tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Xildhibaan Ku Taliyey La Mideeyo Doorashooyinka Wakiilada, Guurtida Iy
Hargeysa (TVSLE) Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa ku baqay in la mideeyo doorashooyinka golayaasha wakiilada, guurtida iyo madaxtooyada, kuwaas oo uu sheegay in xilligii la qaban lahaa ay ku beegan yihiin 2013-ka, 2014-ka iyo 2015, waxaanu tilmaamay inaan loo baahnayn in wax muddo kordhin ah loo sameeyo marka la gaadho xilligii mudadu kaga dhamaanaysay golayaashooda Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Waxa kale oo uu mudane Cabdiraxmaan Xoog sheegay in Komishanka doorashooyinku ay ku guuldaraysteen in dalka ay keenaan khad tayo leh oo lagu xakameeyo ku celcelinta codbixintii doorashada golayaasha deegaanka, waxaanu tilmaamay inay dalka keeneen khad aan tayo lahayn oo Sibaaq oo kale ah, taas darteedna ay sabab u ahayd ku noqnoqoshadii ay dadweynuhu ku celceliyeen codayntii doorashadaasi. Waxa kale oo uu sheegay in ururada ku tartamay doorashada golayaasha deegaanka ay ogolaadeen in kharashka muraaqibiinta oo ay doorashooyinkii hore dalka uga dhacay ay bixin jireen kharashkooda qaadhaan-bixiyayaashu ay si bilaa shuruud ah ku ogolaadeen inay iska bixiyaan, isla markaana ay dayaceen in codadkii doorashada ay ilaashadaan Axsaabta siyaasada ee ka cabanaysa in ku shubasho ay dhacday, codadkii doorashadana laga musuqmaasuqay, taas oo uu sheegay in looga baahnaa in maalintii codbixinta ay ilaashadaan codadkooda iyo sanaaduuqdii goobaha la geeyay.

Waxaana uu sidan ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahginta gudaha, isaga oo ugu horrayn la waydiiyey muddo kordhinta la sheegay in golahooda wakiilada ay u samayn doonaan golaha guurtidu maadaama muddo kordhintii hore ee labada sano iyo siddeeda bilood ahayd ee golaha guurtidu u samayeeyay badhtamihii bishii September 2010kii ay gabogabo tahay iyo sida uu u arko saddexda doorasho ee kaabiga ku soo haya dalka in xilligii loogu talagalay ay qabsoomaan, waxaanu yidhi Horta dalka doorashaa waashay, xukuumadiii Rayaale waxa musalaf ka dhigay doorasho waxa uu qabtay afar doorasho, waxa lagama maarmaan ah in doorashooyinka soo socda la mideeyo, ma caqli baa 2012- doorashadii golayaasha deegaanka, 2013-ka doorashadii golaha wakiilada, 2014-ka doorashadii guurtida, 2015-ka doorashadii Madaxweynaha dalku markaa ma doorashuu ka shaqeeyaa, waxaa la sheegay in doorashadii golayaasha deegaanka lagu shubtay oo codadkeedii la musuqmaasuqay, dadweynuhuna imika wixii ka dambeeya doorashooyinka way ka niyad jabeen sababtoo ah waxay ku hungoobeen waa laydin aqoonsanayaa, caalamkii baa inoo soo jeedsaday ayuun baa dadweynaha lagu maaweeliyaa, waxaa muhiim ah in la mideeyo saddexda doorasho ee hadhay, dooarshada golaha wakiilada, golaha guurtida iyo doorashada Madaxweynaha, muddo kordhini socon maysee waa in la mideeyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh kharashkuna inooga yaraado, imika inagoo doorashadii Madaxtooyada daalkeedii ina hayo ayaynu doorashadan golayaasha deegaankana hada galnay, waxay ahayd in ururada la tartamaya xisbiga Kulmiye ay codadkooda ilaashadaan, kharashkii muraaqibiinta ee xukuumadii Rayaale ay ka qaadi jirtay qaadhaan-bixiyayaasha xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo iyo Komishinku waxay yidhaahdeen ma hayno kharashkii muraaqibiinta, ururadanina waxay waxay yidhaahdeen anagaa iska bixinayna, sanaaduuqdi codbixinta ayaa la yidhi meelo kale ayaa la geeyay, kuwan ururada ah ee tartamayey maxay meesha ka qabanayeen?, waxay ahayd in ururadan tartamayey ay codadkooda ilaashadaan maalintii doorashadu dhacaysay ayaa haboonayd inay ka hadlaan. Waxay ahayd in Khad adag oo lagu xakameeyo codbixiyaha ay Komishanku keenaan, balse waxay keeneen Khad jilicsan, waxaana la sheegay in goobaha codbixinta iyadoo ciidamadii amaanku ay joogaan ay dadku si badheedha Khadka iskaga masaxayeen oo Bilayska iyo Komishanka hortooda iskaga maydhayey Khadka ee codbixinta ku noqnoqonayey aanay ka qabanaynin, lacagtii la soo siin lahaa Khad adag ayay Komishanku shaxaadeen markaasay dalka keeneen Khad jlicsan iyo bahalkii la odhan jiray Sibaaqa, sidaa darteed bay dadweynuhu ugu noqnoqdeen codaynta.
tvSLE
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Muuqal Tv Warbixin Basasinta Qoxntiga Somalida Shrciga Yurub Ka Joojiy



Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube