tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Malaga Yaaba ku celinta tirinta cododka Hageisa inay sababto dhibaato
sidaas darteed, aniga oo ka mid ah dadka jecel wanaaga iyo horumarka Somalland waxaan ku tali lahaa in laga fiirsado talaabada

Asalamu calaykum meelkasta ood joogta shacabka reer Somaliland, waxaan marka hore halkan tacsi uga dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku naf waayay mudaharaadkii ka dhacay Degmada Ahmed dhagax ee casimada Hargeisa iyo dhamaan shacbi waynaha reer Somaliland ee ay dhalinyaradaasi ka baxeen. waxay ahayd dhacdo aad u fool xun in rasaas lagu furo dhalinyaro aan wax huba sidan oo ay ku dhintaan caruur yaryar oo ah mustaqbalkii dalkan iyo rajada kaliya ay Somaliand leedahay, waxaana muhiim ah in Booliska loo tabobaro in ayna rasaas u adeegsan dad shicib ah oo mudaharaadaya oo aan wax hub ah sidan, aqoontoodana kor loogu qaado inay adeegsadaan hadii aynaan haysan sunta dadka ka ilmeeysiisa ee rabshadaha lagaga hortogo inay isticmaalaan budad iyo fardo ay dadka ku kala eryaan.
ayaanle
Aan usoo noqdo dulacda maqaalkaygan, dhawaan waxa lagu dhawaaqay natiijadii doorashada golaha deegaanka ee bishii hore ka qabsoontay dalkeena, natiijadaas oo ururo badan oo ka qayb galay ay saluugeen qabkii ay golaha koomiishanka iyo dowladuba u maamushay dhaliil badanina ay ka timid. Hadaba rabshadahii hargeisa ka dhacay ka dib ayuu Gudoomiyaha Golaha Koomishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay in dib u tirin lagu sameenayo cododkii Degmada Hargeisa, dib u tirintaas oo laga yaabo inay inagu keento dhibaato hor lehi, alle inooma keene, waxa haboonayd intii an lagu dhawaaqin natiijada doorashada in la dhagaysto oo wax laga qabto cabashada ay ururadi dorashada ka qayb galay ay soo jeediyeen, taasoo ay mar walba ku celcelinayeen in la qanciyo inta aan lagu dhawaaqin, dhagna jalaq looma siin ee waatii lagu dhawaaqay, suaashaydu waxay tay, sidee ayuu xaal noqon doonaa hadii xildhibaano soo baxay hadana la yidhaahdo waa hadheen?, sidee bay xaaladu noqon doonta hadii ururo rajo la galiyay oo soo baxay hadana la yidhaahdo waa hadheen,? sow xaaladeenu noqon mayso ka dar oo dhibi dhal, dhibaato horlahina inagu iman mayso, waxa halkaas ka muuqanaysa in la rabo in umada walaalaha ee illahay deegaanka kuwada abuuray madaxa laysku sudhayo oo guusha ay gaadheen ee ay caalamka tuseen loogu badalayo guul daro ayna kasoo waaqsan ceeb iyo dib u dhacna ku keenta.


sidaas darteed, aniga oo ka mid ah dadka jecel wanaaga iyo horumarka Somalland waxaan ku tali lahaa in laga fiirsado talaabada ay qaadayaan golaaha koomiishanka dorashooyinka ee ah khaladaadkii ay hore u sameeyeen inay hadana mid ka culus ay dib u sameenayaan umadana ay madaxa isku sudhayaan hadii ay ku kacaan inay wax ka badalaan natiijadii ay hore u shaaciyeen. Hadii maanta ay ta hargeisa wax ka badalaan natiijadii ay hore ugu dhawaaqeeen sow dhamaan gobolada oo dhana cabashooyinkii ay hore u qabeen soo laba kacleen maayaan taasina uma fiicna dalka iyo dadkaba, waa ogeen doorashadii ka dhacday dalka aynu jaarka nahaay ee Kenya sidii ay iskugu dileen qabaailka dagaa wadankaas markii madaxa ay isku galiyeen golahii doorashada iyo siyaasiyiintii hogaaminayay ururadii ka qayb galay doorashadaas. waxaana halkaas ka muuqata inay Gudiddan doorashadu ay ku fashil meen doorashadan golaha deegaanka loona baahan yay in la kala diro oo aan lagu aaminin doorasho danbe, waxaan kusoo gabogabeenayaa cadaalada hala dhowro, oo sharafta muwaadininta hala ilaaaliyo,

cadli baa wax deeqee waxkale oo dad deeqo dadka lagaga eed baxo, nin u dooday heli waa

Rag cadaalad waaya sidii cowsha kala yaac

Allaaa Mahad Leh,
C/ayaanle Ismaacil Abib
Antwerpen, Belguim
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube