tvsle.com
Sunday, 9 December 2012
Sweden Oo Laga Furay Xarun Caafimaad Oo Lagu Dawaynaayo Laguna Xanaana
Sweden(TVSLE)-Xarun caafimaad oo ay ka hawl-gallayaan dhakhaatiir si weyn loogu tababaray waxyeeladda qaadku gaadhsiiyo kooxaha ehlu mirqaanka ah ee uu daashaday isla markaana dhiigoodu la qabatimay ayaa laga furay deegaan waqooyi kaga beegan magaalo madaxda dalka Sweden Stocholm oo la yidhaahdo Kista.

Jariiradda Vrdguiden ayaa sheegtay in goobtani caafimaad loogu tallo-gallay dadka qabatimay ama uu dhiigoodu raacay cunista geedka qaadku masuulka madaxa ka ah goobtani caafimaad oo la yidhaahdo Gun Adnell ayaa wuxuu yidhi markaad dhulka Soomaalida joogto qaadku wuxuu la mid yahay sida adigoo saaxiibadda la cabbaya koob bun ah ama la qaadanaya wakhti adigoo jooga goobaha khamriga biirka loo yaqaano oo kale dalkani Sweden
Gun Adnell oo hadalka sii wada wuxuu yidhi Faraqa u dhexeeya waxaa weeyi markaad timaado Sweden oo ah dal kugu cusub dhaqan ahaan, luuqad ahaan oo inaad barata kugu adkaato way fududahay inaad jaranjarada nolosha ka siibato dabadeedna uu qaadku ku noqdo waxaad noloshaada ku maaweeliso qaadkaasi oo marka danbana ku qabatima oo aad dayn kari waydo

Ayoub oo ah Dhakhaatiirta cilmi nafsiga ee xaruntani casriyaysan ee dabiibka qaadka loogu tallo gallay ka mid ah ayaa wuxuu yidhi waxaan arkay haween badan oo Soomaali ah oo noo xaqiijiyey in balwadda qaadka ee ragoodu ay sababtay inay ku kala tagaan qoysaskoodiina ku burbureen.
Dalka Sweden wuxuu ka mid yahay dalalka uu qaadku ka yahay mamnuuc balse waxaa fara-baas ku haya qaadka ka soo galla dhinaca madaaradda oo kooxo Soomaali ah ay ka soo daabulaan dalalka Holland iyo Ingiriiska oo uu sharci qaadku ka yahay waxaana bishii June ee sannadkani lagu qabtay dalka Sweden 41 sanno jir Soomaali ah oo doonaayey inuu Sweden soo galliyo 340 Kg oo qaad ah.

Ninkani ayaa la qabtay isagoo gaadhi uu ku waday qaadka ku wada masaafad aad u xawli badan isla markaana jidkii gaadiidku marayeen dhinacii loogu tallo-gallay maahe dhinacii kale goynaya taasi oo sababi gaadhay shil iyadoo markii la qabtayna uu ninkaasi sheegay inaanu warba isku hayn halka uu gaadhiga la marayo.
Sannadkii 2010-kii waaxaha kastamyada ee dalka Sweden waxay qabteen 14 Tone oo qaad ah kaasi oo ka soo gallay Biriijka caanka ah ee loo yaqaano resund Bridge ee isku xidha dalalka Sweden iyo Denmark.
TVSLE
published on Sunday, 9 December 2012
Headlines


Muuqal Tv Warbixin Basasinta Qoxntiga Somalida Shrciga Yurub Ka Joojiy



Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube