tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Xisaabiyihii Hore: "Komishanka doorashooyinku Way ku fashilmeen dooras
Xisaabiyihii Hore Ee Qaranka Oo Sheegay In Dibu Tirinta Codadka Hargeysa Ay Daaha Ka Fayday Sida Komishanku Ugu Fashilmay Habkii Ay U Maamuleen Doorashada, Kuna Baaqay In Cabashada Gobolada Kalena La Fuliyo

Hargeysa December 9, 2012 (TVSLE) Xisaabiyihii hore ee Qaranka Ibraahim Aadan Qaalib ayaa sheegay in Komishanka doorashooyinku ay ku fashilmeen in dalka ay ka qabtaan doorasho xor oo xalaal ah, kuna tilmaamay goaanka ay Komishanku ku ogolaadeen dibu tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Maroodijeex mid daaha ka fayday in doorashada golayaasha deegaanka wax isdaba marini ka dhacday, waxaanu ku baaqay in codadkii gobolka Gabiley laga bixiyay iyo guud ahaanba gobollada kale ee cabashada laga soo jeediyay-ba dib loogu noqdo tirinta codadkii laga dhiibtay. Mr Ibraahim Aadan Qaalib ayaa sidoo kale sheegay inaanay beeshooda Makaahiil (Samaroon) ee gobolka Gabiley aanay ku qanacsanayn goaankii lagu reebay musharaxooda Cabdillaahi Cabdi Bukhaari oo uga sharaxnaa xisbiga Ucid iyo golaha deegaanka Gabiley.

Mr Qaalib ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Waxaa cadaynaysa oo ka markhaati kacaysa in komishanka doorashooyinku ay ku fashilmeen doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii November 2012 oo muujinaysa mar hadii ay ku celiyeen in dib loo tiriyo codadkii ka soo baxay gobolka Maroodijeex, sidaa darteed waa in dib loogu celiyo tirinta codadka gobollada kale ee cabashadu ka soo yeedhay, gaar ahaana gobolka Gabiley, beesha Makaahiil (Samaroon) ee deegaanka Gabiley-na kuma qanacsana mana aqbalayso kursiga laga faro maroojiyey musharaxoodii uga sharaxnaa golaha deegaanka degmada Gabiley ee Cabdillaahi Cabdi Bukhaari, oo ka tirsanaa musharixiinta xisbiga Ucid uga tartamayay degmada Gabiley, sidaa darteed beesha Makaahiil ee deegaanka Gabiley oo ahayd beeshii doortay xildhibaan Cali Gabiley kuma qanacsana goaanka musharaxooda ay ku reebeen komishanka Gabiley.
TVSLE
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Heeta Somaliland fananadii Caanka Ahayd Kaltun Bacado



Muuqal Tv Barnamujka Somaliland-maanta Warbixin Waxqabdka Xukumda SL



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube