tvsle.com
Tuesday, 20 November 2012
SHALEY IYO MAANTA , XISBIGA KULMIYE , WAA LAGA GUUREY W/Q suldaanka
Marka hore waan idin salaamey, dhamaanba bahda warbaahinta guud ahaan.
Ka dib hal yaabin ujeedada ciwaankeyga qoraalkan aan siiyey, anigoo idiin sheegi ujeedadiisa iyo waxaan uga dan leeyahey iyo waxa igu kalifay.
Akhrsitayaal ama qoryaal. Waxaan mudo la socdey, siyaasda somaliland ee gudaha amaba gaar ahaan ururda siyaasda ee cusub tan iyo maalintii loo ololeynaayey in la furo xisbiyo cusub, oo ku tartama garoonka siyaasada ee dadweynahu ka yahiin siidhi hayaal.
Hadaba, sidaad la socotaan dalka waxaa ka dhacey doorashooyin madaxtinimo ,sanadkii 2010, bishii june 26keedii, waxaan ku guuleystey ,xisbiga hada talada haya ee KULMIYE PARTY , akhriste waxaan kaa codsanyaa in aad qoraalkeyga qiimeyso sax iyo qaladba oo aad u dhugato.
Maalintaasi 26-2010, dabcan guusha kulmiye waxey soo martey xaalado adag iyo waqti dheer ooy soo martey balse lama odhankaro waxaa lagu gaadhey so howl yar.
Hadaba hogaamiyaha xisbiga kulmiye party ee waqtigaasi wax uu ahaa madxweynaha jamhrriyada somaliland ee hada waa axmed.m.m. siilaanyo , madaxweyne siilaanyo waxaa soo marey waayo badan iyo xiliyo adag runtii ooy hareero socdaan colaado siyaasadeed iyo cadaawad siyaasadeed, oo ku ka soo dabaashey illaaheyn ku guuleeyey hadafkiisii uu u soo marey wadada qodxaha badan.
Sidaasi oo kale dabcan madxweyne axmed maxamuud siilaanyo , waxa uu lahaa saaxiiibo siyaasadeed oo iyaga laftoodu lahaa damaca ama hungriga kursigaasi, madxweynaha laftiisuna ogaa balse uu ka hiiliyey waqtiga iyo nasiibku , ninba balan la qaadey siilaanyo ragii saxibadii ninba hankiisa meel gaadh, nin meel fog ama wax weyn arkaayey iyo mid meel kaleba wax ka eegey ragii kala bax.
Dabcan sidaas la socotaan madxweyne siilaanyo wax uu gudoomiyanidii xisbigaasi ku wareejiyey si ay tahey saaxibkii muuse biixi cabdi ilaa hadana ma ogin arinkaasi in uu madxweynahu ka dhabeyn iyo in kale anigu dareen badana waan aaminsaney waaney rumoobi kartaa waaney beenoomi kartaa lakiin filimaayo in uu madxweynahu balantaasi ka bixi doonyo, isagoo balamo kaleba fulieyey, balse xitaa haduu gudoomiye muuse biixi noqdo murashax madaxweyne mustaqbalka wali waa waxaan hubaal oo turjumi karin ilaa la arko codka dadweynaha iyo cidey doortaanba waa wax maqan.
Idinku dheereynmaayo ee aan u daadago ujeedada maqaalka, markii dad badani maqleen muuse biixi ayaa gudoomiye noqdey waxaa yeedhey dhawaaq dheer iyo ku daysho badan oo ragbadin ku tooseen in ay nqodaan gudoomiyaal xisbi, sida gudoomiyaha barlamanka, sida kuwa kale oo ururo dalbadey in la furo, waa hagaag oo ma xuma in ummadu isku dayato balse dadka qaar maxey ku sheekeeyeen amba laga qorey, madaxdhaqameedyo iyo siyaasiin, dhalinyaro , laga bilaabo maalintaasi uu kulmiye la wareegey gudoomiye muuse biixi , maxaan saxaafda ku arkey ilaa maanta maxeyse ujeedada dadkaasi tahey? ilayn wali muuse biix xitaa ma odhankarno waa urashax madxweyne oo wali goaankaasi muu helin mana ogin in uu heli iyo in kale, suaalteyda wax weeyey dadka qaarkood miyey wax sugaan amba hubsadaan, sida ay aniga ila tahey.
Hadalda , taariikhda dad badan ilaa maalintaasi lagu soo celcelyaa waa sidan ,markaad eegto mala odhankaraa waxa meesha ku jirta , quudhi waaya, ama colaad qabiil, amaba ,xasidnimo qabiil ku saleysan? akhriste ila eeg hadaladan aan diiwaan galiyeye.
1-GUDOOMIYE KU MEEL GAADH AH.
GEED AYAA LAGAG TAGEY. KULMIYE WAA LAGA GUUREY, ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADANMAAYO AYUU BARI YIDHI,
WAA DAGAAL OOGE, WAXBA MA YAQAANO, WAA ASKARI, WAA JAAHIL , REERUU CAAYEY, NINBUU SODOH KU SHEEGEY,
SIDII INA CABDIL QAADIR AYAA XISBIGA LAGA ERYAYAA.
Idinkoo iga raaliya ma soo koobi karo hadalada aan fiicneyn ee qof lala daba galaa amba dadnimadiisa la is yidhaado wax ugu dhima.
waxaan leeyahey, dadkaasi goormaad qaldantahiin shaley iyo maanta?.
By: mohamed waceys.suldaanka
published on Tuesday, 20 November 2012
Headlines


Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube