Hargeysa (TVSLE) – Hanti-dhowrka guud ee qaranka iyo xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa isku garabsanaya baadhitaan Musuqmaasuq oo lagu tuhmayo inuu ka jiro Wakaaladda korontadda dawladda.
Wakaaladda Korontadda dawladda oo dhowr todobaad ka hor Hanti-dhowrka Qaranku ka bilaabay baadhitaan, ka dib markii sida la sheegay Wasiirka hawlaha guud oo dhawaan la hoos geeyay Wakaaladdu uu dalbaday in la baadho isla-markaana hanti-dhowrku xabsiga u taxaabay khasnajigii guud ee Wakaaladda oo markii dambe damiin lagu soo daayay, ayaa ilaa mudadaasi waxa ka socda baadhitaan dheer oo lagu ogaanayo tuhuno Musuqmaasuq oo lagu xidhiidhinayo hawl-wadeenada Wakaaladda, gaar ahaan kuwa qaabilsan qabashada iyo maamulida kharashka Wakaalada Laydhku soo saarto.
Hanti-dhowrka oo muddo baadhitaan ku hayey Wakaaladda ayaa la sheegay inuu fahmi waayay nidaamka xisabeed ee Wakaaladdu u shaqeyso isla-markaana xisaabaadka guud ka dalbaday inuu la eego bal hanaanka dakhliga Wakaaladdu soo saarto ay u maamulaan saraakiisha Wakaaladdu.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in xisaabaadka guud markii uu isaguna hawsha baadhitaan ka bilaabay Wakaaladda uu amar ku bixiyay in la xidho xisaabaadka (Accounts) Wakaaladu ku lahayd baanka dhexe, laantiisa degmadda Axmed Dhagax isla-markaana waxa uu buugaag cusub u qaybiyey shaqaalaha qabta lacagta ka soo xeroota laydhka si ay ugu qoraan loona ogaan karo halka ay marto lacag la sheegay inay dhinaanaysay ilaa markii hanti-dhowrku baadhitaanka ka bilaabay, ahaydna sababta xisaabaadka guud loo hawl-galiyey.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Waaheen u sheegay in xisaabaadka guud oo gacan siinaya hanti-dhowrku uu bedalay guud ahaan hanaankii ay socotay xisaabaadka Wakaalada korontada dawladdu, iyadda oo la tilmaamay in qofka laydhka laga jaro aan dib loogu celin ilaa oo uu soo goosto warqad la yidhaahdo “Soo Celin” oo hanti-dhowrku hubiyo.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in baadhitaanka musuqmaasuq ee labadan hay’addood iska kaashanayaan uu warwar galiyey shaqaale hoosaadka Wakaaladda iyo Farsamo yaqaanadda ka shaqeeya mishiinada laydhka, iyadda oo la tilmaamay inay ka fikirayaan in mushaharkooda ay bishan heli doonaan iyo in kale.
Dhanka kale, maamulka Wakaaladda Korontadda ayaa la sheegay inay baadhitaankan caqabad kala kulmeen isla-markaana aanay wax kharash ah kala bixi Karin baanka dhexe oo looga sameeyay laba Akown oo cusub.