabay isla habeeno yar ka bacdi ayaan sidii caadada iyo dhaqanka ii ahaan jirtay hoos fadhiistay TV hoostiisa si aan wararka u dhaga dhageeyo, waa rag siyaasiyiin ah, oo mansabyo kala duwan huwan, waa rag aqoon yahano ah oo aan u han waynaa, waa dad siyaasada ku soo dhex jiray labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay, iyo qaar kaloo ku cusuba, waxaan maqlayay dhagahaygu way qaadan waayeen,maan moodayn in wali colaad lagu han jabo,oo yay xoolo kaga daadanayaan ayaan hoosta iska idhi ? iyagaaba guryo qurxoon ku jiree,oo ka fara qabsadee, oo caruurahooda dibadaha u diree,hadana hoostaan shaydaanka ka naaray, waxaanan ka adkaysan waayay inaan bal digniin yar u digo inaanay dadkani dhag jalaq u siin tolaay yaa reer hebelaay, horay u eedeen, in badan oo ka horeeysayna waxba way ku qaadi waayeen, mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii siday, ragaan maanta arkayo inay waxaasi dadka ku beer laxawsanayaan waxaan leeyahay maanta may ahayn maalintaad colaad ka shaqayn lahaydeen ee aad ku hanjabi lahaydeen, waase maalin uu dalka iyo dadku hiil iyo hooba idiinka baahnaa, waa maalin loo baahnaa inaad so bandhigtaan waxaad haysaan iyo waxaad hiigsanaysaan, waa maalin dhalaanka iyo dhalinyaradu idiinka baahnaayeen hiil iyo hoo, waa maalin ay dumarku idiinka baahnaayeen inaad ku wacdidaan inay guryaha ka shaqeeyaan oo aad ragooda camal u abuurtaan, waa maalin la idinka filayay inaad u doodaan inta dulman iyo inta diifaysan, waa maalin la idiinka fadhiyay inaad taakulaysaan ardayda jaamacaha ku jira oo aad taban taabisaan, wa maalin la idiinka fadhiyay inaad wax garadka iyo aqoon yahanka u abuurtaan goobo ay dadka wax ku baraan,waa maalin la idiinka fadhiyay inaad abuurtan LIBARARY, goobto wax akhris, waa maalin la idiinka fadhiyay inaad jahliga dadka ka saartaan,waana maalin la idiinka fadhiyay inaad cuno qabatayn saartaan Qabyaalada iyo Qaadka iyo xumaan oo dhan, se maanta taasi maan filayn,wax kastoo dhacana dibaa laga seexaa, waxaan idinkula talin lahaa ISTAAQFURAYSTA.

Qalinkii: Abdifatah Sh.Nouh Jaamac (Suldaanka)
Email: Samriye99@Hotmail.Com.;
published on Tuesday, 20 November 2012
Headlines


Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube