Caaqil Bulbul Oo Xukuumada Iyo Kulmiye Ku Eedeeyay Ku Shubasho
Hargaysa (TVSLE) – Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe oo ka mid Ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa saluug wayn ka muujiyay sidii ay u dhacday doorashaddii golayaasha deegaanka ee 28,11,2012 ka qabsoontay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.
Caaqil Bulbul Cabdi Madoobe oo waraysi gaara siiyay Idaacadda Caroog ayuu geesta kale xukuumadda ku dhaliilay inay si aan gabasho lahayn u boobtay codadkii doorashada dawladaha hoose waxaanu intaa ku daray inay taasi tahay mid iska cadadayd “Dalka waxa ka dhacday doorasho xor ah oo wax dhibaato ahi kama dhicin taana waa la filayay, laakiin midhkii taa raaci lahaa ee ahayd xalaal ayaa meesha ka baxday oo waxa ku lamaanaa xaaraan, waana ta keentay in dalkii muran doorasho uu gallo oo ay lunto kalsoonidii lagu tartamay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanad arkaysay inaan boobka iyo ku shubashada laba qarsanayn oo askarta hortooda ayaa la iskaga maydhayay oo lagu noqonayay. markaa waxaan leeyahay dadka waad aragtaan oo KULMIYE wuu boobay laakiin aynu nabada ilaashano bariba fartii way taagantee”
Caaqil bulbul waxa uu Kulmiye ku eedeeyay ku shubasho laxaadle “Gudoomiyaha kulmiye oo la waraystay intaan doorashadu dhicin ayaa yidhi dalka meel kasta kaalinta koowaad ayaanu kaga soo baxaynaa markaa way iska cadayd in tani ay dhacayso”
Caaqilka oo ka mida madaxdhaqameedka Somaliland iyo hal abuurka dalka ayaa wuxuu dadwaynaha kula dardaarmay inay nabad gelyada ilaashadaan isla markaana ay sugaan inta doorashada dambe la gaadhayo, TVSLE