Hargeysa (TVSLE)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo wax ka bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha Rayidka ah, Xeer No: 31/2004.
Sidan waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Siciid Cadaani Mooge.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani-na sidan ayuu u dhignaa:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta soo saaray xeer lagu baahinayo dhaqan-galka wax ka bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha Rayidka ah, Xeer No: 31/2004.
Madaxweynuhu markuu Arkay qodobada 90-aad iyo 75-aad ee dastuurka JSL, isla markaana uu helay go’aanka golaha wakiilada, go’aan No: GW/KF-10/474/2010 ee ku taariihaysan 31/01/2010 iyo go’aanka golaha Guurtida, Go’aan No: GG/JSL/G-2/07/2009 ee ku taariikhaysan 27/07/2009, ayaa waxa uu soo saaray Digreeto No: 043 1/03/2010 oo lagu baahinayo dhaqan galka wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer No:31/2004.
WARKA 2AAD
Nairobi: Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Dalka Kenya Oo Si Kulul Uga Jawaabay Baadhitaankii Ay Soo Jeediysay Xukumada Keyna In Socdaalkii Uu Ku Yimi Somaliland
Nairobi (TVSLE)- Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedayn Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaasi Moses Wetangula uu uga soo jeediyey socdaal uu dabayaaqadii sannadkii hore ku yimi Somaliland, isagoo Baarlamanka Kenya u gudbiyey qoraal uu kaga dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo hadallo uu sheegay uu jeediyey intii uu Somaliland ku sugnaa.
Md Macalin ayaa eedayntaas Wasiirka ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo ay ka dambeeyeen dad iyo dawlado uu sheegay in aanay ka dilaashaan qaska ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu difaacay socdaalkii uu ku yimi Somaliland oo uu sheegay inay wax qabsadeen oo uu wanaageeda meel walba u marayo.
Md. Faarax Macallin waxaa uu sidan ka sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo ay la yeelatay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu, waxaana uu dufaacay safarkii uu sannadkii hore ku yimid jamhuuriyada Somaliland iyo arimo kale.
Ugu horreyn Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya oo ka hadlayey eedaynta uu u soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu yidhi; “Waddanka annaga ayaa xukuna, waa waddan dastuur, sharci iyo nidaam ku shaqeeya, dimuqraadiyaddu markay shaqaynayso saddexda awoodood ee dawladnimada oo ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku way qaybsan tahay, wasiirku arrinta uu ku hadlay sharci iyo xalaal midna maaha daafaanimo iyo dan kale ayuun baa u gaysay mooye ee awood uu isagu ku yidhaa guddi Baarlamaan ha baadhaan Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka ma laha, isagu ima baadhi karo, laakiin aniga ayaa isaga baadhaya, sharciga waddankan u yaalana aniga ayaa awood u leh oo guddiyaasha Baarlamanka oo dhami aniga ayey i hoos yimaadaan oo Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka ayaa maamulkooda iyo hawlgalkooda oo dhan gacanta ku haya.
Horta anigu guddi Baarlamaan ayaan hoggaamiyey oo aan meesha [Somaliland] la tagay, guddigiina warbixin ayuu soo qoray, aniguna awood uma lihi in aan dhexgalo warbixintaas ilaa aannu keeno Baarlamanka, warbixintana waqti aad u dhaw ayaanu keenaynaa.”
Md. Faarax Macallin oo la waydiiyey waxa uu ka qabo eedaynta loogu soo jeediyey inuu taageeray ama dhiirigeliyey gooni-isu-taaga Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Waxaad ogsoon tahay in BBC-du waraysi ay ila yeelatay dhawr jeer aniga oo Somaliland jooga, waxaan idiin sheegay in aanan anigu awood u lahayn in aan arrintaas (aqoonsiga) mowqif ka qaato, arrintaa marna kamaan hadal, nidaamka dawladnimo ee aan ka tirsanahay ayaa tallaabadaas qaadi kara oo weliba ay u hay’ado fulinta ka tirsani ku dhawaaqisteeda ay leeyihiin. Anigu waxaan u tagay waxa weeye, kow in aan soo ogaado xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta waddankaas [Somaliland], laba in aan ogaado siyaasaddu siday tahay, waayo waxaynu ogsoonahay in doorashadii Madaxtooyada Somaliland dhawr jeer dib loo dhigay, saddex in wixii talo, walaalnimo iyo wanaag ah ee lagu sugi lahaa nabada, dimuqraadiyaddana loo kobcin lahaa oo waxyaabaha ay isku qabsan karaan si xalaal ah oo aan gacan ka hadal lahayn lagu xallin lahaa. Markaa arrimihii dabiiciga ahaa ee xalaasha ahaa ee dawladnimada ahaa ayaan anigu meesha u tagay. Waxaa intaa ii wehelinaysay in aniga iyo guddigaygu soo ogaano xaaladda nabada, ta ganacsiga, jidadka, tacliinta iyo wixii oo dhan in aannu indhahayaga ka soo buuxsano sidii waddankaasi wax loogu qaban lahaa aanu iswaydiino annaga oo fara badan oo kala duwan oo cid alle cidii danaynaysa ummaddaa Soomaaliyeed ee hadda Somaliland ah, inkasta oo aan weli la aqoonsan iyo tan Koonfureed, anigu Xamar waan tagay, Hargeysa-na waan tagay, Burca-na waan tagay, wanaagooduna waa mid aan meel kasta u tagayo, taasaanan u tagay aniga oo isticmaalaya awoodayda Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka, danaha Kenya ayaa khuseeya oo gobolka ayey ku jiraan, danta ummadda reer Somaliland waanu eegaynaa.”
Mar la waydiiyey su’aal ahayd, ‘Waxyaabaha lagugu eedaynayo waxa ka mid ah in aad ku kacday wax khilaaf ka dhex abuuri kara Somaliland iyo Puntland, taas oo malaha ah magaalada Laascaanood, markaa tegitaankaagii Laascaanood wax cabasho ah oo dhinaca Puntland ama dadka degaankaas kaa soo gaadhay ma jiraan?
Waxa uu yidhi; “Horta anigu dadka siyaasadda beenta ka sheega ma ihi, taa Ilaahay baa igu og, maxaa yeelay wax igu khasbayaa ma jiro, adaygeedana waan u leeyahay. Beesha degan Laascaanood markaanu ka tagnay Burco ee aanu xadkeeda galnay caleemihii nalagu soo dhaweeyey ayaan ku tagay Laascaanood oo si aan caadi ahayn la igu soo dhaweeyey oo aan kaga soo baxay, waqtigan iminka aan kula hadlayana si joogto ah ayey dadkii Laascaanood deganaa iila soo xidhiidhaan, annaga oo ka hadlayna daryeelkii ay u baahnaayeen dadkaa masaakiinta ah oo dad wada mujrimiin ah oo meelo kala jooga siyaasad ku ciyaarayaan noloshoodii ayaan u tagay, waan ogsoonahay in dad ashkhaas ah oo mar kasta beel ahaan u xisaabtama, Ilaahay baan kugu dhaariyee ninka beel ahaan waqtigan Soomaaliyi joogto ku xisaabtamaya ee u kaashanaya dad aan Soomaali ahayn oo waynu is ognahaye ay ku jiraan waddamada jaarka iyo dad kale oo cadow soomaaliyeed inay yihiin taariikhdu ogtahay taasi waa mid ummadda soomaaliyeed u taala. Wax aniga dadkii Laascaanood ee aan u tagay na dhexmaray ma jirto, wanaagii na dhexmarayna waanu ognahay.”
Faarax Macallin isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd inuu ogsoon yahay inay jiraan dad qabiil ama wax kale ku doodaya oo weeraro iyo qaraxyo ka sameeyo Laascaanood oo diidan inay Somaliland xukunto, waxa uu kaga jawaabay “Inay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo cid kastaa ku adeegato oo Laascaanood qaraxyo ka samaynaya, Hargeysa ka samaynaya, Xamar iyo meel kasta ka samaynayaa inay jiraan waan ogsoonahay.
Waxa kale oo la su’aalay Guddoomiye-ku-xigeenka maadaama waqti dheeri ka soo wareegay markii uu Somaliland booqday sababta iminka dacwayntiisa keentay, waxaannu yidhi, “Anigu garanmaayo, laakiin kolay aniga oo kuu sheegaya arrin aan aaminsanahay aniga oo siyaasi reer Kenya ah, haddana ka horna aan sheegay, gobolka Geeska Afrika dawlado ka dhisan ama shakhsiyaad ka mid ah oo dawlad ahaan u dilaalaya arrinta Soomaaliya ee jabka iyo qaxarka ku jirta ayaa iska jira oo Kenya-na ka mid ahayd oo dad badan oo ka shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibada ka mid ahaayeen oo iyada ayey u ahayd baayac-mushtari. Anigu waxaan ku odhan karaa in xalka Soomaaliya la gaadho oo sharafteediis oo noqoto dad diidan baa jira oo kan hadda hadalka sheegay [Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya] aanu ka fogayn oo doofaarnimada iyo dulimada ummadda Soomaaliyeed lagaga dhex shaqaysanayey muddooyinka oo dhanba, hadda waxaan kuu sheegayaa dadkii ku shaqaysanayey ayuun baa keentay in arrinta meelahaa laga sheegsheego.
Xataa aniga warqad buu ii soo qoray [wasiirku] waanan ka jawaabay oo waxaan u sheegay khaladka uu galay, waanan u sheegay in xad-gudubka noocaas oo kale ah isaga aan tallaabo ka qaadi karo, haddana kolay dad kale ayuun buu qancinayaa oo uu leeyahay waan idii shaqaynayaa.”
Mar la waydiiyey in Wasiirka Arrimaha Dibadu uu u xilsaaran yahay siyaasadda dibada iyo inuu isagu u muuqdo nin ka gudbay Baarlamankii oo maaraynaya siyaasadda arrimaha dibada, waxa uu ku jawaabay, “Ninka Wasiirka ahi inuu siyaasadda arrimaha dibada ee waddanka ka jiro ayaanu ogsoonahay oo uu si nadiif ah oo xalaal ah ku wado ay tahay, Baarlamankuna wuxuu awood u leeyahay inuu hubsado shaqadaasi inuu ka soo baxayo iyo inuu musuq kale ku dhexwado, waxyaabahaana anigoon ku sii fogaanayn waad ogaan doontaan oo warqadii ayaa Baarlamanka la keenayaa oo lagaga doodi doonaa, waxani waa sheeko dheer.
Baarlamanku wuxuu awood u leeyahay inuu ku baadho in xidhiidhka dibada waddanka si fiican loo wado, waddamada jaarka ahna wax allaale wixii wanaagooda ah iyo wixii wanaagayaga ahi uu na dhex socdo, keliya annagu waxaanaan qaban Karin in aannu amar bixin karno.”
Ugu dambayntii waxa Md. Faarax Macallin la waydiiyey inta ay le’egtahay kalsoonida uu isku qabo inuu ku guulaysto dacwadda loo soo jeediyey, waxaannu yidhi; “Si buuxda oo meeshii u dambaysay ah ayaan u qabaa, waanad arki doontaa siday ku dambayn doonto, maxaa yeelay waxani wax soconaya maaha, waddankii wixii sharci ah ayaa soconaya, wixii aan sharci ahayn danta waddankana ahayn ma soconayaan, haddana waxaannu ku guulaysanay in aannu dadka soomaaliyeed u muujino inay dantoodu tahay ta Kenya oo kale ee aanay ahayn siyaasadii hore ee ahayd qowda maqashii waxna ha u qaban oo waddamo kale oo gobolka ahi ay ku dhex jiraan, iminka waxaan aaminsanahay in dadkan hadda qayliya lagu adeegtay.”
WARKA 3AAD
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Difaacay Booqashadii Uu Sannadkii Hore Yimi S/land Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya
Hargeysa (TVSLE)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay dalab uu Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Mr. Moses Wetangula ku dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo safarkii uu guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin ku yimid Somaliland, bishii December ee sannadkii tagay.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Moses, ayaa qoraal uu toddobaadkii hore u soo qoray guddiga baarlamaanka Kenya u qaabislan difaaca iyo xidhiidhka dibadda, waxa uu kaga dalbaday inay baadhis ku sameeyaan socdaalkaas uu guddoomiye Faarax ku yimid Hargeysa iyo weliba khudbadihii uu Hargeysa ka jeediyay, oo uu sheegay inay dhiirigeliyeen gooni isu taagga Somaliland. “Booqashadii Faarax Macalin, kamay duwanayn markii uu wefti ka socday baarlamaanka Kenya safarka ku yimid Hargeysa sannadkii 2006.” ayuu yidhi guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, oo cifaacayay safarkaas Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Kenya Somaliland.
Waxaanu intaas raaciyay, “Safarka Mudane Macalin, waxaanu u arkaynay xidhiidhka labada Baarlamaanka [Somaliland iyo Kenya] oo ay wada shaqayntoodu sii socotay, oo aanu ka duwanayn wefitigii Kenya baarlamaankeeda ka socday ee hore u yimdi Hargeysa, mana jirto sabab loo buun-buuniyo, cidda waxaas wadana waxaanu u arkaynaa inaanay dariiq sax ah ku taagnayn.”
Waxa uu Mudane Cirro, sheegay in weftigii ka socday baarlamaanka Kenya sannadkii 2006, markii ay Nayrobi ku noqdeen ay baarlamaankooda hordhigeen Moshin ay ku dalbanayeen in Somaliland la aqoonsado, “Muxuu Faarax kaga duwanyahay wetigaas dalbaday in Somaliland la aqoonsado ee Mooshinka diyaariay.” ayuu isweydiiyay Guddoomiye Cirro, isagoo raaciyay, “Wax faraq ahi uma dhexeeyo.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, waxa uu iska dhawray inuu farogeliyo nidaamka dawladeed ee Kenya, “Annagu nidaamkooda dawliga ah farogelin mayno, Laakiin waxaanu dawladda Kenya u sheegaynaa inay Somaliland ahayd mustacmarad uu iyada iyo Kenyaba Ingiriisku wada gumaysan jiray oo weliba xorriyada ka hor qaadatay, sidaas daraadeed waxaanu leenahay Somaliland waa dal xor ah oo la mid ah Kenya.”
Waa markii u horaysay Taariikhda dalke Kenya in Barlaman laga codsado inay baadhaan safar rasmi ah oo uu guddoomiye ku xigeen baarlamaan ku tagay dalka dibadiisa. Dawladda Sheekh Shariif oo ay dad badani aaminsanaayeen inay iyadu dawladda Kenya codsigan u gudbisay ayaa dafirtay inay wax lug ah ku leedahay, waxase la sheegay inay dawladda Shariif saraakiil ka tirsani dabada ka riixeen dacwad hinaase ah oo uu maamul goboleedka Puntland ka gudbiyay safarkaas Faarax Macalin uu ku yimid Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin dacwadan, iyadoo Mudane Faarax Macalin keliya loo haysto booqashada uu Somaliland ku yimid.