tvsle.com
Thursday, 6 December 2012
XILDHIBAAN XOOG: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golihiisa Wasiiradu Way Taa
Hargeysa (tvsle) Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa sheegay inaanay jirin cid ka hor istaagi karta wasiirka arrimaha dibada Somalia marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan inay timaado caasimada dalka ee Hargeysa, waxaanu tilmaamay in xeerkii dabrayey xubnaha Somaliland ee ka qaybgala maamulada Somalia ay laaleen golayaasha Baarlamaanku, waxaanu intaa ku daray inaanu jirin wax xidhiidh ah oo isaga iyo wasiirka arrimaha dibada Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan dhexmaray.

Md Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu ka hadlay sababaha uu ururada cusub ee ku tartamay doorashada golayaasha deegaanka uu midkoodna ugu biiri waayey, maadaama uu yahay xildhibaanka kaliya ee xildhibaanadoodii xisbigii Udub ee laga soo doortay ee burburay ee ilaa hada aan ku biirin urur kale iyo arrimo kale oo la xidhiidha xil safiirnimo oo la sheegay in looga magacaabi doono dalka Somalia. Md Cabdiraxmaan Xoog waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi kooban oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, kaas oo ugu horayn aanu suaal ka waydiinay xidhiidho la sheegay inay dhex mareen wasiirka arrimaha dibada Somalia, oo la sheegay inay isla soo hadal qaadeen aragti ku saabsan in Safiirka Somalia ee dalka UK looga magacaabi doono, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Arrinkaasi waxba kama jiraan, markii Foosiyi ururka NDP ay furatay Hargeysa waan ka maqnaa waxaanan ku maqnaa London inantaa cadaalad darro ayaa lagu sameeyay, hase yeeshee waa inan reer Somaliland ah wax xidhiidh ah oo ay ila soo samaysayna ma jirto, xilkaasi Raysalwasaare ku xigeenka rag ayaa hore usoo qabtay oo waxa ka mid ahaa Sifir oo maantana wakiil Somaliland uga ah dalka Kenya, jagada wasiirka arrimaha dibada ee ay imika hayso marwo Foosiyina waxaa hore u qabtay Maxamed Cabdillaahi Oomaar, Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Carab Ciise, isla markaana Raiisal wasaare ku xigeen ahaa, sidii ay ragaasi horeba xilalkaasi u qabteen dalkana iska iman jireen ayuun bay xilkaasi u qabatay, xeerkii xakamaynayay xubnaha reer Somaliland ee Somalia xilal ka qabtana waa tii golayaasha Baarlamaanku ay laaleen, arrinkaasina waa mid curad ahe mid uguba maaha, anigana wax xidhiidha ilamay soo samaynin.

Gudoomiyaha arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha wakiilada Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray Horta anigu waxaan ka mid ahay golaha wakiilada Somaliland, waana arrin dacaayad ah oo aan sal iyo raad toona lahayn xil la iiga magacaabayo Safiirka Somalia ee dalka UK ma jiro. Md Cabdiraxmaan Xoog mar aanu waydiinay sida uu sheegay wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Geel-jirre ee uu yidhi, marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ma banaana inay dalka Somaliland timaado, waxa uu yidhi Maxay u iman wayday Foosiyi dalka Sifir-ba wuu yimide oo waliba safiir loo magacaabaye, bal cida u diidaysa inay Hargeysa timaado Foosiyi ee ka celin karta aanu aragno, waana reer Hargeysa cida ka celin karaysa magaaladii ay ku dhalatay ha soo baxdo waa sune la jeexaye madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiiradiisu waxay taageereen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud markii xilkaasi loo doortay. Hase yeeshee waxa laga yaaban yahay maadaama ay taageereen madaxweynaha Somalia, sababta ay uga saseen wasiirka arrimaha dibada ee uu magacaabay, sidaa darteed 58-ka xildhibaan ee reer Somaliland ahina ay ku jiraan Baarlamaanka Somalia, waxaanu garan laanahay sababta ay uga qaylinayaan wasiir Foosiya Xildhibaan C/raxmaan Xoog mar aanu waydiinay maadaama uu yahay xildhibaanka kaliya ee Udub ee aan ku biirin urur kale wararka sheegaya inuu Wadani ku ku biirayo waxa ka jira, waxa uu yidhi Horta wadani wax dhaamaa-ba ma jiraan saddexda xisbi ee imika soo baxay, Kulmiyena iyagaaba hore mucaarid iigu ahaa, Ucidna xisbi iska Junior, laakiinse xisbiga hada muuqdaa waa xisbiga wadani, ilaa hadase maan goaansan halka aan ku biirayo, gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro-na waa siyaasi qunyar socod ah, laakiinse waxaan kula dardaarmayaa xisbiga wadani markuu soo baxo inuu noqdo xisbi mucaarid ah oo adag.
tvsle
published on Thursday, 6 December 2012
Headlines


Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube