tvsle.com
Thursday, 6 December 2012
Shir-guddoonka Wakiiladda Oo Ka Qaybgalaya Xuska Maalinta Qoomiyadaha
Hargeysa (TVSLE) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Koowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta u baxay dalka Itoobiya oo ay marti-qaad ka heleen baarlamaankiisa.

Shir-guddoonka golaha Wakiiladda oo Marti-qaad rasmi ah ka helay dhigooda dalka Itoobiya ayaa waxay ka qayb-galayaan xuska Maalinta qoomiyadaha dalka Itoobiya oo sanad walba hal mar la qabto.

Xuska Maalinta qoomiyaddaha dalka Itoobiya oo sanadba lagu qabto Gobol ka mid ah, ayaa sanadkan lagu qabanayaa kililka Axmaaradda Itoobiya, halkaasi oo guud ahaan qoomiyadaha dalkaasi mid walba ku soo bandhigi doonaa ciyaaraha hindaha iyo dhaqanka ee ay sida gaarka ah u leeyihiin.

Xuskan oo si heer sare ah loo soo agaasimo ayaa waxa kale oo ka qayb-galaya Hogaamiyayaasha baarlamaanada dalalka Afrika ee saaxiibka la ah baarlamaanka dalka Itoobiya.

Xuskan sanadlaha ah ee qoomiyaha dalka Itoobiya, ayaa Madaxda baarlamaanada Afrika oo Somaliland ku jirtaa ka jeedin doonaan khudbado ku aadan xuskan iyo weliba sida ay u arkaan xusaska noocan ah oo dawladda Itoobiya uga dan leedahay inay isbartaan qoomiyaha kala duwan ee dalkaasi ku wadda nool.

Shir-guddoonka golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta u ambo-baxaya dhanka Itoobiya ayaa waxay halkaasi ku maqnaan doonaan muddo afar maalmood ah oo intooda badan xuskani socon doono.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa inta ay halkaasi ku sugan yihiin waxay kulamo la yeelan doonaan dhigooda dalka Itoobiya, si ay ugu soo bandhigaan qaababka uu u shaqeeyo baarlamaanka Somaliland.

Xuskan sanadlaha ah ayaanay ahayn markii koowaad ee lagu soo casuumo baarlamaanka Somaliland, balse sanad kasta waxay kaga qayb-galaan Casuumad rasmi ah.
TVSLE
published on Thursday, 6 December 2012
Headlines


Heeta Somaliland fananadii Caanka Ahayd Kaltun Bacado



Muuqal Tv Barnamujka Somaliland-maanta Warbixin Waxqabdka Xukumda SL



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube