“Dulmi heer qaran ahbaa dhacay oo waxa la duudsiyey xuquuqdii dadkan Muwaadiniinta ah, doorashadiibaa lagu shubtay Bari iyo galbeedba, gobolo dhanbaa la yidhi doorashada ka qayb-gali maysaan”Guddoomiyaha Xaqsoor
Hargeysa (tvsle) – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay rabashadaha ay degmadda Axmed Dhagax ka sameeyeen taageerayaashiisu, waxaanu faahfaahiyey waxyaabaha uu ka kacay mudaharaadka rabashadaha watat ee khasaaraha keenay.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ah halyey taariikh mudan ku leh Somaliland iyo shacabkiisaba, ayaa sheegay inaanu doonayn in laga xumeeyo nabadgalyadda iyo xornimadda Somaliland oo uu tilmaamay inay hore maal iyo nafba ugu soo horeen, balse taageerayaasha rabashadaha sameeyay ay ka cadhoodeen boob uu sheegay in lagu sameeyay codadkii ururka Xaqsoor ka helay degmadda Axmed Dhagax.
Mujaahidka oo shalay la hadlay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa isaga oo sharaxaya dhibaatada ka dhalatay rabashadaha taageerayaasha Xaqsoor ayaa yidhi “Dhalinyaro rayid ah oo samaynaya mudaharaad salmi ah ayaa ciidamadii qaranka loo addeegsaday oo xabad lala dhacay, shalay (doraad) ilaa xalayna (habeen hore) hal qofbaa dhintay lix qof oo rag iyo dumarba lehna way dhaawacmeen”
Xasan Ciise, waxa uu sheegay inay shalay dhalinyaradda gadooday kula hadleen garoonka Hargeysa istaadiyam si ay rabashadaha u joojiyaan “Dhalinyaradda waxaanu ugu khudbadaynay Istaadiyamka Hargeysa, waxaanuna doonaynaa in nabada Somaliland oo qolyahayaga Xaqsoor aanu naf iyo maalba u hurnay inaan lanaga carsha-carshayn, maadaama oo ururkani taariikh baal-dahab ah ku leeyahay, waxaanu dhalinyaradda ku baraarujinay inaan wax la siistaa jirin qaranimada Somaliland, xoriyadiisa iyo nabadgalyadiisa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo xaqiijinaya in dadka rabashadaha sameeyay yihiin taageerayaasha Xaqsoor “Dadka Mudaharaadayaa waxay u badan yihiin taageerayaasha Xaqsoor waana Caddaan”
Xasan Ciise, waxa kale oo uu ka hadlay waxa keenay Mudaharaadka iyo rabashadaha “Waxa keenay Mudaharaadka waxa keenay Mudaharaadka Masar ka socda ee dumiyey nidaamkii hore ee dulmiga ahaa ee Xusni Mubaarak, waxa keenay wixii dumiyey nidaamkii dulmiga ahaa ee Tuusiniya ka dhacay, waxa keenay waxa ka socda Suuriya”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dulmi heer qaran ahbaa dhacay oo waxa la duudsiyey xuquuqdii dadkan Muwaadiniinta ah, doorashadiibaa lagu shubtay bari iyo galbeedba, gobolo dhanbaa la yidhi doorashada ka qayb-gali maysaan oo la duudsiyey xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, intii dhexena waa la boobay oo Koombuutaradii ayaa laga waayay (Codadkii Xaqsoor ka helay Axmed Dhagax) oo markii dambe la galiyey cod intii hore ka yar”
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna ka hadlay rabashadahan ayaa sheegay inay ilaa habeen hore ku dedaalayeen sidii ay u heli lahaayeen Salaadiinta iyo hogaanka urur siyaasadeedka Xaqsoor si loo xaliyo dhibaatadda jirta “Ilaa xalay (habeen hore) waxaanu ka shaqeynaynay inaany helo salaadiinta, waxaanuna la xidhiidhaynay Masuuliyiinta Xaqsoor oo aan u qalmin in kagu shaambadeeyo nabadgalyo daro oo dalka wax badan gashaday sida Guddoomiyaha, oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu si si dublamaasiyadeed ugu dhamayno”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Kuwa Tv-yadda ka leh Mudaharaada waxaan leeyahay Addeer ka daaya oo Xasan Ciise sumcada haka dilinna”
Wasiir Duur, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dhibaatadda dhacday “Waxaanu ku dedaalaynay in aanay dadku ku kicin wax rabshado ah, laaakiin waxa dhacay aad iyo aad ayaanu uga xunahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Natiijadii lama soo wadda saarin ee marka natiijadu dhamaato ayaynu dariiqo sharci ah u leenahay wixii cabatin ah, waxayna ahayd in Xaqsoor marka natiijadu soo dhamaato ay wixii cabasho ah dariiqa sharciga ah u maraan, waayo waxa u badan ee ay ka cabanayaan waa sidii ay u dhacday doorashaddu, taasina waxay khusaysaa komishanka iyo Maxkamadda”