tvsle.com
Thursday, 6 December 2012
Geyigaan ilaashaa, dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay: "Waa lag
Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Beryahaa maynu kulmin...dee maba timaadid maqaaxideenii. Anigiyo Danyartii docdaad nagu ogayd baanu darxumada la jiifnaa. Waar nin yahaw xaggeebaad ka dhacday? Dee muddo dheer kumaan arag.

Geeddi: Waar waxaa iska daayoo, in lagu shubtay sow maad maqal?
Guuleed: Maxaa lagu shubtay?

Geeddi: Waar dhegweynbaad tahaye, waan ku arkaayoo weli waxa aad taagantahay hay hay Kulmiyoow hay. Waar dunidii way isbeddeshay. Mujaahid cusub oo u soo nastay siyaasadda ayaanu is lahayn ku bedela, odayga. Nasiibdarro, sawtan wax la isdaba mariyey. Sideen ku aqbalaa, maba dhici karto, waar taa dagaal baan ka xigaaye wax kale ii sheeg. In lagu shubtay qof walba waa ogyahaye.
Guuleed: Waar heedhe miyaad waalatay mise waad soo wadataa? Dee bal fadhiiso oo shaahee, maxaa adiga kaa galay qof la dooranayo, tii horaan ku ogaa oo Daahir Rayaale ayaad ridaysay, imminkana ma Siilaanyaad ridaysaa. Wax dhiska miyaanaad aqoon? Ma wax duminta ayuun baad baratay.?
Geeddi: Waar xataa Jabuuti baad ka yaabtay ku shubashada oo ka aamusi kari weyday waxa meesha ka dhacay. Waar bal koob shaaha ii dhiib...yar-koow sonkorta ku soo badi.

Guuleed: Jabuuti, may iyadu isa saxdo, intay dalkan hore u maray wax ka sheegayso. Ma jabuuti baad dhegaysataa. Waxa aan maqlayey qaar lahaa beelaha darafyada ayaa laga eexday. Waar Caalamkii oo dhammi wuu qiray doorashadii ka dhacday Somaliland in ay ahayd mid xor iyo xalaal u dhacday. Waxaanaad arag caddaankii warsaxaafadeedka qabtay oo ku celcelinaya ...hor iyo halaal bay u dhacday.

Guuleed: Waxa aan se ku weydiiyey guddoomiyihii SNM waa la jeclaaye, miyuu yara fududaaday, yaa is gaadhay ba goorta uu dadkii uu dejin lahaa kicinayo. Dadku way jecelyihiin mujaahid Xasan Ciise e yaanuu sharafta iyo shaalka saaran iska tuurin.
Geeddi: Waar waxa aan ku idhi, ninyahaw gar eexaad kugumaan aqoon. Ninka indhihiisii oo shan ah la dhacay ee sanaaduuqdii bariga oo dhan inta uu Siilaanyo xammaashay ku soo shubay ee yidhi waa wada Kulmiye. Ma taasaad yeeli lahayd? Xasan waa nin dulqaad badan, tanise mid la yeeli karo maaha.

Guuleed: Siilaanyo siddeetan cod baa lagaga helay madaxweynenimadii oo uu samray----ma ninkaasaa cid dhacaya. Ta kale dee xeer loo maro dacwadda ayaa jirta e ma hayaay ka soo kacaay baa dadka lala dhex istaagaa. Waar yeynaan huga iska qaadin. Meel kasta ammaan baa inoo taalla, ee yeynaan innagu lugaha iska toogan. Waxa aan ku dihi gaaladii baa leh HOR iyo HALAAL ...HOR iyo HALAAL Xor iyo Xalaal bay u dhacday doorashadii ka dhacday Somaliland 28kii bisha nofembar 2012ka.

Geeddi: Ururadii oo dhammi way yaaban yihiin oo khiyaamadan ay xukuumaddu samaynayso ayaa lala wada yaabbanyahay. Ma Xaqsoor oo qudhaad moodaysaa, Dalsan mee, Ummaddii oo Gabboose uu in badan helay baa lagaga shubtay. Waxa la wada leeyahay dawladdii Daahir yaa noo soo celiya.

Guuleed: Hadduu Daahir soo noqdo, shaqadooda ayuu yaqaane ma sidan Siilaanyuu nabadda iyo xaqa iyo xalaasha uu ku adkaysan lahaa. Gabboose mar labaad buu jeelka dhigi lahaa. Xisbina cidiba may furateen. Miyaad illawday Geeddi---xisbiyadu xaaraan bay ahaayeen in la furto. Sidaasaa lagu wada aamusay...kii hadlana ilaa ...........MANDHEERA.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf
published on Thursday, 6 December 2012
Headlines


Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube