tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Xildhibaan Guurtidda ah Oo Baaq Nabadeed u diray shacbiga
Hargeysa (TVSLE)- Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo ka mid ah odayaasha waayo aragga ah ee Golaha Guurtidda Somaliland, ayaa xalay dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii iyo qaraabadii labadii qof ee dhintay shaqaaqadii shalay iyo habeen hore ka dhacay xaafadda Axmed dhagax ee magaaladda Hargeysa.

Xildhibaan Muxumed Aw- Axmed oo ka mid ah Gudida Joogtadda ee Golaha Guurtida oo xalay u waramayay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar M.Faarax, ayaa sheegay inuu ka xun yahay khasaaraha ka dhashay shaqaaqadaas, waxaanu yidhi “Waxaan ka xumahay shaqaaqadda ka dhacday degmadda Axmed dhagax ee caasimadda Hargeysa, taasi oo ah mid aanu ka xun nahay oo nasiib darro ah. Waxaan halkan uga tacsiyadeynayaa labadii qof ee ku dhintay oo aan ILAAHAY uga baryayo inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Intii dhaawacantayna ha inoo shaafiyo.”

Xildhibaan Muxumed Aw- Axmed waxa uu tilmaamay in aan jaanis la siinin cadowga Somaliland oo ka faa’iidaysan kara wixii shaqaaqo ah ee dalka ka dhacda. “Waxaan Dhalinyarradda iyo guud ahaan shacbiga u soo jeedinayaa inay is dejiyaan oo ay nabad-gelyadooda iyo dhismaha qarankooda ee ay u soo kifaaxeen aynu si wada jir ah u ilaashano oo aynu dhawrno danta guud iyo midnimada ummaddeena iyo wadankeenu ku soo caano-maalay ee lagu majeerto.”

Md. Muxumed Aw- Axmed waxa kale oo uu ururadda siyaasadda ee tartankii doorashooyinka ee wadanka ka dhacay tabashada ka qaba u soo jeediyay inay sharciga u maraan wixii ay tirsanayaan.

“Waxaan cid kasta urur kasta oo dareen tabasho ah qaba u soo jeedinayaa inay dariiqa sharciga ah ee dalka u maraan wixii ay tirsanayaan, taasi oo ah mid dhaqan inoo ahayd qaran ahaan iyo ummad ahaanba. Waxaan dadweynaha Xildhibaan ahaan iyo Gole Guurti ahaanba u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabad-gelyadooda iyo dawladnimadooda oo aynu hareeraha ka wada joogsano,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
TVSLE
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube