news
all videos
Contact us
tvsle.com
Saturday, 6 February 2010
YAA YIDHI DONALD PAYNE waa Cadowga Somaliland?by Dr. Axmed Xusen Ciise
FAALADA TODOBADKA

Waa xildhibaankii ugu horeeyey ee yimaada Somaliland, Ilaa 1988-kii wuxuu la shaqayn jiray reer Somaliland. “We will never turn our back on Somaliland” Feb 3, 2010, hadal ka yimid nin la shaqeeya Donald Payne.

Ha laga dhexsaaro siyaasadda hoose ee mucaarid iyo muxaafid. Qore: Dr. Axmed Xuseen Ciise

(Hargeisa)- Waxa beryahan dambe noqday bartilmaameed xildhibaanka Aqalka Wakiilada (House of Representatives) ee Maraykanka ee la yidhaado Donald Payne. Donald Payne oo ka mid ah Xisbiga Dimuqraadka ilaa iyo 1988 laga soo doorto gobolka New Jersey.


Waa ninkii u horeeyey ee madow ee laga soo dooorto Gobolkaas.Wuxuu intaa uu xildhibaanka ahaa ka mid ahaa Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda ee Wakiilada khaas ahaan gudideeda Arrimaha Afrika iyo Caafimaadka Aduunka oo imika isagu ka yahay Guddoomiye. Waxa dawaan loo doortay Guddoomiyaha Guddida Maamulka Congressional Black Caucus Foundation. Wuxuu ka mid yahay Guddida Maamul ee National Endowment for Democracy (NED) oo maalgelisa 13 urur oo Somaliland ka shaqeeya.


Ilaa iyo intii SNMtu dagaalka ku jirtay intaydii joogtay Maraykan waxaanu xidhiidh toos ah la lahaan jirnay Guddidaa Afrika qaabilsan…intuu isagu joogay iyo intii xildhibaanadii ka horeeyey sida Howard Wolpe ninkii la odhan jiray oo aad noogu wanaagsanaa. Guddidaa la’aanteed Siyad Barre lacagta markii u dambaysay lagama gooyeen, ragii ku xidhnaan jiray labaatan jiro iyo Laanta Buur sida kooxdii UFFO, Ismaciil Cali Abokor, Cumar Arteh Qalib, Suleiman Nuux, Cabdi Ismaaciil Duse way adkaan lahayd in laga soo nabadgelyo xukunkii dilka iyo xadhiga isugu jiray.


Taasi waa mid aan goobjoog u ahaa oonan cid kale markhaati ka dhiganayn. Waxaan xusuustaa maalintii kooxdii UFFO la soo daayey ee LIISKII la soo daynayey loo soo diray Guddidaa ee AANU ka waynay nin dhakhtar ahaa oo la odhan jiray Dr. Sulub oo ilsa markiiba la waydiiyey xukuumaddii Siyad Barre waxa ninkaa dhakhtarka ku dhacay. Waxaanan markaa annagu ka warqabin in isaga hore loo sii daayey.


Hadaba hadal iyo dhamaantii Guddidaasi waa Guddi muhiim ah in badanna ka warqabtay qadiyada Somaliland.


1992-kii markii Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee u horeeyey ee JSL booqday Washington, Donald Payne wuxuu ka mid ah xildhibaanadii casho sharafeedkii aanu u samaynay ka soo qaybgalay. Dadkii habeenkaa joogay waxa ka mid ahaa Jawaahir iyo Fowzia Yusuf Haji Yusuf Adan oo abaabulka cashada qayb libaax ka qaatay.


Shalay waxaan la xidhiidhay nin gacan yare u ah Donald Payne. Waxaan weydiiyey goortay la coloobeen Somaliland. Wuxuu ii sheegay in ay weli hayaan E-mailadii cayda iyo ceebaynta ahaa ee kuwa cadowga Somaliland u ahi ay u soo direen xafiiska Donald Payne markii ay ka soo baxday Congresska Maraykanka warbixin si toos ah uga hadlayaysay Somaliland. Waxaynay kuba haysteen sideedba magaca Somaliland u isticmaashaan, waabad icitiraafteen.


Sanadkii 1998 Donald Payne iyo xildhibaan Tom Campell (California, Xisbiga Jumhuuriga) oo markaa isagu guddoomiye ka ahaa Guddida Afrika oo ay la socdaan ilaa 6 shaqaale ahi waxay booqasho rasmiya ku yimaadeen JSL caasamida Hargeysa. Wefdigaa waan la socday. Waxa xusuus mudan in 50 ka mid ah XILDHIBAANADA GOLAHA WAKIILADA IYO GUURTIDA oo Sheikh Ibrahim horkacayaa ay kaga horyimaadeen Airport-ka. Markay diyaaraddu soo cagadhigatay wuxuu i waydiiyey Mr. Campell “ma wefti culus baa la sugayaa?” markuu arkay odayadii safka ku jiray, waxaanan ugu jawaabay HAA, idinka ayaa la idin sugayaa. Madaxdii garoonka diyaaradda ku soo dhoweyey Weftiga waxa ka mid ahaa hadday xusuustaydu sax tahay Marxuum Fagadhe, Mudane Cabdillahi Moxamed Ducaale iyo Mudane Silaanyo.


Markaan shalay la soo hadalqaaday safarkaa wakhtigaa wuxuu ninkaa la shaqeeye Donald Payne iigu jawaabay…”The Somaliland trip, wow” yacni wax caajib ah ayey ahayd. Markii ay Djibouti ku noqdeen waxay casuumad gaar ah u sameeyeen Safirka Fransiska iyo General-ka ciidamada oo ay uga warameen waxay Somaliland ku soo arkeen. Donald Payne maanta isaga ayaa GUDDIDAA ka madaxa halka TOM CAMPELL uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha GOBOLKA Maraykakanka ugu wayn uguna lacag badan ee California.


Sanadkii 2002, Hayada wadaniga ee IPRT ee aan maamulo ayaa magaalada Washington ku qabanqaabisay bandhig lagu soo bandhigayo Somaliland. Bandhigaa oo salkiisu ahaa buug sawirro ah oo ay IPRT daabacday. Waxaanu doonayaynay in aanu fursad u helno inaanu Somaliland u soo bandhigno siyaasiyiinta Maraykanka. Waxaanu la gaashannay isla Donald Payne oo noo suurageliyey inaanu bandhigaa ka dhigno Congresska maryakanka gudaheeda aqalka loo yaqaan Cannon House.


Bandhigaa oo qayb libaax ay ka qaateen jaaliyadda joogta Washington DC sida Ahmed Madhi Hussein, Qaaniya Ismaaciil Adan, Hibaaq Basbaas, Rashiid Gaaruf, Moxamed Xuseen Ciise, Moxamed Xasan iyo in kale oo badan waxay ahayd meel si fiican la isugu arkay. Waxa isugu yimid dad ka socda qaybaha Washington eek ala duwan…waayo casuumadda waxa toos u fidiyey Congressman Donald Payne oo isagu isku saxeexay. Qayb ka mid warqadii halkan hoos baan ku soo daabacnay.


Hadaba maxaa keenay imika inuu noqdo Donald Payne nin mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland ku dhex lumay? Midna yidhaa waa cadow, midna la kulmo? Waxa dhab ah in xurgufto ka timid markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland marna oggolaaday inuu ka qaybgalo shir uu soo abaabulay, haddana ka noqday saacadihii u dambeeyey, Donald Payne-na ka xanaaqay. Shirkaa goobjoog baan ka ahaa wax Somaliland xumaynayna laguma hayn. Xurgufta noocaas ah si diblomaasiyadeed baa lagu dhameeyaa.

Waxase iyana meesha soo gashay in mucaaridku is yidhaado xurguftaa xukuumadda iyo ninkaa soo dhexgashay ka faaiidaysta….xildhibaankuna noqday nin la isku tuur tuuro.


Rayiga maanta uu ka qabo Somaliland siday doonto ha ahaato, waase nin culus, mansab muhiim ah ku fadhiya. Waa nin African-American ah oo u dhow madaxweynaha madow ee Obama iyo xoghayahiisa Afrika u qaabilsan oo isna ah African-American.


Weli waxaanse filayaa inaanay wax wayni iska bedelen, waayo markaan xafiiskiisa la xidhiidhay shalay waxay ii sheegeen inaanay Somaliland cidla kaga tageen “We will never turn our back on Somaliland” ayey ahayd siday hadalka u dhigeen.


Gunaanad: Marna siyaasad fiican maaha in madaxda dalalka kale si toos ah jaraaiidka iyo warbaahinta lagaga hadlo. Khaas ahaan Donald Payne inagama gayo xumayn habayaraatee.


published on Saturday, 6 February 2010
Source: tvsle
Headlines


Sept 2010 Wareysi Salmon Tomay Siyaasda Wabiga NIIL Ee Geska Africa





Muqaal Somaliland National Anthem



Ogs29MuqalTV Wareysi Amir Sidoo kale warar Sland Iyo Barnamuj Ramadan



22 Ogst-2010 Muuqaal Tv Axmed Silaanyo Oo Kawaramaya Tariikhdii SNM





Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira, by Bashir Goth


MAQAAL Gol-dalooloyinka Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Birgitte Olsson Oo Caadeysatey Ka Beensheegida Siyaasada Sweden EE SL


Meedey Dumuqraadiyadii Xusbiga Kulmiye, Xilka Gudoomiye Ma Khasbashaa?


Shakiga Ethiopia, Xagu Ka Dashay Iyo Wax Ka Qabashadeeda.


Inauguration Of Somaliland President



Muqal Tv Mudaharaad ka dhacay Boorama Oo Kadhan Ah Xukumda Siilanyo



Muqaal Tv Kulankii Madaxda Africa Oo Lagag Doodayo Al-Shabab



Muuqal Tv Wareysi Madaxweyne Axmed Silaanyo Wakhtigii Ololaha.


MAQAAL-Taariikhda Yaan Laga Been Sheegin by Axmed Cali


Maqaal-"Haani Gun Bay Ka Tolantaa”"Cabdalla Xaaji Cusmaan.


Al-JaziraOo Soo Bandhigtey Jabhada SSC Oo Dagaal Kula Jirta Cidanka SL