Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Way Ku Fashilantay Qabashada Doorashada
Markii aan eegay tabashooyinka kasoo yeedhay ka dib intii ay doorashadu dhacday ee ahayd doorashadii ka dhacday ceerigaabo iyo tii ka dhacday lughaya iyo saylac ee ay ku qaadaceen urursiyaasadeedyada xaqsoor iyo rays taas oo ay sheegeen ururadu inanay u dhicin si xor iyo xalaal ah ee ay ku eedeeyeen inay ku shubteen kulmiye iyo xukuumadu hadaba waxaan usoo jeedinayaa xukuumada iyo komishanka qaranka inay dib u hubiyaan doorashadii dhacday qanciyaana tabashooyinka ururada iskana bari yeelaan eedaymaha uga imanaya ururada xaqsoor iyo rays
Waxaan soo jeedinayaa in la tixgaliyo cabashooyinka ka imanaya ururada xaqsoor iy rays oo loo hubiyo loona cadeeyo meelaha uu madmadowgu kaga jiro si ay u noqoto doorasho xor iyo xalaal ah waxaan ka xumahay in urur siyaasadeedka xaqsoor uu kala kulmo cod la,aan gobolada TOGDHEER SARAAR iyo SANAAG oo aan u han waynaa inuu urur siyaasadeedka xasoor kasoo baxayey Iyada oo aynu wada ognahay in shacabka reer baligubadle yar iyo wayn aanay ukala hadhin taageerida maddaxwayne siilaanyo doorashadii maddaxtinimo ee uu ku fuulay kursiga maddaxtinimo ee dalka ugu sareeya Hadaba aqoonyahan jiir wuxuu ugu baaqayaa shacabka xukuumada iyo asxaabta qaranka in hadii la tartamay oo khalad dhacay la raaco nidaamka saxda ah ee dib wax loogu sixi karo lana ilaaliyo xasiloonida iyo nabad galyada dalka jamhuuriyada Somaliland ku nabad iyo caano maashay waxaanan leeyahay nabadgalyadaa aynu wada hadhsanaynu cidii doonaysa inay burburiso aynu meeluga soo wada jeesano iskana ilaalino cadawga inaga faaidaysanaya dibad iyo gudaba