Musharxiintii KULMIYE Oo isbigooda Eedayn Iyo Dhaleecayn U Jeediyey
Hargeysa(TVSLE)-Musharax Mawliid Nuur Sidci oo ka mid ahaa Musharixiintii Xisbiga Kulmiye uga sharaxnaa Caasimada Hargeysa Xisbiga Kulmiye iyo qaar ka mida Madaxdhaqameedyada iyo Wax-garadka Gobolka Maroodi-jeex oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Caasimada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in si badheedha loo reebay, isla markaana hogaanka Xisbiga Kulmiye ee uu ka sharaxnaa iyo komishanka Doorashooyinku codadkiisii ku soo saareen Musharixiin kale.
Mawliid Nuur Sidci oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “sida aynu Ognahay 28 Bishan waatii Doorashadu dalka ka dhacday, doorashadaasi anigu waxaan ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye, xisbigii Kulmiye ee aan ka sharaxnaa wuu guulaystay,aniguna waan guulaystay , laakiinse waxaa la yaab noqotay anigoo doorashadii ku guulaystay oo tirada codadka aan haystaa tiradii lagu soo baxayay ka badanyihiin, in Codadkaygii lagu shubtay oo Hogaanka xisbiga Kulmiye ku soo saaray Musharixiin kale, taasoo aan u arko Cadaalad daro qaawan oo codadkaygii lagu soo saaray dad kale oo aan waxba keensan, hadaba iyadoo Cadaalad Daradaasi nagu dhacday, waxaanu taageersanahay in dib loogu noqdo tirinta codadka doorashada ee Hargeysa oo wax laga qabto Cadaalad daradaasi nalugula kacay”ayuu yidhi.
Dayib Mawliid Axmed oo ka mida Wax-garadkii Shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxba yuu Xoolo I siine, xaashee Nin Libin kaa xistiyay Xumihi waa yaabe, waxaan ahaa Xisbiga kulmiye ilaa maalintii la aasaasay, waxaa aad iiga yaabisay degmada Faro-weyne oo aan joogay, waxa yaalay laba sanduuq, waxa uu Mawliid ka helay boqol iyo sideetan cod waxa loo qoray siiro, waxa jira deegaamo kale oo aanu codad badan ka helnay oo ka mida kuwaan anigu joogay codadkii aanu ka helnay la tuuray, waxaasina waxaanu aqbalayno maaha”.
Ismaaciil Abiib Bul-bul oo ka mida Madaxda Dhaqanka ee Bulshada Musharaxani ka soo jeedo oo isaguna shirkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxaanu taageersanahay hadalkaa Musharaxayaga, waxaanan leenahay waa wax gara waxaas Ururka Xaqsoor kaga soo horjeestay Doorashada, markaa waxaanu leenahay waxaan Cadaalad daro ahayn dalka halaga sameeyo”ayuu yidhi.
Dhanka kale Odayaal iyo xubno kale oo ka mida Wax-garadkii shirkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ugu Baaqay in Cadaalad iyo Garsoornimo lagu soo celiyo nidaamka Doorashada, meeshana laga saaro qof Jeclaysiga iyo Xaq-darada lagu hayo Musharixiinta ku guulaystay Doorashada ee la reebayo. TVSLE