tvsle.com
Wednesday, 5 December 2012
UMMADDA Oo Ka Hadlay Doorashadii Deegaanka Baaqnma U Diray Madaxweynah
Hargeysa (TVSLE)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee urur siyaasadeedka Umadda Qaasim Sh. Ibraahim Tubeec ayaa sheegay in doorashadii Somaliland ka dhacday todobaadkii hore ahayd doorashadii ugu liidatay ee dalka ka dhacda.

Guddoomiye ku xigeenka oo shalay shir jaraaid ku qabtay xafiiska ururku ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa madaxweynaha ugu baaqay inaanu noqon qof kursi jaceyl u dumiya dalka.

Qaasim Sh. Ibraahim guddoomiye ku xigeenka koowaad oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi aAnagu hadaanu Ururka Umadda nahay marna ma cabanayno waxaanu ku rajo weynahay inaanu noqono ururada soo baxa, hase ahaatee waajib qaran bay nagu tahay wixii dhacay inaanu tilmaano, doorashadii dhacday waxaanu u aragnaa inaanay doorasho ahayn, haddii aanu doorasho ku tilmaanana waxaanu u aragnaa inay tahay doorashadii ugu liidatay ee dalka soo marta.

Sharcigu dawladduu ka baqay dawladdu sharciga kama baqin, sharci ilaaliyihii Booliska ahaa haddii uu sanduuqa Kulmiye ilaaliyo oo aanu sharciga ilaalin waxa aynu odhanaynaa sharcigii ayaa baqay.

Guddoomiye ku xigeenka oo madaxweynaha baaq u diray ayaa waxa uu yidhi Madaxweyne dalkan ragii u soo dagaalamay baad ka mid ahayd, dhibaatadii uu ka soo gudbayna waad ogayd, madaxweyne ha inagu celinin, way ka xumaan reer reer baa imika la iskugu xidhay, madaxweyne waxaanu ku leenahay ka daa sidana ku socon maysee ka daa, natiijo xumay ku dambayne ka daa, kursi jaceylka iska daa oo dalka cadaalad ku xukun.

Qaasim Sh. Ibraahim ayaa shacabka ugu baaqay inay nabada ilaaliyaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya Shacabka Somaliland-na waxaan u sheegayaa wuu dhacay khaladku, yaanay abuurin nabadgelyadeena iyo wadankeena inay wax u dhinto.
TVSLE
published on Wednesday, 5 December 2012
Headlines


Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube