tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Dab ka kacay xero barakac oo ku taala Gaalkacyo Khasarena Gaystay
Gaalkacayo (TVSLE)- Dab xoog leh oo xalay ka kacay xero ay degenyihiin dad barakacayaal ah ayaa burburiyay in ka badan 100 guri, xeradaas oo ku taala magaalada Gaalkacyo.

Dabkan qabsaday deegaan ay deganaayeen qoysas barakacayaal ah ayaa waxuu baabiyay in ka badan Boqol guri oo cooshado ka sameynaa, iyadoo dadkii ku noola guryaha gubtay ay soo wajahday xaalad hooy laaan ah.

Qaar ka mid ah dadkii uu dabku saameynta ku yeeshay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka gubteen guryihii ay gabbaadsanayeen isla markaana ay hadda fadhiyaan meel cidlo ah, iyagoo codaday in lala soo gaaro gurmad baniaaddanimo.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee sababtay dabkaasi, laakiin inta badan dabka ka kaca xeryooyinka barakaca waa mid soo noqnoqda, waxaana dadka qaar ay rumeysanyihiin in dabka cuntada loo isticmaalo uu gaaro aqalladi ka sameysnaa cooshadaha oo iyagu aad ugu nogol dabka, kadibna uu sidaa ku sii fido.
TVSLE
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Muuqal Tv Warbixin Basasinta Qoxntiga Somalida Shrciga Yurub Ka Joojiy



Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube