tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Hambalyo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI !! W/Q Mohamed Abdillahi
Assalamu Alaikum Dhammaan Akhristayaasha shabakadan somalilandtoday.com,Weriyeyaasha sharafta leh gaar ahaan saaxiibkay Saddaam Mohamed Ahmed iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Hambalyo Ayaan Leeyahay Xisbiga Waddani oo wacdaro aad u ballaadhan ka muujiyey doorashooyinkii ka qabsoomey jamhuuriyada somaliland.

Nasiib wanaag doorashadu waxay ku dhamaatay si nabad gelyo leh inkastoo ay shaqaaqooyin aan badneyni dalka ka dhaceen maalmihii lagu dhawaaqey hadana waa ilaahay mahadii mar hadii aan dhibaato hagardaamo badani dalka ka taagnayn oo noloshu sideedii caadiga ahayd kusoo noqotay.

Dulucdeydu waa hambalyo ballaadhan oo aan rabo inan halkan u mariyo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo hore u ahaa mudoo sannad iyo dheeraad ah Urur Siyaasadeedka WADDANI Hambalyoooooo ayan leeyahay WADDANI.
Tanina waa guushii u horeysay waxa rajo rasmi ah laga qabaa in uu WADDANI maruun noqon doono Xisbul xaakimka dalka, Madaxweynena loo sooran doono Abdirahman Mohamed Abdillah cirro oo dhammaan shacbi weynaha somaliland gudo iyo dibedba ay si fiican ula dhaceen isla markaana uga heleen siyaasadda qaabka iyo quruxda,habka iyo hannaanka leh ee uu ku galey isla markaana u waajahay bilowga ururkan iyo waliba ololihii doorashada oo uu ururku noqday bahweyn isla markaana layskugu yimi dhammaan gobolada iyo degmooyinka xubno kakala socdaa ay kusoo biireen WADDANI.

Waddani oo ah quwada labaad ee axsaabta iyo ururada dhinaca siyaasadda somaliland ayaa waxa la filayaa in uu hoosta mariyo xisbiga KULMIYE oo isagu ah xisbul xaakimka cidina aanay la tartami karin balse xisbiyadii jirey midkamid ahi(UDUB) uu baaba?ay, UCID oo ahayd xisbiga kaliya ee doorashada isagoo xusbi mucaarid ah galey ayaa waxa kabaha la dul marey oo taageero uu dhammaan gobolada iyo degmooyinka ka haysto ku muquuniyey Urur siyaasadeedka WADDANI oo kjaalinta labaad kusoo galey xildhibaano 60 kor u dhaafaya.
Waxa la filayaa in doorashada tan inoo xigta ee baarlamaanka ee la filayo iney 2013 ka qabsoomaan somaliland uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ka muujin doono taageero tan ka ballaadhan kadib marka ay shacabka reer somaliland si fiican u fahmaan una bartaan hogaamiyeyaasha qiimaha leh ee iskugu tagey Xisbiga WADDANI.

Waxaan xisbiga WADDANI u rajeynayaa guuuuuul taageeerayaashana waxan leeyahay Hambalyoooooo !!

Mohamed Abdillahi Saed Dheere
cambe66@hotmail.com
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube